General Duke Posted November 21, 2005 Barlamaanka Puntland oo isku raacay in loo jawaabo Raisulwasare Geedi. (Garoowe}21.11-05 Fadhigii Maanta ee golaha wakiilada Puntland oo lagu qabtay xarunta Barlamanka ee Puntland isla markaana la soo hordhigay mooshiin ay soo diyariyeen qayb kamid ah xildhibaanada ayaa looga dooday sida laga yeelayo hadal dhowaan uu raisulwasaare geeddi ka sheegay qayb kamid ah saxaafadda waxaana loo baatay in Madaxda sare ee puntland ay cambarayso............ Waxaana 26 kamid ah xildhibanada ayaa ogoladay 8 xubnood ayaa diiday waxaana ka amuusay 5 xubnood waxaana xildhibaanada ay isku raceen in guddi loo saaro arrimahaasi iyagoo hadalkii Geeddi ku tilmaamay mid aan looga baahnaynisla markaana midnimada Soomaliya ay muqadas tahay. Hadalhaynta ugu weyn ee ka taaganayd dhowanahan gobalada Puntland ayaa ahayd.. Maxuu ka waday Geeddi ? haduusa dareemay inuu hadalka gef yahay maka bixiyay raligelin ? . sidoo kale qaar kamid ah aqoonyahaniinta ayaa ka hadlay qaybaha saxaafadda waxaa kaloo cambareyey hadalkaas Xildhibanada dowladda federalka ee ka soo jeeda Gobalada Waqooyi Galbeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho. Nuux Muuse Birjeeb Widhwidh Online Garowe Quote Share this post Link to post Share on other sites