Sign in to follow this  
Gabbal

How complex will be the search for our national treasures?

Recommended Posts

Gabbal   

Boosaaso: Wasiirka hantida qaranka iyo qalabaynta DFKGS oo sheegay in hantida qaranka ee taalla dalka Jabouti ay lasoo wareegayaan.

- Thursday, December 29, 2005 at 10:02

 

 

Boosaaso(AllPuntland)- Wasiirka hantidada qaranka iyo qalabaynta ee DFKGS Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in asaga iyo wafdi uu hor kacaayo ay u amba bixi doonaan magaalada Jabouti halkaasi oo ay kala soo wareegi doonaan hantida Qaranka Soomaaliya ka taalla magaalada Jabouti.

 

Maxamuud Sayid Aadan wuxuu sheegay in wafdigiisa marka ay tagaan dalka Jabouti ay wasaaradaha arimaha gudaha iyo dibadda kala hadli doonaan hantida Soomaaliya leedahay ee taalla dalka Jabouti.

 

Wasiirku wuxuu tilmaamay in dalka Jabouti ay taallo hanti ay kamid tahay dhismihii safaaradda Soomaaliya , Bangigii Qaranka , Xarunta Caymiska iyo Somali Airline.

 

Qayb kamid ah bangiga Somaaliya (Branch)ayuu sheegay in laga furi doono dalka Jabouti hawlahaasina ay wasaaraddiisa la qaban doonaan guddi farsamo oo ay kamid yihiin Agaasimaha guud ee bangiga , Xeer ilaaliyaha guud, garyaqaanka guud iyo xisaabiyaha guud.

 

Wasiirku wuxuu tilmaamay marka hawlaha ay jabuuti u aadayaan u soo gabo gaboobaan inay guda gali doonaan inay hantida qaranka ka doonaan dhammaanba wadamada u liis garaysan ee ay ku kala firiqsan tahay hantida dawladda.

 

Dawladda Soomaaliya waxay hanti ma guurto iyo guurtaba ku lahayd dalal fara badan oo ka tirsan caalamka kuwaasoo qaar kamid ah hantidaasi sideedeeda u haya halka dalal badanna aysan la socon halka hantidaasi ay jirto.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Wafdi ka socda Dawladda Federaalka KMG Soomaaliya oo Maalmahan ku Sugnaa Boosaaso oo Maanta u dhoofay Jabouti

 

Allgedo

 

BOSASO, Somalia - Wafdi ka socda dawladda FDKGS oo uu hor kacaayo Wasiirka Hantida Qaranka iyo Qalabaynta ee DFKGS Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka dhoofay gagida diyaaradaha Boosaaso ayagoo kusii jeeda dalka Jabouti.

 

Wafdigan ayaa dhowr maalmood kusugnaa magaalada Boosaaso waxayna intii ay joogeen kulamo la lahaayeen maamulka gobolka, degmada iyo ganacsatada gobolka.

 

Wasiirka horumarinta dalxiiska iyo duurjoogta DFKGS Maxamed Maxamuud Xayd oo kamid ah wafdigan dhoofay ayaa Allgedo u sheegay in intii uu kusugnaa magaalada Boosaaso uu la kulamay bulshada degmada Boosaaso uu kala hadlay sidii loo xannaanayn lahaa duurjoogta isla markaana goobihii dalxiiska loo habayn lahaa.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in DFKGS aysan yeeli doonin sidii dawladdii hore ee dalka oo wax walba gacanta ku haysay , hase ahaatee arimaha dalxiiska dawladdu ay dad shacab ah ku wareejin doonto.

 

Shacabka ayuu wasiirku ka codsaday inay qolo walba ku dadaasho dhismaha iyo qurxinta deegaanka si dad badan oo dalxiisayaal oo haatanba is diiwaan galiyay loo keeno gobollada dalka ee nabaddu ka jirto.

 

Wafdiga uu hogaaminayo Maxamuud Sayid Aadan ayaa magaalada Jobouti marka hore kula kulmaya madaxwaynaha Jabouti Ismaaciil Cumar Geelle ayagoo kala tashan doona hantida qaranka ee taalla magaalada Jabouti sidii loogu wareejin lahaa wasaaradda.

 

Maxamuud Sayid Aadan wuxuu kaloo sheegay ayagoo matalaya DFKGS inay shirar kala duwan la soo qaadan doonaan dawladda Jabouti.

 

Waa markii ugu horaysay tan iyo intii dawladdii Maxamed Siyaad la riday wafdi u socda lasoo wareegidda hantidii qaranka ay aadaan dal kamid dalalka caalamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this