NABAD x 3 Posted March 17, 2009 Agaasimaha telefishanka Madaxa banaan ee ETN oo xabsiga loo taxaabey Tuesday, March 17th, 2009 at 7:03 pm Agaasimaha telefishanka madaxa banaan ee ETN Bosaso Cabdiweli Shiikh Xassan ayaa maanta xabsiga dhexe ee Bosaso loo dhaadhiciyey, Weriye ka tirsan telefishanka ETN Maxamed Maxamuud Ilkacase aya xaqiijiyey in xafiiskiisa galabta laga ka xaystey Cabdiweli, mana jirin wax waaran ah ama digniin ah oo soo gaarey. Mar aan isku dayney inaan ogaano sababta loo xirey Cabdiweli Shiikh Xassan ayeysan noo suuroobin, wayna ka gaabsadeen maamulku in ay wax tafaasiil ah ka baxsho. Cabdiweli Shiikh Xassan ayaa ahaa madaxa Telefishanka ETN kaas oo dhidibada loo taagey 2005tii, waxaana sidoo kale dhawaan uu xarun ku yeeshay Magaalada Nayroobi isaga oo laga daawado aalada Satalaytka. Waa markii u horeysey tan iyo markii la asaasey telefishanka ETN in xabsiga la dhigo Cabdiweli Shiikh Xassan. Maamuladii Puntland soo maray ayaa ku caanbaxay in ay cunaha qabtaan saxaafadda madaxa banaan, iyaga oo tacadiyo kala duwan u geystey suxufiyiinta ku hawlan hawlo maalmeedkooda. Horseed Media waxa ay ugu baaqaysa maamulka Puntland in si deg deg ah loo cadeeyo sababta loo haysto Cabdiweli Shiikh Xassan, isla markaasna xoriyadiisi dib loogu celiyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NABAD x 3 Posted March 17, 2009 Is Faroole turning into a totaletarian dictator who doesn't like free media. This is a sad day for somali media in general and Puntland in particular. Quote Share this post Link to post Share on other sites
wacdaraha_aduunka Posted March 17, 2009 Worrying development and the guy should be freed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted March 17, 2009 Is that why ETN has been off Air for the last two days? Quote Share this post Link to post Share on other sites