Cowke Posted May 24, 2010 Ciidamo SSC Ah Oo La Sheegey Inay Fariisimo Ka Sameysteen Duleedka Tuulada Gambare... May 23,2010 by Buhoodle-Gedo-News Dhinac bari ee magaalada Laascaanood meel masaafo ahaan u jirta 20 Km waxaa saacadihii la soo dhaafey dhaqdhaqaaq ciidan oo xoogan ka waday ciidamo aad u xoogan isla markaasna ay hogaaminayaan Saraakil ciidan ka tirsan kuwa SSC ee bilihi la soo dhaafey ku sugnaa Degaanka Buuro-Wadal. Ciidamadan ayaa ilaa shalay duhurnimadii ku soo qulqulayey Jiidaha dhinaca bariga kaga toosan magaalada Laascaanood ayaa la sheegey inay hogaaminayaan saraakil si weyn looga yaqaano gudaha dalka soomaaliya lana soo shaqeeyey dawladii dhexe ee dalka soomaaliya. Ciidamadan SSC ayaa fariisimo ciidan ka sameystey degaanka u dhexeya Tuulada Gambare & Higlada,waxaana ciidamadan la sheegey inay ku hubeysan yihiin gaadiid dagaal oo ay soo iibsadeen Jaaliyadaha *********** ee dhawaan sameystey Maamula Goboleed la magaca baxay Sool,Sanaag Iyo Cayn,waxaana ciidamadan fariiisinka ka sameystey dhinaca Duleedka magaalada Gambare la sheegey baabuurtooda dagaalka inay ku buufsan yihiin Magacan: [ Sool Sanag & Ayn Salvation Army]. Ciidamadan ayaa la sheegey inay ka soo kicitimeen shalay duhurnimadii Xeryo tababaro uga socdeen oo ku yaala magaalada Buurowadal & qaybo ka mid ah Gobolka Mudug,waxaana ciidamada halkaasi soo gaarey lagu sheegey inay gaarayaan 3000 oo askari oo intooda badan tababaro u soo xirmeen,sidoo kale gaadiidka dagaalka ay wataan ayaa la sheegey inay kor u dhaafayaan 53 gaadiidka dagaalka ah ee loo yaqaano tiknikadda. Sidoo kale waxaa wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool laga soo sheegayaa inay ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo saacadihii la soo dhaafey magaalada gudaheeda ku sugnaa ay ka baxeen halkaasi una jihaysteen dhinaca bari ee magaalada si ay iskaga difaacaan Ciidamada ku soo jiheysan. Ciidamadan SSC ee fariisimaha mileteri degaankaas ka sameystey ayaa la sheegey inay hogaaminayaan saraakil & siyaasiiyin Goboladaas ka soo jeeda,waxaana la sheegey inay ka mid yihiin saraakiil si weyn looga wada yaqaano guud ahaan dalka soomaaliya lana soo shaqeeyey dawladi dhexe ee soomaaliya,waxaana ka mid ah saraakiishaas Col: Isbariije, Col: Nadalo. Col: Axmed karaasha oo isugu hadda ah wasiirka ka tirsan Puntland & siyaasiga caanka ah ee Baashe Cali Jamac. Ciidamadan dhawaan soo gaarey duleedka Tuulada Gambare ayaa laga cabsi qaba inay maalmaha amase saacadaha soo socda dagaal ku soo qadaan ciidamada somaliland ee ku sugan daafaha magaalada Laascaanood,waxaana laga cabsi qabaa in dagaaladaas qasaare ka soo gaaro dadka rayidka ah. Dhanka kale waxa degan xaalad guud ee degaanka widhwidh oo aanay maanta wax dagaalo ahi ka dhicin,waxaase wali fariisimahoodii isku horfadhiya Ciidamadii somaliland & kuwa SSC,waxaana wararku sheegayaan inay labada dhinac gurmadyo aan kala joogsi lahayn u kala dirayaaan goobaha dagaalka. Mana jiraan cid waan-waan ka dhex wada labada quwadooda ee ku dagaalamaya gacan ku haynta degaanada balaaran ee gobolada SSC. C/kariim Axmed Bulxan Buhoodle-Gedo-News Gedonet.com@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 24, 2010 Maamula Goboleed la magaca baxay Sool,Sanaag Iyo Cayn Sool Sanag & Ayn Salvation Army Quote Share this post Link to post Share on other sites