Sign in to follow this  
General Duke

Cadaado: Courts surrender

Recommended Posts

Cadaado :Wada hadal ku aadan sidii loo wareejin lahaa hubka iyo ciidamada ku jira deegaanka Cadaado uu u socda odoyaasha Cadaado iyo saraakiisha ciidamada isbahaysiga difaaca gobolka Mudug.

 

Isniin, December 25, 2006

 

 

Cadaado (AllPuntland)- Duleedka degmada Cadaado ayaa waxaa ka soconaya wada hadallo ku aadan qaabkii loo soo wareejin lahaa hub aad u fara badan oo ay lahaayeen maxkamadaha magaalada Muqdsiho iyo ciidamadii maxkamadaha ka joogay deegaankaasi.

 

Sarkiisha ugu sar saraysa ciidamada isbahaysiga difaaca gobolka Mudug iyo odoyaasha degmada Cadaado ayaa waxa ay kula ku leeyihin duleedka degmada.

 

Odoyaasha ayaa waxa ay balan qaadeen in ay soo wareejinayaan ciidamada iyo hubka ku jira magaalada gudaheeda taas badalkeedana ay u baahan yihin in ay helaan balan qaad ku aadan sidii loo nabad galin lahaa dadkaasi.

 

Taliyaha ciidamada daraawiishta ee DGPL C/laahi Cali Mire (Carays) oo ku sugan degmada cadaado ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ay doonayaan in ay soo afjaraan dhibaatooyinka ay wadaan kooxaha malayshiyooyinka ah ee taageersan maxkamadaha magaalada Muqdisho.

 

Waxa uu taliyuhu sheegay in aysan jirin wax dagaal ah oo ay kala kulmeen inta u dhaxaysa Cadaado iyo Galinsoor, marka laga reebo kooxo dhalinyaro ah oo aan sidaa u fara badnay oo sida uu sheegay ka soo cararay dagaaladii bandiiradleey.

 

Mudane Carays ayaa waxa uu cadeeyay in ciidamada ugu badan ee maxkamadaha u dagaalamayaa ay yihiin dad dhalinyaro ah oo aad u yar yar.

 

Col. C/laahi Cali Mire (Carays) ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan ciidamo aad u fara badan oo iyaga oo aan dagaalamin isa soo dhiibay, ayna u la dhaqmeen si wanaagsan, hadana ay ku hayaan meel xafidan.

 

Isku soo wada duuboo waxaa la filayaa in ciidamdu ay horay u sii socdaan.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dec 25|Col. Cabdi Qaybdiid oo si weyn loogu soo dheweeyay degmada Cadaado ,isagoo halkaa qudbado uga jeediyay dadweyne farabadan oo halkaa isugu soo baxay, Cabdi Qaybdiid ayaa waxaa uu ka dhowaajiyay in degaanka Maamul daacad ah loo samnayo , howlhii dowladana dib ay u bilaaban doonaan Breaking News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Actually radiofreesomali.comm, a website owned by the clan of North Mogadishu & jowhar has also reported it, and other non puntland media.com.

why have the clan cour media been quite about Beledweyne and Cadaado front? Humm cause they are losing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Clan Court portal cadaado.net

source

 

Ciidanka Maxaakiimta oo xeel dagaal uga baxay Deg/ Cadaado

 

Submitted by calicad on Mon, 2006-12-25 17:44.

Wararkii ugu danbeeyey ee Deg/Cadaado iyo ciidanka maxaakiimta oo xeel dagaal uga baxay.

 

Kadib markii ay ciiddanka cadowga Tikreega oo uu horkacayo calooshiis u shaqayste Cabdi Qaybdiid ay ku soo dhawaadeen degaanka Galiinsoor ayaa Mujaahidiintii difaacayey degaanka Cadaado waxay iskugu yimaadeen shir deg deg ah waxayna go’aansadeen in magaalada dhexdheeda aan lagu dagaalamin ayna ka baxaan inta aan ciidanka xabashidu soo gaarin.

Ciidamada maxaakiimtu waxay hadda ku sugan yihiin meel aan ka fogayn magaalada Cadaado oo dhinaca Dhuusamareeb uga beegan waxayna go’aanka bixitaanka u qaateen si aan magaalada loogu dhex dagaalin.

Ciidanka Tikreega iyo cabdi qaybdiidna waxay ku sugan yihiin
meesha loo yaqaano Balihigis iyo xaruntii taangiyada.
Wax dagaal ah oo magaalada ka dhacay ma jiraan waxaana shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa in dhawaan Deg./Cadaado laga saari doono cadowga soo galay.

 

Wararkan waxaan ka helnay ilo lagu kalsoonyahay oo ku sugan aagga cadaado iyo magaalada Muqdishu.

 

Cadaado.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Naah duke,it ain't no propaganda bro.I confirmed it personally.I expected the air strikes so it ain't new to me,but,things no longer are btw the tfg and the ICU,its about two nations being in war bro...A full military escalated war.Thats how things are now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^I respect your opinion Xalane, but so far all the evidance for the supposed air strike on the airport is supposed eye witness testimony, not even a crater or even scratch on the air strip.

 

the propoganda photo's of supposed dead Ethiopians where clan court fighters

All you have to do is visit horseednet.com..

 

Also the towns that fell ahve been taken over by local comanders, Beledweyne and Cadaado are an example. The Ethiopian support in terms of logistics and even air cover has made a difference, but the battles are being fought by the TFG troops and the clan court millitia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Peacenow   

A solution should be made for the ICU to a face saving way out of this. Despise them as I do. They are a present reality and will have to sit down with the TFG in talks.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyooyin Soomaaliyeed iyo ciidamo Itoobiyaan ah oo daqiiqado ka hor la wareegay deegaanka Cadaado

 

December 25, 2006 Markacadeey

 

Ciidamadii maamul goboleedka Puntland iyo kuwii Cabdi Qeybdiid oo gacan ka helaya ciidamo Itoobiyaan ah ayaa daqiiqado ka hor gacanta ku dhigey deegaanka Cadaado, ka gadaal markii dagaal xoogan ay dhex mareen ciidamada maaakiimta iyo kuwa garabka ka helaya dowlada Itoobiya.

 

Ilaa iyo Hadda waxaa hawada ka maqan isgaarsiinta deegaanka Cadaado, iyada oo dagaal xoogan uu ka dhacay deegaankaasi, kaasi oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, looma maleynayo in qasaaro xoogan uu geystay.

 

Waxaan ilaa iyo hadda la ogeyn qasaaraha uu geystay dagaalka lagula wareegay deegaanka Cadaado, mana jiraan wax hadal ah oo ay dagaalkani ka yiraahdeen mas'uuliyiinta golaha maxaakiimta iyo kuwa Puntland iyo Cabdi Qeybdiid ee iska dhinac ah.

 

Dagaalkan oo markiisii hore ka soo bilaabmay dhinaca Bandiiradleey ayaa sababay in maxaakiimta dib loo soo riixo, iyada oo lagala wareegay markii hore deegaanka Gelin soor, iminkana Cadaado.

 

 

Xafiiska markacadeey Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this