zamatar Posted May 3, 2006 A. A. Garas Halkani waa Maqalloocshe oo aydin ka dhegaysataan mawjadaha kaftan aqoonka iyo hirarka ilaaq-buurka. Dhegaystayaashayada dhakada kuusanow, waxaynu soo gaadhnay amintii warka aan idin huluuqsiin jirey, waakan wariye Mr Dhurde. Warkii Oo Kambadhuudha: Baarlamaanka Baydhaba ka biqleeyey bahalka Ambasadoor sheegay oo dalka Shankaroonland safaarada Atoobiya ku leedahay inuu qushbalo loogu soo bedelay. Biqlada waxa kicisay ka dib markii bahasha Baydhabo ka naxday war BBC-du sheegtay oo ahaa Ambasidor mudakar ah ayaa Hargeysa qushbalay, warkaas oo kaga oohiyey qaar ka mid ah Gudhanayaasha gaajada lagaga xoreeyey Baydhabo. Waxaanan maqlayay iyagoo leh ‘Waar ninka loo bedelay ma xabashi yar baad moodaysaa, waa safiir buurtaa le’eg oo ilaa filand fadhiyi jirey’. Qaar kale ayaa la soo sheegay inay lahaayeen ‘kadab-go’nay oo tii Atoobiya ina nacday oo shankaroon bay la shuraakowday’. Wax cunayey mooyaane ragga sidaas u ciyay waxay ahaayeen Hebel asal ahaan haashkii Shankaroontu tuurtay ka mid ah, kuwaas Waraabe u tagga Imbagaati looga dhigay. Biqladaasina waxay gaadhay in raga wasaaradahoodii ay waydiiyaan oo ku yidhaahdaan ‘maxaa safiirku Hargeysa u tegayaa? Dhinaca kale shirgudoonka Shankaroonta oo ka cajabay baarlamaanka sidan u ciyaya ayaa jawaab ula jiibsaday, waxaanay yaa ayuhal walla-weyn, adhiyulaahi Imbagaati asqa guurka gees nagala mara, Itoobiya ma roodhidiinii baad u haysataan sow dalkay doonto safaarad ka furan mayso. Waryaadha hadaad reerihiinii ka soo xumaateen xagayaga ha ula soo kicinee waxaad yeeshaan caw qaato oo xagaas iyo buurkaroole ula kaca’. Waxa kale oo ay u sii raaciyeen ‘calan qudhaa la taagay baad ka cabadaysaane afartan baanu ka taagi, naftuba haydinka dhacdee’. Intaasi markay walla-weyn gashay, waxaa la soo sheegay in Afada tegree qabay in uu Atoobiya daba washlaynayay oo uu jawaab ka raadinayay. Balse hansal lagama qaadin, waxaanu markii dambe warqad been abuur ah u dirtay wakiil yar oo uu dhowaan Addis dhigtay. Ninkaas oo uu been-dhigiska ku ogaa ayaa wuxuu u soo diray warqad jeebkiisa ah oo sidii geeddi jeclaa uu u soo dhigay. Shalay markii golihii gudhanayaasha uu hortegay ayuu warqadii ka hor-arkhriyey wuxu ku yidhi ‘Gudhanayaal marrow iyo mallooliba waad mahadsan tihiin, waydinkii iga sugay inaan Atoobiya soo caddeeyo, waan ka xunnahay waayo afartii cisho ee u dambeeyeyba Itoobiya way huruday oo daji bay dhamaysay. Masuuliyiintii aanu is-naqiinayna fasax bay ahaayeen, balse safiir beeni ayaa u tegay qaar ay is-yaqaanaan, ka dibna wuxuu ii soo diray warqadan oo shaabadii Arda Sababa ku taallo, aan idiin akhriyo Ku: Aboowe, Digtoore, Barafasoore, Raysal-wasaare, Jamhuuriya Dimuqradiga ku-meel-gaadhka, faderal-ka dib u heshiisiinta midowga dalka Somaliya. Aboowe Itoobiya waxay igu tidhi afartan qodob: 1. Anagu idinka uun baanu naqaanaa. 2. Waaad tihiin kuwa Somali oo dhan wada xukuma. 3. Anagu ma kala geyno ee sidii bishii February aan idiin sheegnay inagu saaxiib baynu nahay. 4. Ma Shankaroon baad sheegaysaa, taa ma aqoonsanin, welibana haday waalato ma aqoonsan doonno weligeed. Intaa markay maqleen ayaa sacab silloon lala sarakacay. Waxa kale oo uu yidhi sidaa waxa yidhi Sayuun Masfin, hadana sacab kale. Ka dibna gudhanayaashii geb-geb lahaa oo sheeko caruurtaasi caadi ugaga farxisay ayaa la aqoonsan maayo ku istareexay. Haddaba, safiirkan gudhanayaashii Baydhabo ka goojinayaan oo aniga laftaydu aanan uba haysan inuu sidan u buuran yahay ayaa la sheegay inuu yahay safiir uray oo Atoobiya u soo diratay Shankaroonta isagoo bedelay yarkii Isaxaaqa u ekaa ee Abdeeto la odhan jirey. Sidoo kale, xafiiskan Atoobiya oo aan moodayay waredhe yar ayaa lay sheegay inuu koray oo uu noqday safaarad kibirtay oo dal dawlad sare ka jirto nooca laga furto, iyada oo shankaroonta iyo Atoobiya seban horeba saaxiibnimada saxeexdeen, ayaa beri dhexe waxa dhacday in maamulka Itoobiya maniwalka ku dhaqaaqo oo uu C/laahi Yuusuf ugu sheekeeyo inuu yahay ninka Somaliya fasaxaya oo uu Itoobiyana calaashaan jaarnimada qiimo jaban kaga iibin doono. Xilligaas oo lacag carbuun ah Nayroobi kaga qaaday wakhtigaas oo uu doorashada ku jiray. Balse markii uu kursiga fuulay ee uu ku dhawaaqay ciidamo shisheeye in loo baahan yahay ayaa lagu gartay oo lagu yidhi, wadamada jaarku kuma jiraan, isaga oo islahaa Itoobiyana ka iibi, adiguna hafuu qabtaane hayso, markay u tixgelin weyday Baydhabo iska dhiibay Atoobiya oo is-lahayd dawladuba waa canjeeradii aad soo duubatay ayaa in dhoweydba i-lahayd yaa harageedii kaaga celiya. Waxaanay iskaga soo noqotay shankaroontii jaadka ka iibsan jirtay. Inkasta oo aanay aqoonsiga ku dhawaaqin, hadana waxaa la sheegayaa inay Itoobiya ay dhowaan shankaroonta la qaldayo oo intay dhegta afka u saartay ay hoo ugu tidhi yaan la ina maqline, waanu idin aqoosanay. Waxa kale oon maqlay in Ingiriisku baraarugay oo uu dalalka Afrika ka raadinayo dal uu u duceeyo oo shankaroonta aqoonsada. Waxaana lay sheegay in dalka Afrika Oogo ogolaaday inuu aqoonsi shankaroonta ku dhawaaqo dhowaan. Ducadii Daar; Madaxyuubka Shankaroonta ayaa mid wasiiradiisa ka mid ah xilka ka fara-maroojiyey, waxaana la sheegay inuu ku yidhi, markaan arkay waxaad samaysay iyo sidaad xilka u gabtay, insha allaahu waxaan gartay inaan kaa qaado xilkii, intaan cid u soo helayo iigu sii dhiib ku xigeenka. Madaxyuubka oo beryahanba la lahaa wax buu isku walaaqayaa iyo qaar buu duco la damacsan yahay, ayaa hadana midkaa kaliya mooyee lama arag duco kale oo daarta ka soo luudaysa. Waxa la sheegayaa oo ilaa xalay lala dhuslaynayay in dhowr nin oo tay iyo suudh aroor gashani madaxtooyada gel-gelayeen, kuwaas oo madaxyuubku kula balamay in dawlada meel ka gelin doono. Waxaana igu maqaalo ah, madaxyuub wasiirada ku lahaa ‘wasaaradee baan kuu wareejiyaa’, kuwaas oo qaarkood ku yidhaahdeen, waar wareejin lahaan dalka waynu wada qabsanaye ma wada haysanaa? Iyagiyo allahoodee, waxaan maqlay wasiirka warfaafinta ayuu maaliyada geynayaa, kii maaliyadana arrimaha dibada ayuu ku sii wadaa, kii dibadana caafimaadka ayuu la damcay, kii caafimadkana hawlaha guud ayaa lagu sheegay, balse lama oga wuxu yeeli doono. Gabay Laxooxdii itoobiya ee Imbagaati lagu dubay Imkay urteedii iyo agagaskeedii Hagaag loo ogaadoo Idaacaduhu sheegeen. Iyadoo afaafkiyo Albaabkeedu xidhayay Amaanadaha halaysay Asqa guur bilowdoo Afka waxay ku taagtaa Abid dadaanay gaadhani. Dagaal oogayaashii Igad soo shir-shirisee Ergo dawlo laga dhigey Arrintii qarbooshnayd Ilduufkiyo habowgii Odaygii maqiiqnaa Imbigaati kala yimi Afartaba dab laga saar Awr dhalyo xumaantiyo Uus buurnideedoo Hadba oodo Jiidkoo Ka arkaa Jeclaayaa. Ibtilada dambeysee Asqo soo wad-wadataan Waa amuuraheedii Iyadoon itaal hayn Dhul ku edeb ******kii IToobiya dacweyntii Malleeshiyo alooskii Ammoonkooda lumidii Abudkoodba lama arag Walla-weyn isbuurtoo Axdi dawlo fulisoo Kaligeed istaagtee Muxuu uunku hadimiyo Asqanimo rumaystaa Maafiyada ururtiyo EU habowsani Maxaa eel ku soo bixi Arintii la madowsaday Shankaronta uubtiyo Eelka loo qodayee Islahaa halagu rido Akademigu ma og yahay Aqoonsiga la sheegiyo Sida layga Aaminay Ka adkaysin badanahay Akadamigu ma og yahay Ii yuu in ay tahay Ajinabi qariiboo Itaaliyaa hageysoo Ogolayn waxanoo Ingiriis horjoogoo Afrikaan ogaadoo Ololaha dhawaan jira Ansaxyahay aqoonsigu Akademiga ma ogtahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites