Abwaan Posted January 3, 2007 Askar Itoobiyaan ah oo lagu dilay degmada Jilib Sida uu xaqiijiyay Maxamuud Daahir Faarax Qooley oo ah ninka loo magacaabay guddoomiyaha maamul KMG ah oo uu yeesho degmada Jilib, nin Soomaali ah ayaa maanta toogasho ku dilay labo ka tirsan Askartii Itoobiyaanka ee shalay halkaasi xooga ku galay, kadib markii uu weerar gaadmo ah ku soo qaaday xero ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamadaasi. Faarax Qooley ayaa sheegay in ninkani uu ka mid ahaan jiray ciidamadii golaha maxkamadaha islaamka Soomaaliyeed, ee ka baxay degmada Jilib, isagoo sheegay inuu ku dhuumaaleysanayay illaa shalay guri ay ka qaxeen qoysas Soomaaliyeed oo deganaa Jilib “Saaka xilligii salaada subax la tukanayay ayuu ninkani soo weeraray xero ciidan oo ku tiilay tuulada Lugooshow oo ka tirsan Jilib, kadibna mar kale ayuu galabta weerar rogaal celis ah ku soo qaaday isla xeradii wuxuu soo riday Rasaas iyo Bambo, markii dambena ciidamadu wey iska caabiyeen weyna dileen” ayuu yiri Qooley. Waa markii ugu horeysay oo weerar gaadmo ah lagu dilo ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee iyagu ku sugan dalka Soomaaliya, waxayna arrintan laga yaabaa inay wado u furto Soomaali badan oo iyagu si aad uga horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya. Cabdishakuur Cilmi Xasan, Muqdisho, Somalia cabdishakuur48@hotmail.com dayniilecom @hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wiilo Posted January 3, 2007 YAA IS GAARAY SXB, ALLOW MAA LA'LAAYO KULIGOOD.. GO FIGURE:........... Quote Share this post Link to post Share on other sites