General Duke Posted September 8, 2007 Tartanka Fustall-ka Dugsiyada Gobolka Banaadir 2007 Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho Mogadishu, Sabti , September 08 2007 SMC Waxaa garoonka Bisha Cas xaafadda Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ka laga furmay tartan kubadda cagta ciyaarta loo yaqaan Futsal-ka kasoo loogu magacdaray tartanka dugsiyada Gobolka Banaadir , tartankan oo uu soo agaasimay macalinka Xulka qaranka Futsal-ka Soomaaliyeed qabiir isboorti garsoore hore oo heer caalami Xaaji Yuusuf Maxamed Sheekh . Tartankan oo ay ka qeybqaadanayaan 8 kooxood oo kala ah Alxikma, rage Ugaas, Aqoon Bille , Khadiija binta Khuwela, Iqra 1 , Delta PS, Horseedka nabadda, Rajab. Xeritaanka oo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiin kala duwan iyo ciyaartoydii hore qaar ka mid ah , waxaa halkaasi qudbad ka soo jeediyey ugu horeyn Guddoomiyaha qabanqabada tartanka C/lle Cusmaan Cumar wuxuu sheegay inay dadaal u galeen qabashada tartankan oo ay sheegeen inuu tartankan yahay mid ay wax badan kaga faa`deysan doonaan oo ah in ay soo baxaan jiilka Soomaaliyeed oo ku wanaagsan ciyaarta Futsal-ka waxayna u mahadceliyeen kooxihii iyo ciyaaryahanada ka qeybqaatay oo iyagu ah kuwa da`yar. Sidoo kale waxaa mas`uuliyiinta halkaasi ka hadlay ka mid ahaa Xoghayaha guud ee XSKC C/qani Saciid Carab oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay ka soo qeybgalka tartamada Fustall isagoo shegay in ciyaarta uu daawaday ay ahayd mid xiiso badan , wuxuuna shaaca ka qaaday in XSKC ay hiil iyo hooba la garab istaagi doonaan Futsall-ka isagoo u mahadceliyay mas`uuliyiintii soo agaasintay oo uu ugu horeeyo Xaaji Yuusuf. Ciyaarta Finalka ee ugu danbaysay waxaa isku arkay kooxaha dugsiyada Raage Ugaas vs. Khadija Bintu Khuela waxay waqtigii loogu talagalay ku soo idlaatay 5-1 oo ay guusha ku raacday kooxdii dugsiga Khadija Bintu huela waxaa ciyaartan garsoorayay Maxamed Faarax iyo Cismaan Canaay. Waxaana ka soo qeybgalay tartankan mas`uuliyiin iyo marti sharaf , ciyaaryahano , taageerayaal ciyaarta Futsall-ka xiiseeya. Somaliweyn Media Center (SMC) Mogadishu Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites