Sign in to follow this  
Jacaylbaro

WARLORDS ARE BACK

Recommended Posts

Mogadishu 22, Feb.07 ( Sh.M.Network) Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa walaac ka muujisay sida ay isku hubeeyeen qaar ka mid ah hogaamiye kooxeedyada magaalada Muqdisho.

 

Sida ay qortay wakaaladda wararka AP, Mas'uul dhinaca amaanka oo ka tirsan dowladda KMG ah oo ka gaabsaday magaciisa ayaa sheegay in 3 hogaamiye kooxeed oo mid ka mid ah uu yahay xubin ka tirsan Baarlamanka Somalia ay dib isku hubeynayaan, taasoo walaac ay ka muujisay dowladda Somalia.

 

Xildhibaan Max'ed Qanyare Afrax, Max'ed Dheere iyo Cabdi Nuure Siyaad ayaa la xaqiijiyay in ay iibsadeen hubka ugu badan ee yaala suuqyada hubka ee magaalada Muqdisho 3dii cesho ee la soo dhaafay.

 

Arintaan ayaa haddii la xaqiijiyay waxa ay walaac galineysaa xaaladda Amaan ee dalka Somalia, waxaana ay qireysaa in hogaamiye kooxeedyada ay dib u soo laabteen, inkastoo hubka dhigis horey loogu sameeyay.

 

Wararka laga helayo ayaa waxa ay sheegayaan in hogaamiye kooxeedyada ay ka dambeeyaan weerarada ka dhacaya magaalada Muqdisho ee lala beegsanayo fariisimada ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia.

 

Dowladda Somalia ayaa horey ugu eedeysay weerarada ka dhacaya magaalada Muqdisho waxa ay ugu yeertay haraadigii Maxkamadaha islaamka.

 

Q.M ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxa ay sheegtay in dib u soo laabashada hogaamiye kooxeedyada ay halis ku tahay howlaha samafalka bani'aadnimo ee loo fidin lahaa dadka u dhibaateysan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this