Sign in to follow this  
General Duke

News of the day: SSC Garad's conference ends on a high note: PICS

Recommended Posts

Shirkii Issimada SSC ee Buurowadal oo maanta soo xirmay, qodobo badanna laga soo saaray.

 

Buurowadal, Feb 08 – Waxaa maanta si rasmi ah u soo gabagaboobay shir weynihii tuulada Buuro-wadal kaasi oo muddo 10 cisha ah halkaasi uga socday duqayda dhawanka ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Shirkaasi oo looga arrisanayey aayaha iyo umadnimada dadyawga deggan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa waxaa ka qayb galayey salaadiinta dhaqanka ee caanka ka ah gobolladaasi kuwaasi oo iskugu jira garaaddo, ugaasyo, nabaddoono iyo caaqiliin, waxaana sidoo kale shirka ka qayb galayey culimo awdiin, ganacsato, aqoonyahanno iyo ururo kaleeto oo aad ku tiro badan oo ay ku jiraan kuwa haweenku.

 

Shirka oo ahaa mid dhaqan ayaa lagu lafo-gurayey arrimo badan oo dhinacyo kala duwan taabana, waxaana si gaar ah diiraddu u saarnayd xaaladda nabadeed midda, dhaqan, tan bini’aadantinimo ee ka jirta gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, gaar ahaan waxaa si gaar ah looga falanqooday xaaladda magaalada Laascaanood oo muddo dhawr sano ah gacanta ugu jirta maamulka Somaliland, kaasi oo issimadu ay ku tilmaameen in ay ka jirto xaalado qallafsan oo ay ka mid tahay cabburin iyo daadis lagu hayo dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood.

 

Shirka oo ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen ayeysan ka horimaan wax caqabad ah oo hakiya habsami u socodkiisa muddadii loo fadhiyey Buulowadar, kaddib markii laga soo wareejiyey degmada Holhol oo maamulka Somaliland uu diiday shirkaasi issimadu in uu ka furmo.

 

Salaadiintii dhaqanka iyo waxgaradkii kale ee ka soo jeeday gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, kana qaybgalayey shirkii tuulada Buurowadal ee muddada 10 cisho ah soconayey ayaa isla meeldhigay dhammaan waxyaabihii ay ka wadahadlayeen, waxayna soo saareen bayaan dhawr qodob ka kooban oo ay ku cadyihiin go’aamadii ay isla meeleeyeen.

 

Qaybta hore ee qoraalka issamada, waxaa si kulul loogu weeraray maamulka Somaliland oo ay ku tilmaameen in uu yahay maamul Somalinimo diid ah khasabna ku jooga dhul aan shacabkiisu taageersanayn, waxaana sidoo kale lagu sheegay qoraalkaasi in maamulka Somaliland uu si arxan darro ah uu ula dhaqmo dhammaan dadka shacabka ah ee deegaannadaasi ku nool.

 

Garaad Maqsar, oo ka mid ahaa salaadiintii dhaqan ee shirkaasi ka qaybgalayey muddadii uu socday ayaa halkaasi ka akhriyey go’aamadii shirkaasi laga soo saaray ee ku saabsanaa waxyaabihii laga wadahadlay kaddibna la isla gartay, waxaana ka mid ahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garaad-Mash-qare-300x225.jpg

Garaad Mashqare ayaa inta uusan qodobada ay Isimadda isku raacayaan ku dhawaaqin sheegay in ay Isimadu si weyn uga xunyihin Xaaladda ka taagan Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool,taasoo uu sheegay in Maamulka Somaliland ay duulaan kusoo qaadeen Magaaladaas iyagoo dadki halka deganaa ay Xeryaha qaxootiga dalalka Itoobiya,Kenya,Yemen iyo gobolada kale ee dalka Soomaaliya.

 

Wuxuu kale sheegay in ay Beesha Caalamka ka jeesatay dhibaatada dadkaasi loo geystay oo ay uu geysteen waxaa uu ugu yeeray Jabhadda Soomaali diidka oo uu ku tilmaamay Maamulka Somaliland.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Jabhadda Soomaali diidka ay bilowday 3-bilood ee ugu dambeysay in ay fursad uga hesho Caburinta dadka magaaladda Laascaanood.

 

Garaadka ayaa ugu dambeynti soo bandhigay 9-qodob oo ah kuwa ay soo saareen Isimada Beesha Dhulbahanta,waxaana qodobada ahaayeen sidaan;

Share this post


Link to post
Share on other sites

1.Waxaa la dhisaaya gudi la yirahdo Qusuusi.

 

2.Qusuusigu waxaa ay ka koobnaanaysa 21-Xubnood,Saddex ka mid ah ay dumar yihin.

 

3.Qusuusigu waxaa ay awood uu leeyihin Hogaanki lagu soo dhisay Nairobi.

 

4.Quusuuga waxaa soo xulaaya Beelaha.

 

5.Qusuusida waxaa ay iska dhexdooranayaan Gudoomiye,Kuxigeen iyo Xogheyn.

 

6.Qusuusida waxaa ay mudadoodu ku egtahay Sanad iyo Bar maalinta la Ansixiyo.

 

7.Qusuusiga waxaa lagu keenaya mudo dhan 10-casho laga bilaabo maalinta gudoonka soo baxo

 

8.Qusuusiga waxaa kala diri kara Isimadda saxiixay Cod dhan 3/2

 

9.Shuruudaha lagu soo xulaayo Qusuusiga waxaa qeexaya Xeer hoosaad uu gaar ah.

Bayaankaan maanta ay Isimada soo saaren ayaa lagu sheegay in Hogaanki lagu dhisay Nairobi ay Isimada Maamulka Puntland kala hadleen in ay soo galaan dalka si ay ula kulmaan Qusuusida.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^cavaranku maa isaga fashilmay soo tii la hubeeyey :D

 

Awoowe, war kale ma haysaa, warka Buulo wadal kasoo baxay mid hargeysa looga diirsandoonno maaha.

 

Does Qusuusi ring a bell :D ? Waa baarlamaankii Sayidka

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Fiiri awoowe, tani waa shul marka laga hadlayo mawqifka tolka hogaan dhaqameedkiisa

 

Sida loo hirgaliyyo waan uwada joognaa

 

Qusuusidu waa game changer :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this