Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf's brief visitto Sweden

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliya oo ku tilmaamay Xiriirka ka dhexeeya Isbahaysiga Argagaxiso la diriirka iyo Mareeykanka in uu yahay mid aan u adeegayn Danaha Soomaaliya

 

Somaliweyn - Stockholm-Sweden -04/05/06

 

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Ah ee Soomaaliya oo Booqasho Rasmi ah ku joogay dalka Sweden wuxuu ka ambabaxay magaalada Stockholm ee caasimadda Sweden maqribnimadii Shalay.

 

Madaxweynaha dalka Soomaaliya intii uu joogay dalka Sweden wuxuu Wadahadal la yeeshay qaar kamid ah shirkadaha ugu baaxadda wayn ee dalka Sweden iyadoo aay ka wadahadleen sidii xagga dhaqaalaha iyo farsamada shirkadahaasi aay gacan uga siin lahaayeen dalka Soomaaliya oo uu ku dhacay burbur baaxaddiisa aan la qiyaasikarin intii uu socday dagaalkii Sokeeye iyo 16kii sano oo dalku ku jiray fawdo iyo dawlad laáan.

 

Madaxweynuhu Wuxuu la Kulmay Guddoomiyaha bangiga kaydka ee ugu wayn dalka Sweden bangigaas oo la yiraahdo "Sparbanken"waxaayna ka wadahadleen sidii bangigaasi uu taageero dhaqaale iyo mid farsamaba ugu fidin lahaa dalka Soomaaliya iyo bunuukta Soomaaliya .

waxaa kale oo madaxweynuhu uu la kulmay Guddoomiyaha shirkadda caanka ah ee Ericson waxaayna ka wadahadleen sidii shirkadaasi xagga isgaarsiinta dalka Soomaaliya qayb uga qaadan lahayd .

 

Madaxweynaha jamhuuriyadda Diimooqaraadiga ah ee dalka Somaliya cabdullahi Yusuf wuxuu shir jaraaid shalay ku qabtay Hotelka uu deggan yahay oo uu ka babanayey calankii Soomaaliya ,wuxuuna ka hadlay xaaladda Guud ee Soomaaliya iyo dhibaatooyinka hortaagan dawladda soomaaliyeed oo da´da yar .mar madaxweynaha wax laga waydiiyey dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdishow iyo Isbahaysiyada ku looltamaya awoodda caasimadda iyo aragtida dawladdu ka qabto arrimahaas.

 

Madaxweynaha Dalka Soomaaliya oo ka warramayey isbahaysiga ladagaalanka Argagaxisada wuxuuna madaxweynuhu tilmaamay xiriirka ka dhexeeya Isbahaysiga ladagaalanka argagaxisada iyo Mareeykanka oo uu ku tilmaamay mid aan u adeegayn danaha Soomaaliya .Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dalka aay dawlad ka dhisan tahay iyaduna masuul ka tahay amniga iyo xasiloonaanta dalka.

 

Saciid Axmad Cabdilwaaxid "Saciid Nabadoon "oo aanu ku wareeysanay khadka talefoonka isaga oo ku sugan Magaalada Stockholm goob joogna ka ahaa shirarkii madaxweynuhu la yeeshay Madaxda iyo Shirkadaha dalka Sweden iyo Kulankii Taariikhiga ahaa oo madaxweynuhu ku la yeeshay Dadweynaha Soomaaliyeed ee Kunool dalka Sweden magaalada Stockholm ,wuxuu noo sheegay in Booqashada madaxweynuhu aay ahayd mid lagu najaxay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this