Jacaylbaro Posted March 18, 2008 Reer Buuhodle oo la kulmay Madaxweynaha Somaliland Madaxwaynaha mamaulka Somaliland Dahir Riyaale Kaahin ayaa habeenkii xalay ku qaabilay Madaxtooyada magaalada Hargeysa ergo ka kooban 25 qof [Reer Buhoodle] kuwaas oo isugu jirey Cuqaal, Ganacsato iyo waxgarad kale. Ergadan oo uu hogaminayey Caaqil Cabdulahi Xasan ayaa BBC-da laanta Af-Somaliga u sheegey in Madaxaeyne Daahir Riyaale ka aqbaley in uu sii daayo Maxaabiistii Somaliland ka qabatey Puntland kadib dagaalo labada dhinac dhexmarey. Caaqilkan ayaa sheegey in Daahir Riyaale kala hadalayen xaladaha ka jira degankooda kuwaas oo ah dhinaca nabad galyada, abaaraha iyo siyaasdo isaga oo xusey in xukuumada Somaliland u qaabishay heer Wasaiiro ilaa Madaxweyne. Cabdulahi Xasan ayaa sheegey in Daahir Riyaale isku afgarten in dhamaan la sii daayo Maxabiista dagaalka lagu qabtey iyada oo tiradooda tahay 91 Maxbuus. Madaxa xubnahaan la kulmay Madaxweyne Riyaale ayaa sheegey in Maxbiista xaga Bariga [ Puntland] la saari doono diyarad kuwa reer Sool-na is raaci doonaan waftigaan. Caaqilka oo la waydiiyey kala qaybsanaanta degaanka Buhoodle iyada oo labo maamul ka jiraan [Puntland & Somaliland] ayaa ku jawabey arintaas dhibaato leedahay balse ay tahay xaalada hadda u socdaan degaanka islamarkaana dadkooda wada tashi kala yeelan doonaan arrimaha ay isku afgarteen Daahir Riyaale. Cabdulahi Xasan oo la waydiiyey waxa ay isku afgarteen maamulka Somaliland ayaa sheegey in ay isla qaateen in Buhoodle la gaarsiiyo maamulka Somaliland si nabad galyo ah oo xasilooni ku jirto. Caaqilkaan oo la waydiiyey in dadkii kala qaybsanyihiin oo Garaadadii kuligood maqan yahiin ayaa sheegey in laga wadahadli doono arinkaan dhinaca saxana la raaci doono. Kulanka xubnahaan ka kooban 25 qof la yeesheen Madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo beegantey kadib markii afhyeen u hadlay odayaasha gobolka Sool oo kulan ku laha maalmahaan magaalada Garowe eedeyn kulul u soo jeediyey Madaxweynaha DGPL Cadde Muse iyo Cabdulahi Yusuf isaga oo xusey in ay jiraan wax ay isla ogihiin Cadde Muse, Hargeysa, Cabdulahi Yusuf iyo dowlada Ethiopia wa sida uu hadlka u dhigaye. DHAGEYSO Garowe Online,Garowe Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted March 18, 2008 buhoodle iyo Laaska aya ka waashey ayamahan JB, what going on in HBB? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 19, 2008 Adeer Buuhoodle and Laaska are part of Somaliland similar to Borama, Saylac, Hargeisa and other cities. Maxaad uga xanaaqaysaa bal adigu ?? what is going on in BGG ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites