Sign in to follow this  
Che -Guevara

Banaanbax Xoogan Oo Maanta Kadhacay Magaalada Garoowe

Recommended Posts

{Garoowe}9-5-08Waxaa maanta ka dhacay magaalada Garoowe mudaaharaad balaadhan oo laga soo horjeedo xaalada amaan daro ee la soo darista Puntland iyo dadka loo gacan galiyay Itoobiya , waxana isku soo baxa maanta abaabulkiisa lahaa Ururka Isku xidhka iyo hor u marinta Nugaal.

 

Mudaaharadka maanta ayaa ahaa mid aad u weyn waxaana ka qeyb qaadanayay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada sida Wax-garadka , Culimaa’udiinta salaadinta iyo dhamaan dad weynaha ku dhaqan magaalada.

 

Dadka isku soo baxa sameynayay ayaa waxaa meel fagaaro ah kala hadlay qaar ka mid ah ururka soo abaabulay banaan baxa iyo qaar ka mid ah Culimaa’udiinta magaalada waxayna ugu horeyn eedayn u jeediyeen maamulka Puntland oo ay ku eedeeyeen in uusan waxba ka qaban wayay amaanka , waxayna sidoo kale cabareeyeen arintii isbuucyadii la soo dhaafay ka dhacday Garoowe iyo Gaalkacyo ee ahayd dad Soomaali ah uu maamulka Puntland u dhiibay Itoobiya.

 

Isku soo bixii maanta ayaa waxaa sidoo kale hadalo ka soo jeediyay qaar ka mid ah wax-garadka, cuqaasha iyo salaadiinta gobolka waxayna ku baaqeen in maamulka uu ugu horeyn wax ka qabto amaanka isla markaana uu maamulku joojiyo dadka soomaalida ah uu u gacan galinayo Itoobiya.

 

Banaan baxa maanta ayaa ahaa mid aad u badhaalan wuxuuna ku soo gaba gaboobay xaalada dagaansho mana jiraan wax rabshado oo dhacay intuu uu banaan buxu socday.

 

WIdhwidh Online News Desk..Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maydad laga helay magaalada Garowe

8 May 8, 2008 - 9:04:27 AM

 

 

 

Waxaa 24kii saac ee lasoo dhaafay gudaha Garowe oo ah casimada maamulka Punland ka dhacay falal amniga lid ku ah kuwaasi oo isagu jira dilal iyo furasho dad loo geystay.

 

Labo nin ayaa Meydadkoda laga dhex helay gudaha magaalada saakay kuwas oo aan la aqoon ilaa iyo hadda cidda geystay dilkooda.

 

Mayadadka Labadan nin ayaa laga helay xaafada Waaberi oo ku taal bariga magaalada Garowe sida uu Idaacada u sheegey taliyaha saldhiga Axmad Jamac isaga oo sheegey in ay baaris ku wadaan cidii gaysatey dilkaan.

 

Labada nin oo la dilay ayaa la rumeysan yihiin inay ka tirsanaayeen dadka ka soo barakacay dagaallada koonfurta Somalia.

 

Dhinaca kale weerar ayaa xalay lagu qaaday ciidamada booliiska iyo kuwa la yiraahdo PIS ee magaalada Boosaaso, oo xilligaasi ku jiray hawll galo la xiriiray nabadgelyada, iyadoo rasaastas lagu dhawacay labo ka tirsan saraakiisha ciidanka sirta ee Puntland.

 

Wasiirka amniga PL Cabdulahi Siciid Samatar oo wareysi siiyey warsiadaahn maalintii shalay ayaa sheegey in wado qorshayaan amaanka Puntland wax ka qabanayo.

 

Dadka dagan magaalada Garowe ayaa rumeysan in amni darada soo korodhay ay mas'uul ka yihiin dad horey uga tirsanaan jirey ciidamada Puntland kuwaas oo markii mushahar iyo daryeelkii wayeen ka bilaabey falal burcad nimo.

 

Radio Garowe,Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this