Sign in to follow this  
General Duke

Eid: Puntand Special, Leaders message + celebrations

Recommended Posts

Somalia: Puntland pres sends Eid greetings, urges public about peace

9 Sep 9, 2010 - 3:36:13 PM

 

The president of Somalia's Puntland State government has sent his Eid greetings to all Somalis and all Muslims worldwide, while sending a clear message to the public about peace in the wake of Thursday's suicide bombing at Mogadishu airport, Radio Garowe reports.

 

Abdirahman Farole --President of Puntland

Dr. Abdirahman Mohamed Farole, Puntland's leader, spoke with three Puntland-based radio stations via a telephone interview during his ongoing visit in Djibouti, namely: Radio Garowe, Radio Daljir and Radio SBC.

 

The president started off his talk with an Eid message of peace and prosperity for the people of Puntland, for all Somalis, and all Muslims around the globe.

 

Eid-ul-Fitr is the Muslims' celebration after a month-long fasting during the holy month of Ramadan, which ends today Thursday.

 

"I pray to Allah that He removes the heavy burden on the suffering people of Somalia and He protects the public from the aggressors," President Farole said.

 

President Farole said he prays to Allah to "restore the unity and brotherhood of the Somali people" so that Somalia can be saved from years of armed conflict, drought and mass displacement.

 

He condemned Thursday's suicide bombing at Mogadishu's airport that killed dozens of soldiers and civilians, including African peacekeepers, as "savagery" and urged the Somali people to work towards attaining peace. READ: Somali suicide attackers hit Mogadishu airport

 

Ongoing trip to Ethiopia and Djibouti

 

Puntland’s leader told the press conference via telephone that his ongoing trip to the neighboring countries of Ethiopia and Djibouti is part of keeping all the region’s governments up-to-date on new developments.

 

"Especially in Somalia, where there is a national collapse and the Somali people have been unable to become self-sufficient, especially in the central and southern regions [of Somalia] but even we [in Puntland] have not been spared the violence although Allah has given us a quick victory," President Farole said, while referring to a Puntland military offensive in Galgala hills to flush out Al Shabaab insurgents led by wanted fugitive Mohamed Said Atom.

 

The President noted that Addis Ababa, the Ethiopian capital, is the headquarters of the African Union and major regional offices for world governments. He indicated it was part of Puntland's role to update all interested parties on developments in Somalia from time to time.

 

President Farole praised the Djiboutian government, saying that it was a "duty" for him to stopover in Djibouti before returning to Puntland, adding: "The Djiboutian government has helped the Somali people over the years and has worked hard to restore peace in Somalia."

Share this post


Link to post
Share on other sites

punt-somaliland-_3.gif

President's message to the public

 

President Farole urged the people of Puntland to uphold and to protect their hard-won peace in erstwhile chaotic Somalia.

 

He urged the public to work with the security forces and to report suspicious activities of the "people who conspire to create violence and instability."

 

The president especially warned the public to be keenly aware about the troublemakers "who hide among the public, inside the refugee camps and even at companies."

 

He asked the Puntland public to "assist the security forces so they can secure Puntland's security, development and stability."

 

President Farole said the public's help "should not be a favor to any particular person, but should be for the interest of the common good so that Allah can protect us from the suffering of our brothers in southern Somalia and may Allah can save them."

 

Puntland, located in northeastern Somalia with shores along the Gulf of Aden and Indian Coast, declared itself a federal autonomy in 1998 and has functioned peacefully since with elections and orderly transfer of power from one president to the next.

 

Puntland is nominally allied to the Western-backed TFG in Mogadishu, although Puntland manages its own affairs in politics

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Farole oo Ciida la hadley shacabka Puntland

9 Sep 9, 2010 - 2:14:45 PM

 

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole oo ku sugan iminka wadanka Djibouti ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Puntland iyo Soomaliyaba munaasabada Ciidul Fidriga oo si wada jir ah beri Muslimiinta caalamka oo dhan ay u wada Ciidi doonaan isagoo u rajeeyey in ciidaan ciideeda ku gaaraan Bash Bash iyo Baraare [aamin].

 

Madaxwayne Faroole oo isku mar u waramayey idaacadaha Radio Garowe, Radio Daljir iyo Radio SBC ayaa dhanka kale ka hadlay Qaraxii ugu dambeeyey ee maanta 10.09.2010 lagu qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaana uuna sheegay in falkaasi ahaa mid wuxushnimo ah shacabka Somaaliyeedna kasoo daaleen dagaalo qaraxyo iyo dhiigdaata taasoo bedelkeed u baahan yihiin nabad iyo horumar.

 

Hadalada Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa:

 

Ducada Madaxweynaha

 

Waxaan ILAAHAY ka baryaynaa inuu culayska ka qaado shacabka dhibaataysan ee Soomaaliyeeed. ILAAHAY waxaan ka baryaynaa inuu dadka ka celiyo kuwaan shidada wada. ILAAHAY waxaan ka baryaynaa inuu nabadgelyo ku soo waaro dadka Soomaaliyeed oo midnimadoodi iyo walaaltinimoodi hore iswaafajiyo.

 

Safarka Ethiopia iyo Djibouti

 

Sidaad ogtihiin dadka degan Mandaqadaan Geeska Afrika way isku xiranyihiin wakhtigaan shidada ah oo Somalia burbur ku yimid oo dadka Somaliyeed isku filnaan waayeen oo gaar ahaan gobollada koonfur iyo dhexe dhib ka jiraan anagana meelo naga soo gaartay shidadaas inkastoo ILAAHAY guusha anaga na raaciyey.

 

Markii muddo la joogo Mandaqada oo dhan waa iska warhayaan oo safarkaan waa in xog waran la is gaarsiiyo. Addis Ababa waa xarunta Midowga Afrika (African Union) iyo xafiisyada dalalka daneeya arrimaha Somalida.

 

Dowladda Djibouti oo dadka Soomaliyeed aad u taageeeray oo ka shaqeeyey nabadgelyada Somalia inaan soo maro waa waajib. Maslaxada Soomaliyeed guud ahaan baan u imid dalalkaan.

 

Wariyaha xiran

 

Dowladu waad ogtahay qeybo badan bay u qaybsan tahay. Ninkaas [C/fatax Jamac Mire] sidaan ku maqlay Idaacada Horseed agaasime kama aha ee Maamuleyaasha hoose buu ka mid ahaa.

 

Dalka nabadgelyadiisa cidna looguma tanaasuli karo. Dowladdu qaybo bay kala leedahay. Qeybaha Amniga iyo Cadaalada [Judiciary] gooni weeye. Qeybta Maamulka [Administration] ah oo aan aniga Madax ka tahay way ka madax banaan tahay.

 

Wakhti dagaal baa lagu jiraa cidii dambi gashaa ama Idaacad haka shaqayso ama Maxkamad haka shaqayso ama Boolis ha ahaato ama Maamulka haka shaqayso ama Mudaawin caadi ah ha ahaado nin walba wuxu galay waa loo raacaya.

 

Waliba wakhtiyadu waa sii kala culus yhiin oo wakhtiga dagaalka lagu jiro wax wayn weeye marka qeylada badan iyo masabidka iyo dhibaatada ay samaynayaan Idaacadaas [Horseed Media] raga wax ka qora oo anigu ma aqaan meel ay joogaanee hadii Internet-ka la gasho oo been abuurka ah ee dad kale masabidaaya oo magac dilka ah [defamation] dee wax loo dulqaadan karo iyada laftigeedu ma aha.

 

Waxa ay qoreen oo aflagaado ah iyo xumaan ah oo aad iyo aad u ah meel ku dhac xeerka iyo nidaamka Dowladda waxaa weeyaan waa been abuur. Ninkaan waligay anigu iskuma aanan dhicin waxna igama qorin. Wuxuu ahaa nin sawirle ah [Photographer] oo imaan jiray meelaha shirarka lagu qabanaayo waxna ma qorji jirin [wariyahaas].

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso:(Allpuntland)-Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa maanta si weyn looga ciiday islamarkaasna lagu oogay Salaadii Ciidul-fidriga oo Duniada Islaamka guud ahaantood maanta si isku mid ah oo aanan kala har lahayn looga wada oogay islamarkaasna looga ciiday.

 

Goob weyn oo fagaare ah islamarkaasna loogu talagalay in Salaada lagu oogo oo ka baxsan Gudaha magaalada Boosaaso ayaa maanta salaadii lagu oogay waxaana halkaas Amaankeeda aad u adkeeyey Ciidamada Amaanka ee Puntland kuwaas oo taagnaa Dariiq kasta & Wado kasta oo shacabku marayaan,waxaana ciidamada laga dareemayey Feejignaan Saa’id ah & digtooni ka turjumaysa xaalka Amaan ee magaalada Boosaaso.

 

Madaxweynaha Xigeenka dawlada Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha,Wasiirka Arimaha Gudaha Dawlaha Hoose & Hor’umarinta reer miyiga,Wasiirka Amniga,Wasiirka Maaliyada & Wasiirka Dekedaha,Wasiiro xigeeno,Taliye xigeenka guud ee ciidanka Booliska dawlada Puntland,Gudoomiyaha gobolka Bari,Duqa magaalada Boosaaso,Shucuub & Waxgarad aad u badan ayaa maanta goobjoog ka ahaa Tukashadii Saladii Ciida,waxaana halkaas ka hadlay qaarkamid ah dadkii goobjooga ahaa.

 

Madaxweynaha Xigeenka Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed islamarkaasna ah kusimaha Madaxweynaha Puntland ayaa Si qumaati ah hadal kooban ugu jeediyey kasoo qeybgalayaashii Sharafta lahaa,waxaana uu ka hadlay arimo badan oo kusaabsan Xaalka Dalka Soomaaliya & gaar ahaan deegaanada Puntland.

 

Jen,Cabdisamed Cali Shire wuxuu sheegey in Puntland ay imika ku mashquulsantahay Amaanka Dalkeeda islamarkaasna wuxuu Shucuubta reer Puntland ugu baaqay Feejignaan saa’id ah isagoo ka codsaday inay la shaqeeyaan Ciidamada Amaanka ee dalka oo had & jeer u taagan Sugista Amaanka Puntland.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe:(Allpuntland)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr,Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa maanta shacabka Magaalada Garoowe ee Caasimada dawlada Puntland kala qeybqaatay Tukashadii Salaadii Ciidul-Fidriga ee Caasimada dawlada Puntland isaga oo ay la socdaan Qaarkamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada,Wasiirada,Taliyeyaasha Ciidanka & Isimada ugu waaweyn deegaanada Puntland & Jamhuuriyada Soomaaliya.

 

Dr,Cabdirashiid Maxamed Xirsi Wuxuu Hanbalyo u diray guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed isagoo ugu hanbalyeey Ciidul-Fidriga maanta,waxaana uu sheegey in Shacabka Soomaaliyeed ay soo mareen marxalado kaladuwan islamarkaasna ay maanta tahay in shacabku ay u istaagaan islamarkaasna ka qeybqaataan sidii dalkoodu uu Nabadii & Xasiloonidii Sharafta lahayd markale dib ugu hanan lahaa.

 

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka ee dawlada Puntland wuxuu sheegey in dhibaaooyinka kasocda dalka Soomaaliya koonfurtiisa la doonayo in dhanka Puntland loosoo weeciyo,wuxuuse ganafka ku dhuftay in taasi aysan marna Macquul ahayn islamarkaasna aysan Xukuumada Puntland oo Shacabkeeda adeegsanaysa aysan marna taas yeeli doonin islamarkaasna ay xilweyn iska saari doonaan jiritaanka Ummada reer Punland oo uu sheegey in dad wax xun doon ahi ay kusoo duuleen.

 

Ugu Danbayn Gudoomiyaha golaha Wakiilada ee dawlada Puntland wuxuu mahadcelin balaaran usoo jeediyey Ciidamada Amaanka ee Puntland oo uusheegey inay ku amaanan yihiin sida ay saacad kasta ugu taaganyihiin Amaanka dalkooda,wuxuuna sheegey in Ciidanka Puntland ay mudanyihiin bilad geesiyaal taariikhi ah taas oo ay ku mutaysteen sida wanaagsan ee ay Amaanka dalkooda ugu taaganyihiin.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this