Sign in to follow this  
General Duke

Puntland: Dr Muxiyadiin Cali Yuusuf top candidate for presidnet returns:PICS

Recommended Posts

1_20.jpgDaawo soo dhaweyntii Musharax Muxiyadiin Cali Yuusuf ee Mag.Boosaaso

 

Musharax Muxiyadiin Cali Yuusuf oo ka mid ah musharaxiinta u taagan tartanka madaxtinimo ee doorashada lagu wado inay ka dhacdo deegaanada Puntland bisha January ayaa dhawaan ka soo degay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, Halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey musharaxa.

 

Musharaxa ayaa dadkii soo dhaweeyey si weyn ugu mahadceliyey waxaana hadalo uu saxaafada siiyey uu ku sheegay in uu wax badan ka qaban doono arimaha amaanka, dhaqaalaha, siyaasada, iyo arimaha bulshada hadii loo doorto madaxweynaha tartanka doorasho.

 

Musharax Muxiyadiin oo ka mid ahaa musharixiintii ugu horeysay ee isugu soo taagay tartanka doorashada Madaxtinimo ayaa ah nin si weyn looga yaqaan deegaanada Puntland, waxaana uu kulamo kala duwan uu la leeyahay qaybaha bulshada gaar ahaan Duqeyda dhaqanka, waxgaradka Beelaha, siyaasiyiinta, aqoonyahanada, dhalinyarada iyo qaybaha Haweenka si uu uga dhaadhiciyo ujeedooyinkiisa musharaxnimo.

 

Daawo Soo dhaweyntii balaarneyd ee musharaxa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Musharax Prof Muxyadiin Cali Yuusuf Ayaa Bosaaso si aad ah Loogu soo Dhaweeyay.Daawo Sawirada

 

Waxa dalka dib ugu soo laabtay Prof Muxyadiin Cali Yuusuf oo ah Musharax u taagan Hogaaminta Puntland, Prof-ka ayaa markii uu Garoonka Bosaaso ka soo degay lagu soo dhaweeyay sacab iyo Mushxarad waxana Garoonka Joogay Boqolaal Ruux kuwaasi oo ku dhawaaqayay waxaanu doonaynaan Is Bedel dhab ah.

 

Prof-ka ayaa Kulan Wareed uu Kulankiisa ka dib ku Qabtay Hotel International Village waxa uu ku sheegay inuu aad ugu Kalsoonayahy Doorashada Pl inuu ku soo baxo ka dib Wada tashiyo badan oo uu la sameeyay Cuqaasha Gobolada Puntland, Prof-ka ayaa sidoo kale sheegay in hadii la doorto uu xooga saarayo la Dagaalanka Musuq Maasuqa la degay Puntland isla markaana uu ka Hortagayo Budhcad badeeda, Muxiyadiin Waxa kaloo uu Cararbaabay inuu Kobcindoono dhaqaalaha Puntland oo haatan hoos u dhacay.

Prof-ka ayaa dhanka kale xusay inuu Gacan bir ah ku Qabanayo Kuwa Amaanka Wax yeelaynaya isaga oo sheegay in hadii Amaan la helo la Gaadhayo Barwaaqo iyo Nolol Fiican.

 

Wariyaasha ayaa waydiiyay Su"aal ahayd hadii lagu dooranwaayo ma la shaqaynaysaa Xukuumada la doorto" Haa Qofkasta waan soo dhaweeynaan anaga oo ka Raacayna sidii loo Gaadhi Lahaa Cadaalad iyo Sinaan.

 

Prof- Muxyadiin Cali Yuusuf mar uu ka hadlayay soo Xulida Gudiga Doorashada Puntland ee Cade Muuse sheegay inuu Kaligii soo Xulayo ayuu Taasi ku Tilmamaay mid Sharciga iyo Dastuurka Puntland Geesmarsan waxan uu ku eedeeyay Xukuumada Gen- Cade Muuse inay ku Gaftay Xeerkii Puntland ee doorashooyinka u yaalay.

 

 

Dhanka kale mar uu ka hadlay Hadii la doorto sida uu u Maamulayo doorashooyinka kale ee Puntland ka dhacidoona ayuu ku tilmamaay taasi inuu u Bedelayo Asxaab isla markaana ay Shacabka Puntland si xor ah u soo doorandoonaan Hogaan kii ay markaasi door bidaan.

 

Musharaxaan ayaa lagu saadaaliyay inuu yahay kan kaliya ee keeni kara Is Bedel, ka dib markii la dhegaystay Khudbadihiisa, Xukuumada Gen- Cade Muuse ee ay u hadhay 60- Casho ayaa lagu dhaliilaa inay ku Fashilantay Kobcinta dhaqaalaha iyo Sugida Amaanka iyada oo marka aad waraysato shacabku kuu sheegaayaan inay ka daaleen Maamulka Cade Muuse.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this