Jacaylbaro Posted August 26, 2010 Hargeysa (Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa shalay gurigiisa ugu yeedhay Safiirka Itoobiya u fadhiya Hargaysa isaga oo ugu hanjabay inuu Dalka ka saari doono hadii aanay Dawladiisu cadayn waxay ka daba gurayso Xukuumadiisa cusub. Cadhada Madaxwaynuhu kula dhacay Safiirka waxay ka danbaysay markii ay waftigii Ingiriiska ee Dalka ka anbabaxay Daraad ee uu Hogaaminayay Safiirka ingiriiska u fadhiya Ethopia uu Madaxwaynaha soo gaadhsiiyay tuhuno ay Dawlada Itoobiya ka qabto Xukuumadiisa Cusub, isaga oo la kulmay Xubno ka tirsan Xukuumada Siilaanyo si uu u baadho eedaymaha ay Dawladiisu la daba taagan tahay Golaha Wasiirada Xubno ka mid ah. Sida ay wararku sheegayaan Madaxwaynahu waxa uu si adag ula hadlay Safiirka Itoobiya oo uu ka dalbaday inay Dawladiisu Sharaxaad ka bixiso sababta ay tuhunada iyo Eedaymaha ula daba socoto Xukuumadiisa, taasoo sida la sheegay uu Safiirkuna ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo. hasayeeshee Madaxwaynuhu wuxuu si adag oo ay ka muuqato diidmo uu ka biyo diiday dhaqdhaqaaqyada Itoobiya ay ku daba gurayso Xukuumadiisa ayuu ula hadlay Safiirka, taasoo gaadhay xad uu ugu hanjabay inuu Dalka ka eryi doono hadii aanay Dawladiisu ka dayn faro-galinta ay ku hayso Xukuumadiisa Cusub. Sida ay sheegeen warar ku dhaw dhaw kulanka ay labada dhinac wada yeesheen Shalay waxa circa ku sii shareeray Dalab ay Xukuumada Itoobiya kaga dalbanayso Madaxwayne siilanyo inuu Itoobiya ku tago, taasoo dhawr jeer oo hore uu ka muquurtay, balse hada ay cadaadis ku saarayaan inuu aqbalo si ay wax uga waydiiyaan arrimaha ay ka shakisan yihiin ee ku gedaaman Xukuumadiisa iyo tuhuno ay ka qabaan Gobolada Bari Sool iyo Sanaag kuwaasoo ay u arkaan inay Xukuumadu ka gaabisay Sugida Nabad-galyadooda, isla markaana ay u arkaan inay bar kulan u yihiin Kooxaha Xag jirka ah, iyada oo Itoobiya ka cabsi qabto inay goobahaasi yihiin Galgalada Somaliland. Sida la ogyahay waxa baryahaba isa soo tarayay wararka ka hadlaya in Itoobiya iyo Xukuumada cusub ee Somaliland aanay isku sanbanaanayn isla markaana ay Biyo hoostood iska hirdiyayaan, kuwaasoo labada dhinac midkoodna aanu ilaa hada si toos ah uga hadal. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Land_Soldier Posted August 26, 2010 Very good of Silaanyo to stand up against those Xabashi's. Quote Share this post Link to post Share on other sites
juma-nne Posted August 26, 2010 Waaheen wariyaa JB,iyo xaajiga Show dhakhtarkii weli odeygii dacaayad ka lamaquusan? in kastoo odeygu dhinacii siyaasada shan iyo eber kagabadiyaiy? Toloow Colkan galbedeysan jooja.dhakhtarkan ciishan la hadloo, belaayo majidhee tafaafulka jooji oo shanta soo socota iska samir dhaha. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 26, 2010 Dhakhtarku waa kee ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
PasserBy Posted August 26, 2010 This was expected. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted August 26, 2010 Haye jacayl silanyo goormu dhoofaya? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted August 26, 2010 Waa ramadan beenta joojiya. Ethiopia does not have an ambassidor in Hargaysa. It is a trade representative of Somalia. http://www.embassypages.com/missions/embassy13839/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 26, 2010 Siilanyu is having beef with a trade rep... Quote Share this post Link to post Share on other sites
PasserBy Posted August 26, 2010 Ethiopians don't trust Siilanyu. The relationship between Ethiopia and Sland has been in deep freeze ever since he took power. The recent development regarding the arrest of Jaamac Yaasiin Faarax will only widen the rift. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 26, 2010 ^^^Why should Ethiopia care if the Hargaysa group arrest one of their own? Quote Share this post Link to post Share on other sites
PasserBy Posted August 26, 2010 The deliberate weakening of UDUB is not in their interest considering they don't trust Silanyo or his party ...yet. Quote Share this post Link to post Share on other sites
juma-nne Posted August 26, 2010 Dhakhtarku waa kee ?? Dee kan mulkiilaha Bogtan tafaafulka wadda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 31, 2010 “Waxaan jecelahay inaan halkan ka caddeeyo arrinta ku saabsan xidhiidhka labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya in mad madow soo galay warkaasi wuxuu ka imanayay ilo-wareedyo aan rasmi ahayn. Warkani kama uu soo bixin dawlada Itoobiya iyo Somaliland-ba. Labada dawladoodba arrintan way ka hadleen oo way beeniyeen. Waxa jiray warar qolooyin isku sheegayay inay warbixino ka soo saaraan arrimaha Somaliland iyo Geeska Afrikaba oo meel loogu hagaago iyo cidday yihiin aanay jirin ayaa warkaasi keenay. Warkaasi war jirra ma aha xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya halkiisii iyo meel ka sii wanaagsan ayuu marayaa. Waxaanay labada geesoodba diyaar u yihiin inay sii balaadhiyaan xidhiidhkaasi,”ayuu yidhi Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo ka jawaabayay su’aal ahayd waxa ka jira in xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya uu sii xumaanayo. HERE Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted August 31, 2010 Hargayska Iyo Addis Ababa oo Isku Kacsan. Wararka ka soo baxayaa magaalada Hargaysa Iyo Addiss Ababa ayaa sheegaya in xukumadda Addiss Ababa Iyo maamul gobaleedka lamagac baxay Somaliland ee Hargaysa uu xiriirkooda siyaasadeed hoos u dhacay kadib markii xukumadda Addiss Ababa sheegtay in Golaha Wasiirada ee uu dhisay Silaanyo ay ku jiraan kooxa mintid ah. Maalmo kahor ayay ahayd markii masuul u hadlay mid ka mid ah Xisbiyadda magaalada Hargaysa ka dhisan la waydiiyay xariirka dowllada Itoobiya iyo maamulka cusub ee Silaanyo isagoo markaas ku jawaabay Itoobiya iyadda u baahan Somaliland wuxuuna masuulkaas haddalka ku sii daray in Itoobiya ay u gali lahaayeen daadad hadii aysan Soomaliland taageerin. ******today wuxuu horey Idinku soo sheegay in doorashadii ka dhacday magaalada Hargaysa ay sirdoonka xukumada Tigreegu ay dhaliileen iyagoo ku eedeeyay in dhaqaalo baddan ay bixiyeen kooxa islaamiyiin ah, hase ahaatee dadka ku nool magaalada Hargaysa ayaa sheegay in hantida oogu baddan ee doorshada ay baxisay xawilaada Dahabshiil oo taageeraysay Siilaanyo. Haatan waxaa ku sugan magaalada Addiss Ababa Daahir Riyaale Kaahin oo la ogayn sababaha uu u yimid iyadoo Daahir uu warbaxno ka siiyay xukumada Itoobiya qaabkii doorshadu u dhacday, lama oga Daahir Iyo dowllada Itoobiya waxay ku wada hadleen, Daahir Riyaale oo xukun jeclaa ayaa haduu rabo kar-kaarka waydaarin kara xukumada Siilaanyo. ******today Addis Ababa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted August 31, 2010 Lool at the last part rayaale is out of ofiice wax u samayn kara iska yar today Quote Share this post Link to post Share on other sites