Kamaavi Posted April 17, 2010 Sida aan wada ogsoonahay waxaa bishan bilowgeedii isu soo dhiibay Guumaysiga kuwa sheegta Al Itixaad ee ku hoos gabanaya magaca Islaamka. iyagoo sheegtay inay heshiis la saxiixdeen Guumaysiga balse uu beeniyay warkaasi Guumaysigu sheegayna inay qolyahan Al Itixaadku isa soo dhiibeen oo ay hubkoodii dhigeen. Haddaba guud ahaan Dhulka Ogadeeniya ee laguumaysto ayaa siyaabo kala duwan looga dareemay Is dhiibista Itixaadka iyagoo inta badan aan laga soo dhawayn qaabka ay isu dhiibeen Itixaadku, oo run ahaantii dulli ka muuqday. haddii aynu ku horeyno Magaalada Jigjiga, dadku waxay ilaa iyo xad la yaabeen sida aan raalliga laga ahayn ee ay isu dhiibeen Itixaadku, iyadoo meel walba lagaga sheekaysanayo " Qolyihii Itixaadka sheeganayay ma maqasheen waxay sameeyeen !! way isa soo dhiibeen". Dadka ree Jigjiga waxay aad uga xumaadeen is dhiibista iyo isu dulaynta ay Itixaadku hoos isugu dhigeen Guumaysiga, Itixaadka oo markii horeba Shacabku ka biyo diidsanaa halgankay sheeganayeen inay wadeen ayaa haddana ay middani dhibaato kale noqotay, waxayna Shacabku hadda is weydiinayaan tolow maxay tahay tallaabada xigta ee ay qaadi karaan Itixaadku. Dadka qaar ayaa is dhiibista Itixaadka ku tilmaamay Jaasuus cusub oo kusoo biiray jawaasiista u adeegga Guumaysiga iyo maamul ku sheegga ka jira Ogadeeniya, iyagoo sheegay in qolyahan is dhiibay noqonayaan kuwo dadka dhexdiisa ku dhex jooga magaca Soomaalinimo iyo Islaamnimo balse ay hoosta kuwataan shaqadoodii jaasuusnimo taasina ay noqonayso dhibaato kale oo usoo hoyatay Shacabka Ogadeeniya ee laguumaysto. Si kastaba ha ahaatee Is dhiibista qolyaha sheeganaya Itixaad ay isu dhiibeen Guumaysiga ayaa noqonayso mid aysan cidna ku farxin oo qof walba oo u dhashay Ogadeeniya uu aad uga xumaado. waxaa kale oo meesha ka baxaysa soo dhawaynta ah in si diiran loogu soo dhaweeyay Ogadeeniya, taas oo Shacabku uusan waxba ka ogayn inay yimaaddeen magaalada iyo in kale, inta yar ee ogaatayna ay leeyihiin maxaa faa'iido ah oo ay isu soo dhiibeen koley wax ay ku soo kordhinayaan Degaanka oo aan dhibaato ahayn ma jirtee. Quote Share this post Link to post Share on other sites