Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Yet another Xabashi xasuuq

Recommended Posts

wiil3.jpgwiil9.jpgwiil10.jpg

 

Ibraahiim Diiriye Mire: Aabbe Ciidamada Itoobiya ka dileen Saddex Wiil oo uu dhaley

 

Waxaa maalintii shalay ahayd xafiiska nagu soo booqday Ibraahim Diiriye Mire oo dhalay saddex wiil oo 19/6/2007 ciidamada Itoobiya ku dileen agagaarka Kulliyaddii hore ee Jaale Siyaad. Wiilasha oo magacyadoodu kala ahaayeen
C/qaadir Ibraahim Diiriye oo 20-jir ahaa, Sharmaake Ibraahim Diiriye oo
18 jir ah, iyo Jaamac Ibraahim Diiriye 16 jir ah
.

 

 

Dilkaas ayaa waxa uu yimid mar Ciidamada Itoobiya gaari ay saarnaayeen halkaasi qarax loogu gaystay, waxaana dhacday in Ciidamada Itoobiya markiiba ku yaaceen xaafadihii halkaasi ku dhawaa, waxayna hal guri ka soo wateen lix qofood oo ay ku jireen saddex wiil oo walaalo ah, wiil saaxiibkood ah iyo labo oo guri dhiseesay oo farsamo yaqaano ah ah.

 

Ibraahim oo ah Aabbaha dhalay wiilashaasi xiligaasi waa uu ka maqnaa guriga, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri:

 

"
Anigoo ku sugan Magaalada ayaa la igu soo wargeliyey in carruurtii ay ka kaxeysteen ciidamada Itoobiya guriga
, waxaana i gashay cabsi iyo rajo ah in la sii deyn doono, markiiba waan soo cararay" ayuu yiri Ibraahim Diiriye oo intaa raaciyey, "
Haddana Taleefan ayaa ii soo dhacay waxaana la igu yiri saddexdii wiil ciidamada Itoobiya way dileen, waxaana la ii daba dhigay in labo nin oo farsamo yaqaano ah oo ka shaqeenayey guriga iyo wiil isna wiilasheyda saaxiib la ahaa iyana la dilay maydkoodana wadada uu yaalo
, waxaana la dhaqaaqi waayey naxdin."

 

Ibraahim oo markaan wareysanayey ilini ay ka socotay ayaa waxa uu ii sheegay in wiilasha qaarkood ay dhameeyeen Dugsiga sare midka weyna uu dhawaan shaqo bilaabi lahaa, ibraahim waxa uu dhacdadaani ku tilmaamay mid naxdin leh oo laga murugoodo, isagoo sheegay in aysan ka hadlin ilaa iyo haatan Hay�adaha xaquuqda Aadanaha, sidoo kalana aysan ka hadlin Dowladda Federaalka iyo Dowladda Itoobiya.

 

"Waa xoog aan ku baxsan lahaa, waayo waxay joogeen xiligii lagu nacfin lahaa, hase yeeshee taasi ma dhicin, oo waxaa maalin cad si bareer ah loogu toogtay wadada dhexdeeda" ayuu sii raaciyey hadalkiida Aabbe Ibraahim Diiriye oo isagu u mahadceliyey dadka deriska ahaa ee gacanta ka gaystay duugista carruurtiisa, wuxuu kale oo uu intaa sii raaciyey, "
Anigu wax shaqo ma hayo maanta, waxaanse fiirsanayey saddexda wiil xoogooda, hase yeeshee qadarta alle ayaa ku dhacday, laakiin gacan ka gardaran ayaa dishay
."

-----------

 

Aabbe Ibraahim Diiriye wuxuu u baahan yahay Gargaar, waa aabbe ay carruurtiisii ka dileen ciidamada Itoobiya, wixii gargaar ah ugu soo hagaaji.

 

Amiin Yuusuf Khasaaro

Email:

Tel: 002521-552494

 

wiil1.jpg

 

Samir iyo iimaan, Ibraahim Diiriye Mire. Maalin maalintee ahaataba xaqooda loo aargudi doonaa. Gacan ka gardaran ayaa dishay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadka, especially the youths, aan waxba galabsan la leynaayo continues.

 

Ciidamada Xukuumada Itoobiya Oo Dad Rayid Ah Ku Xasuuqay Xarun Internetka Laga Isticmaalo

 

Juun 30, 2007 - Ciidamada xukuumada Itoobiya ee ku sugan magaalada caasimada ee Muqdisho ayaa ku diley dhalinyaro ku jiray xarun internetka laga isticmaalo oo ku taala agagaarka ex-cantarol [dhanka Suuqa Xoolaha].

 

Ilaa ku dhowaad 3-nin oo dhalinyaro ah ayaa waxaa ciidamada Itoobiya ku dileen meel ganacsi oo laga isticmaalo internetka, halkaasoo ay u gaysteen jidhdil xoogan islamarkaana rasaas madaxa kala beegsadeen, arintan oo ka dhalatay markii uu halkaasii kolonyo baabuur ah oo maraysay oo wateen ciidamada Itoobiya uu ku qarxay goobtaas islamarkaana uu halkaas ku gubtay gaari nooca ciidamada qaada ee loo yaqaano Uralka.

 

Baabuurkan oo ay ku qaraxday miinada la hago ayaa sida ay sheegeen dad xog ogaal ahi waxaa ciidamadaasi ka daateen baabuurtii ay wateen islamarkaana waxay ku faafeen agagaarka xaafadaasi halkaasoo ay galeen xaruntan ganacsi ee laga isticmaalo internetka taasoo ay ku dileen 3-da wiil ee dhalinyarada ahaa sida ay saxaafada u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah oo magacooda qariyey.

 

Ciidamada Itoobiya ayaa badanaaba ka aargoosta dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan marka ay ay xoogaga kasoo horjeeda joogitaankooda ay waxyaalaha qarxa u dhigaan ama iska hor imaad dhaco.

 

Ma'aha markii ugu horaysay ee sidan oo kale ay ku xasuuqaan dad rayid ah ciidamada Itoobiya, bishaan bartamaheeda ayay ahayd markii ay ku dileen sadex wiil oo walaalo ah agagaarka ex-kuliyadii ciidamada ee Jaalle Siyaad, kadib markii halkaasi ay gaari nooca Uralka ah miino kula qaraxday.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this