Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Buuhoodle Voter registration starts

Recommended Posts

Diiwaangelintii dadweynaha Somaliland oo Si habsami leh uga Socota Deegaano Ka Tirsan Buuhoodle

Warkii 17-Dec-2008 iyo Qormadii: Xuseen Kurdi,Buuhoodle.

iyadoo guud ahaanba ay diiwaangelintu si baahsan uga socoto gobolka Togdheer ayaa dhinaca kale gobolka Buuhoodle qaybo ka mid ah waxaa ka dhacday diiwaangelinta dadweynaha, waxaana magaalada Quruligud & Coodanle oo ka tirsan Buuhoodle maalmahan ka soconayey diiwaangelinta dadweynaha, xilli ay deegaanadasi booqdeen maanta mas'uuliyiinta ugu saraysa Xukuumadda & Xisbiga Kulmiye.

 

 

 

Deegaano ay ka mid tahay Muraayadda, Coodanle, Qorulugud, Gocondhaale & Galgal oo dhamaan ka tirsan Buuhoodle ayaa waxaa maalmhan ka socday diiwaangelinta, waxaana maanta goor hore deegaanadaasi socod ku soo maray madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin & Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo oo sidoo kale ah musharaxa madaxweyninimo ee Xisbigaasi.

 

Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle Ismaaciil Axmed & Ku xigeenkiisa Xasan Ciise oo ay weheliyaan saraakiisha ciidamada gobolka ayaa iyaguna kormeer ku soo maray deegaanadaasi maanta, inkastoo aanay wax kulan ah oo rasmi ah la yeelan mas;uuliyiinta qaranka ee deegaanadaasi booqabnaya.

 

Maalinta berrito ayaa laga yaabaa inay sii socoto diiwaangelintu waxaana la filayaa inay si nabadgelyo ah ku dhamaato.

 

Wariye Xuseen Kurdi- Afnugaal,Buuhoodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoghayaha guud ee Xisbiga Udub oo Booqasho Ku Jooga Gudaha Buuhoodle

Warkii 17-Dec-2008 iyo Qormadii: Xuseen Kurdi

Buuhoodle-Xilli ay hogaamiyayaasha asxaabta siyaasiga ah ee Somaliland ay maanta booqanayeen deegaano ka tirsan gobolka Buuhoodle aya dhinaca kale waxaa gudaha magaalada Buuhoodle caawa ku sugan xoghayaha guud ee Xisbiga udub maxamed ismaaciil Bulaale, waxaana soo dhoweeyey mas'uuliyiin ay horkacayaan wasiir ku xigeenka hawlaha guud ee Sl Cabdirashiid Cawil bacaluul & Gudoomiyaha gobolka Ismaaciil Axmed.

 

 

 

Illaa hadda ma jirto wax warbixin ah oo ka soo baxday kulan gaaban oo mas'uulkan xisbiga Udub uu la yeeshay wasiir ku xigeenka Bacaluul, waxaana la filayaa inuu maalinta berrito la kulmo gudiga nabadgelyada gobolka & dadweyne kale.

 

Ololaha & kala jiidashada dadka codkooda ka dhiibanaya doorashooyinka madaxweyninimo ee Sl aya meel xaasaasi ah maraya waxaana socda socdaalo ay mas'uuliyiinta asxaabtaasi ku kala bixinayaan deegaanada Somaliland.

 

Xuseen Kurdi-Buuhoodle,Somaliland.

 

contact:kurdi_12@hotmail.com

 

or info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayo Xoghayaha Guud ee UDUB Oo Si weyn Loogu soo Dhaweeyay Buuhoodle

Thursday, 18 December 2008

Buuhoodle (Somalilandnation)- Wafti balaadhan oo uu hogaaminayoxoghayaha guud ee Xisbiga udub maxamed ismaaciil Bulaale,ayaa siweyn loogusoo dhaweeyay gudaha magaalada Buuhoodle , waxaana waftiga halkaas kusoo dhoweeyey mas'uuliyiin ay horkacayaan wasiir ku xigeenka hawlaha guud ee Sl Cabdirashiid Cawil bacaluul & Gudoomiyaha gobolka Ismaaciil Axmed.

Illaa hadda ma jirto wax warbixin ah oo ka soo baxday kulan gaaban oo mas'uulkan xisbiga Udub uu la yeeshay wasiir ku xigeenka Bacaluul, waxaana la filayaa inuu maalinta berrito la kulmo gudiga nabadgelyada gobolka & dadweyne kale.

 

Dhinaca kalena, Deegaano ay ka mid tahay Muraayadda, Coodanle, Qorulugud, Gocondhaale & Galgal oo dhamaan ka tirsan Buuhoodle ayaa waxaa maalmhan ka socday diiwaangelinta, waxaana maanta goor hore deegaanadaasi socod ku soo maray Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Maxamed Ismail Bulaale iyo wafti kasocday Xukuumada Somaliland oo ay kamid ahaayeen Wasiir kuxigeenka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Mudane C/rashiid Cawil Bacaluul oo isaga deegaankaas aan la lug qaadin tan iyo dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay.

 

Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle Ismaaciil Axmed & Ku xigeenkiisa Xasan Ciise oo ay weheliyaan saraakiisha ciidamada gobolka ayaa iyaguna kormeer ku soo maray deegaanadaasi maanta, Maalinta berrito ayaa laga yaabaa inay sii socoto diiwaangelintu waxaana la filayaa inay si nabadgelyo ah ku dhamaato.

Somalilandnation.com.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this