Jacaylbaro Posted June 21, 2007 Madaxweynekuxigeenka SL. Oo La Kulmay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee KULMIYE -------------------------------------------------------------------------------- Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynekuxigeenka Somaliland, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo ah kusimaha Madaxweynaha ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo. Kulankaas oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin, waxa uu ka dambeeyey markii saaka Guddoomiyaha, mudane Axmed Siilaanyo uu Madaxweynekuxigeenka ugu tegey xafiiskiisa Madaxtooyada. Balse, waxa aan la ogeyn dhinaca uu ka yimi hindisaha kulankaasi iyo arrimaha lagaga wadahadlay. Kulanka Madaxweynekuxigeenka iyo Guddoomiyaha oo qaatay muddo laba saacadood ka badan, wax war ah oo rasmi ahi kama soo bixin labada hoggaamiye midna. Hase yeeshee, waxa la sheegay inay ka wadahadleen xaaladda dalku haatan marayo iyo khilaafka ka taagan Komishanka doorashooyinka. Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo ayaa waraysi uu siiyey Telefishanka Madaxa bannaan waxa uu ku ammaanay, kuna taageeray Madaxweynekuxigeenka, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin soo jeedinta xaflad uu doonayey in lagu dhaariyo 5ta xubnood ee Komishanka Doorashooyinka ee Golaha Wakiilladu ansixiyey, taas oo uu u cayimay inay qabsoonto Salaasadii Shalay, balse, Madaxweyne Riyaale oo hadda socdaal ku maraya Yurub uu telefoon ku soo amray in la joojiyo xafladda dhaarinta. Madaxweynekuxigeenka oo isku deyey inuu shirguddoonka Wakiillada ku qanciyo in labada xubnood ee goluhu hore u diidey mar kale golaha la horgeeyo si cod loogu qaado, waxa uu dhaarinta 5ta xubnood soo qaddimey isaga oo qorshaynaya in 5taa xubnood ee Komishanku ay hawsha sii bilaabaan inta xal loo helayo 2da xubnood ee Goluhu diidey ansixintooda, fikraddaas oo ay waafaqsan yihiin labada xisbi ee mucaaridka ah. Warar aan ka hellay ilo kala duwan ayaa sheegaya in Axmed Siilaanyo ugu tegey Madaxweynekuxigeenka dhiirrigelin iyo inuu u muujiyo niyadsami, iyada oo ay wararkaasi sheegayaan in kulankaas ay suurageliyeen dad labada hoggaamiyeba xidhiidh fiican la leh. Madaxweynekuxigeenka, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Madaxweyne Riyaale ayaa ku kala aragti duwan xallinta khilaafaadka xukuumadda iyo Axsaabta mucaaridka ah iyo khilaafaadka ku saabsan wadashaqaynta Golayaasha. Madaxweynekuxigeenka ayaa markasta ku baaqa in khilaafaadka lagu dhammeeyo wadahadal, isqancin iyo isu-tanaasul, halka Madaxweyne Riyaale uu qabo in sharciga lagu kala baxo iyo in aan la isu joojin. Hase yeeshee, Madaxweynekuxigeenka ayaa lagu dhalliilaa in aanu ku adkaysan mawqifkiisaas oo ay xisbiyada mucaaridku markasta soo dhoweeyaan. Waa markii u horreysey ee Madaxweynekuxigeenka iyo Guddoomiyaha KULMIYE ay kulmaan. Dhinaca kale, Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo socdaalkiisa Yurub ku soo gebagebeeyey Talyaaniga ayaa lagu wadaa berrito oo Khamiis ah inuu dalka dib ugu soo laabto. somaliland.org Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted June 21, 2007 Please give me a summary in English ya JB Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 21, 2007 Xataa Anta yaa Nor ??? ,,,,,,,,,,, Just a meeting between the vice president and Siilaanyo ,,,,,,, well, it was behind doors, no media was allowed and were no comments after the meeting ,,,,,,,,,,, looks good ,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted June 21, 2007 Its the weekend saxib and i dont feel like struggling reading Somali! Lets hope they see eye to eye and agree on a few principles in the lead up to next year's 'games'. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 21, 2007 Ooops ,,,,,,, i almost forgot it is the weekend ,,,, whohoooooooo Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted June 21, 2007 ^^Too bad you cant go outside Quote Share this post Link to post Share on other sites