Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Arab League reopens office after 17 years

Recommended Posts

Muqdisho: Jaamacadda Carabta oo markii ugu horeysay xafiis ka furatay Muqdisho burburkii kadib

11.Aaugust 2008

 

 

Muqdisho(AllPuntland)-Ururka Jaamacadda Carabta ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furtay xafiis, kaasoo ka mid noqonaya xafiisyada Jaamacadda Carabta ee dalalka Caalamka, waxaana xafiiskani furitaankiisa xariga ka jaray Wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Ambassador Ibraahim Al-Shureymi.

 

Ambassador Ibraahim Al-Shureymi oo Warfidiyeenada la hadlayey ayaa sheegay in xafiiskan uu noqonayo mid ka shaqeeya dib u heshiisiinta iyo nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya, wuxuuna intaa raaciyay in Jaamacadda Carabta ay go'aankan gaartay kadib markii ay aragtay baahida loo qabo in la gargaaro shacabka Soomaaliyeed, si dhibaatada ugu baxaan, sidaasi waxaa yiri Wakiilka oo intaa raaciyay in Dowladda KMG iyo kooxaha ka soo horjeeda ay kala xariiri doonaan dib u soo celinta nabada.

 

Ibraahim Al-Shureymi ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uusan ka jirin amaan la isku haleyn karo sidaasi ay tahayna wuxuu tilmaamay in uu ku faraxsan yahay xafiiskan cusub ee Jaamacadda Carabta ka furtay Muqdisho, isagoo sheegay in ay diyaar u yihiin iney la kulmaan qof kasta oo Soomaaliyeed oo la is leeyahay xal bey ku soo kordhineysaa Soomaaliya.

 

"Qorshaheena waxaa inoogu jira inaan sameyno dadaal balaaran oo lagu gargaarayo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan iyo sidii xabada loo joojin lahaa" ayuu yiri Al-Shureymi oo shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay nabad iyo deganaansho mar kale ka dhalata dalka Soomaaliya.

 

Tallaabadani ayaa ah mid horumar leh isla markaana Dowladda KMG ay soo dhoweysay furitaanka xafiiskan cusub ee Jaamacadda Carabta, waana markii ugu horeysay ee Jaamacadda Carabta xafiis ka furato Muqdisho kadib burburkii dalka ka dhacay.

 

C.M.Cali

AllPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

J.Carabka oo xafiis ka furatay Muqdisho

11 Aug 11, 2008 - 7:54:06 AM

 

Ururka Jaamacada Carabta [Arab League] ayaa maanta si rasmi ah xafiis uga furtay Muqdisho, waxaana xafiiskaan xariga ka jaray wakiilka Jaamacada Carabta ee Somalia Ambassador Ibraahim Al-Shureymi.

 

Xafiiskaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay Jaamacada Carabtu ka furato caasimada Somalia, wuxuuna Al-shureymi sheegay inuu xafiiskaan ka shaqeyn doono nabad kusoo celinta Somalia.

 

"Waxaan diyaar u nahay wixii maanta ka dambeeya inaan ka qaybqaadano soo celinta nabada Somalia" ayuu u sheegay warbaahinta wakiilka Jaamacada Carabta ee arimaha Somalia.

 

Mar uu ka hadlayay inay la xiriireen madaxda DF iyo dhinacyada ka horjeeda, ayuu yiri: "Waxaan si toos ah ula xiriiri doonaa madaxda DF iyo dhamaan dhinacyada Somalida, waxaana gacan ka geysan doonaa dib u heshiisiinta".

 

Ibraahim Al-shureymi ayaa sidoo kale sheegay in Jaamacada Carabta ay go'aansatay inay ka furato xafiis Muqdisho iyadoo aan amaanka la isku haleyn karin, isagoo carabka ku adkeeyay inuu ku faraxsan yahay howsha uga bilaabatay Somalia.

 

"Dadaalka ugu balaaran ee aan sameyn doono waa inaan ka shaqeyno howlaha lagu gargaarayo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan iyo sida ugu haboon ee xabada lagu joojin karo" ayuu yiri Al-shureymi.

 

Furida xafiiskaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta Caamir Muusaa uu ka sheegay Qaahira in ururkoodu uu dadaal u galayo sidii uu gacan u siin lahaa shacabka Soomaaliyeed.

 

"Waxaan gacan ka geysan doonaa dhameynta dagaalada ka socda Somalia, diyaar baanan u nahay inaan la kulano dhinacyada kala duwan ee isku haya Somalia" ayuu yiri Caamir Muusaa.

 

Wuxuuna sidoo kale sheegay inuu aad u rajeynayo inay arkaan Somalia oo nabad ah, isagoo xusay inay qaadi doonaan talaabo walba oo suurogal ka dhigi karta arintaas.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this