General Duke Posted May 4, 2009 Xisbiyada Mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID oo ****olka ka Qaaday in aanay Kalsooni Buuxda ku Qabin Komishanka Doorashooyinka “Labada xisbi ee mucaaridka ah KULMIYE iyo UCID waxay soo jeediyeen in dhammaan xubnaha Komishinka doorashooyinka Somaliland la bedelo” Guddoomiye-ku-xigeen ka 2aad ee KULMIYE Hargeysa (Jam)- Labada xisbi ee mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID, ayaa ****olka ka qaaday in aanay kalsooni buuxda ku qabin Komisanka Doorashooyinka Qaranka, iyaga oo ku eedeeyen karti-darro aanay kaga dabbaalan Karin qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka qabsoonta, sidaa darteedna waxay labada xisbi mucaarid ku baaqeen in qaar cusub lagu bedelo xubnaha Komishanka, marka laga reebo Md. Xasan Cumar Hoorri oo ah xubin cusub oo ku soo biirtay Guddida Doorashooyinka. Sidaana waxa ku dhawaaqay Guddoomiye-ku-xigeen ka 2aad ee xisbiga KULMIYE, Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir iyo Cali Guuleed (Cali Maarshaal) oo shalay si wada jir ah jir-jaari’d ugu qabtay xarunta xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa, iyaga oo halkaasi ka cadeeyey in labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID ay isla qaateen in labedelo xubnaha Komishanka Doorashooyinka, waxayna madaxweyne Rayaale ugu baaqeen in uu la qaato soo jeedintooda xubnaha komishanka lagu bedelayo. Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir wuxuu ****olka ka qaaday in labada xisbi mucaarid ay isku raaceen inaanay kalsooni ku qabin xubnaha Komishinka doorashooyinka Somaliland oo ay ku baaqeen in la bedelo marka laga reebo Xasan Cumar Hoori oo ahaa xubintii cusbayd ee dhawaan la magacaabay Komishanka, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi; “Labada xisbi ee mucaaridka ah KULMIYE iyo UCID waxay soo jeediyeen in dhammaan xubnaha Komishinka doorashooyinka Somaliland la bedelo marka laga reebo xubintii cusbayd ee maalintii dhawayd la ansixiyay, oo la bedelo lixda xubnood ee kale oo muddo laba todobaad ka badnayna bedelkoodii lagu keeno, inta la soo buuxinayana ay xilkoodii sii wataan nimankan imika meesha sii joogaa.waxaanu rajaynaynaa in Mr. Rayaale, dawladiisa iyo xisbigiisu nala qaataan in la bedelo xubnahaas Komishanka… Saddexda xisbi, gaar ahaan laba mucaaradka ah wax kalsooni cad ah oo ay Komishanka ku qabaan ma jiro, wayna adag tahay sidaanu doorasho ugu galno Komishankaas oo halkaas jooga, dhibaato iyo is-horimaad ayaanu u malaynaynaa inuu ka imanayso, markaa xalka waxaannu u aragnay in nimankaas la beddelo.” Quote Share this post Link to post Share on other sites