oba hiloowlow Posted November 27, 2010 Munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirrada,wasiir ku xigeenada iyo Wasiiru Dowleyaasha Xukuumadda cusub ee SoomalIya oo ay goob joog ka ahaayeen Masuuliyiinta ugu sareysa wadanka ayaa gabal dhicii maanta lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Villa Soomalaiya. Munaasabadaan lagu dhaarinayay Wasiirada, wasiir ku xigeennada iyo wasiiru Dowleyaasha Xukuumadda uu maanta ansixiyay Baaralamanka Somaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomalaiya Mudane Sh. Shariidf Sh. Axmed. Guddoomiyaha Golaha Baarlamanka Shariif Xasan Sh.aaden, R/wasaaraha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo iyo Xildhibano ka tirsan Mudaneyaasha gaoalaha Baaralamanka Somaaliya. Xafladda ayaa waxa ugu horreyntii lagu dhariyay Wasiirka wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Xukkuumadda Soomalaiya Mudanbe Cabdulaahi Abyan Nuur,iyadoo uu dhaariyay Xildhibaan Deyfullaahi oo ka tirsan Xildhibaanada baaralamnaka. Intaasi kadib ayaa waxaa qeyb qeyb loo dhaariyay wasiiradda, Ku xigeennada wasiirada iyo wasiiru-dowleyaasha waxaana Madaxda qaranka hortooda ku dhaariyay wasiirka Garsoorka, arrimaha Diinta iyo Awqaafta Mudane cabdulaahi Abyan Nuur. Dhaarintaasi kadib ayaa waxaa Xaflada khudbado ka jeediyay Madaxda qaranka, R/wasaaraha Xukuumadda Soomalaiya Mudane Maxamed Cabdilaahi nMaxamed Farmaajo oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay inay Xubnaha cusub ee Golaha wasiirada ay saarantahay Masuuliyad adag oo loo baahan yahy in wax laga qabto, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay inay isbedel la imaan doonaan. R/wasaaraha ayaa ballan qaaday inuu si dhaqso ah uso buuxin doono Boosaska ka bannaan Golaha wasiirada taas oo ay horay isaga casileen Labo Xubnood oo horay loogu soo daray Golaha wasiiradda cusaub. Sido kale waxaa madasha xafladda lagu qabtay hadal kooban ka jeediyay Guddoomiyaha baarlamanka Soomalaiya Shariif xasan Sh. Aaden oo sheegay in arrinta xukuumadda muddo dheer lagu dheeraday meelmarintteeda isagoo codsaday in la iscafiyo si wax loogu qabto Ummmadad Soomalaiya. Mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed Madaxweynaha Soomaliya oo jeediyay hadalkii ugu dambeyay ee Xafladda dhaarinta ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yhaay ansixinta Xukuumadda islamarkaasna uu uga mahad celinayo Guddoonka sare iyo Xildhibananada Golaha baarlamanka masuuliyadda adag oo ay qaaten. Xafladdaan lagu dhaariyay Golaha wasiirada Xukuumadda Soomalaiya ayaa ka dambeysay kadib markii maanta ay Mudaneyaasha Golaha Baarlamanka cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Xukuumadda uu dhawaan soo dhammeystiray R/wasaaraha Soomaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo. Quote Share this post Link to post Share on other sites