Xaaji Xunjuf Posted December 18, 2008 Diiwaangelintii dadweynaha Somaliland oo Si habsami leh uga Socota Deegaano Ka Tirsan Buuhoodle Warkii 17-Dec-2008 iyo Qormadii: Xuseen Kurdi,Buuhoodle. iyadoo guud ahaanba ay diiwaangelintu si baahsan uga socoto gobolka Togdheer ayaa dhinaca kale gobolka Buuhoodle qaybo ka mid ah waxaa ka dhacday diiwaangelinta dadweynaha, waxaana magaalada Quruligud & Coodanle oo ka tirsan Buuhoodle maalmahan ka soconayey diiwaangelinta dadweynaha, xilli ay deegaanadasi booqdeen maanta mas'uuliyiinta ugu saraysa Xukuumadda & Xisbiga Kulmiye. Deegaano ay ka mid tahay Muraayadda, Coodanle, Qorulugud, Gocondhaale & Galgal oo dhamaan ka tirsan Buuhoodle ayaa waxaa maalmhan ka socday diiwaangelinta, waxaana maanta goor hore deegaanadaasi socod ku soo maray madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin & Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo oo sidoo kale ah musharaxa madaxweyninimo ee Xisbigaasi. Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle Ismaaciil Axmed & Ku xigeenkiisa Xasan Ciise oo ay weheliyaan saraakiisha ciidamada gobolka ayaa iyaguna kormeer ku soo maray deegaanadaasi maanta, inkastoo aanay wax kulan ah oo rasmi ah la yeelan mas;uuliyiinta qaranka ee deegaanadaasi booqabnaya. Maalinta berrito ayaa laga yaabaa inay sii socoto diiwaangelintu waxaana la filayaa inay si nabadgelyo ah ku dhamaato. Wariye Xuseen Kurdi- Afnugaal,Buuhoodle. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 18, 2008 Xoghayaha guud ee Xisbiga Udub oo Booqasho Ku Jooga Gudaha Buuhoodle Warkii 17-Dec-2008 iyo Qormadii: Xuseen Kurdi Buuhoodle-Xilli ay hogaamiyayaasha asxaabta siyaasiga ah ee Somaliland ay maanta booqanayeen deegaano ka tirsan gobolka Buuhoodle aya dhinaca kale waxaa gudaha magaalada Buuhoodle caawa ku sugan xoghayaha guud ee Xisbiga udub maxamed ismaaciil Bulaale, waxaana soo dhoweeyey mas'uuliyiin ay horkacayaan wasiir ku xigeenka hawlaha guud ee Sl Cabdirashiid Cawil bacaluul & Gudoomiyaha gobolka Ismaaciil Axmed. Illaa hadda ma jirto wax warbixin ah oo ka soo baxday kulan gaaban oo mas'uulkan xisbiga Udub uu la yeeshay wasiir ku xigeenka Bacaluul, waxaana la filayaa inuu maalinta berrito la kulmo gudiga nabadgelyada gobolka & dadweyne kale. Ololaha & kala jiidashada dadka codkooda ka dhiibanaya doorashooyinka madaxweyninimo ee Sl aya meel xaasaasi ah maraya waxaana socda socdaalo ay mas'uuliyiinta asxaabtaasi ku kala bixinayaan deegaanada Somaliland. Xuseen Kurdi-Buuhoodle,Somaliland. contact:kurdi_12@hotmail.com or info@afnugaal.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 18, 2008 Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayo Xoghayaha Guud ee UDUB Oo Si weyn Loogu soo Dhaweeyay Buuhoodle Thursday, 18 December 2008 Buuhoodle (Somalilandnation)- Wafti balaadhan oo uu hogaaminayoxoghayaha guud ee Xisbiga udub maxamed ismaaciil Bulaale,ayaa siweyn loogusoo dhaweeyay gudaha magaalada Buuhoodle , waxaana waftiga halkaas kusoo dhoweeyey mas'uuliyiin ay horkacayaan wasiir ku xigeenka hawlaha guud ee Sl Cabdirashiid Cawil bacaluul & Gudoomiyaha gobolka Ismaaciil Axmed. Illaa hadda ma jirto wax warbixin ah oo ka soo baxday kulan gaaban oo mas'uulkan xisbiga Udub uu la yeeshay wasiir ku xigeenka Bacaluul, waxaana la filayaa inuu maalinta berrito la kulmo gudiga nabadgelyada gobolka & dadweyne kale. Dhinaca kalena, Deegaano ay ka mid tahay Muraayadda, Coodanle, Qorulugud, Gocondhaale & Galgal oo dhamaan ka tirsan Buuhoodle ayaa waxaa maalmhan ka socday diiwaangelinta, waxaana maanta goor hore deegaanadaasi socod ku soo maray Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Maxamed Ismail Bulaale iyo wafti kasocday Xukuumada Somaliland oo ay kamid ahaayeen Wasiir kuxigeenka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Mudane C/rashiid Cawil Bacaluul oo isaga deegaankaas aan la lug qaadin tan iyo dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay. Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle Ismaaciil Axmed & Ku xigeenkiisa Xasan Ciise oo ay weheliyaan saraakiisha ciidamada gobolka ayaa iyaguna kormeer ku soo maray deegaanadaasi maanta, Maalinta berrito ayaa laga yaabaa inay sii socoto diiwaangelintu waxaana la filayaa inay si nabadgelyo ah ku dhamaato. Somalilandnation.com. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Poker Posted December 18, 2008 Buuhoodle is a GOBOL? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 18, 2008 No buuhoodle is still a district part of togdheer. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 18, 2008 Buuhoodle is a Gobol now ,,,, but according to the old regions, it is part of Togdheer. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 18, 2008 haa wa siida its a gobol now sida gabiley and sarraar laakin kuwaasi hab gobol waxay bilaabmaysa doorashada barlamaanka 2011 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Poker Posted December 18, 2008 Too much gobals.... waryaa jecayl...whuz up man? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 18, 2008 Is cool man ,,,,,,,, just chillin' Quote Share this post Link to post Share on other sites
Poker Posted December 18, 2008 Chilling ain't the word. It's freaking cold man. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 18, 2008 Is freaking cold here too but obviously not like it is over there ,,,,,,,,, a jacket, full stomach and a tea would do wonders ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Poker Posted December 18, 2008 I know couz Hargeisa gets cold in the winter. I couldn't believe how cold it was when i was there last year. Quote Share this post Link to post Share on other sites