Saalax Posted May 22, 2010 Wararkii Ugu Danbeeyay ee Ku Saabsan Iska hor Imaadkii ka Dhacay Xuduuda Caalamiga ah Danood (CakaaraNews) Waxaan maanta idiin soo tabinay in ciidamada Liyuu Booliska ay caabiyeen weerar ay dad nabad-diid ah oo isku qarinaya nidaam beeleed oo ka yimid degaanka Buuhoodle, balse warar sugan oo aan haatan helnay ayaa sheegaya in ciidanka weerarada caabiyay ay yihiin booliska caadiga ah oo ku hawlanaa hawlaha baadhitaanka badeecadaha ka soo galaya xuduuda. Wararkan oo aan helnay ayaa sheegaya in Booliska caadiga ahaa ee ku sugnaa Xuduuda caalamiga ah ay horaan u lingaxeen xadka iyagoo sharciga ku soo dabaalaya, waxayna gacanta ku dhigeen gawaadhi sharci darro ah oo gaadhaya 30 gaadhi oo si sharci darro ah u soo galayay Degaanka Soomaalida. Sida la wada ogsoon yahay Baabuurta ka timaada Degaanka Buuhoodle ayaa caan ku ah ka ganacsiga kontorobaanka, isla markaana waa gaadiid aan lahayn wax aqoonsi sharci ah oo lagu garto. Taas aawadeed ayaa ciidamada booliska ee ilaalinayay xuduuda ay baadhitaanka gaadiidkaas u adkeeyeen, kadib markii qaar fara badan oo gaadiidka adeegsada marinkaa hore loogu qabtay iyagoo soo galinaya hub sharci darro ah, iyo qalab ka mid ah qalabka maraakiibta oo laga soo furtay maraakiibta madax furashada loogu haysto gobolka Puntland. Wariyaha Shabakada CakaaraNews ee Gobolka Wardheer ayaa noo soo sheegay in markii ay booliska ilaalinta xuduudu ay qabteen gawaadhidaa sharci darada ah ay maleeshiyo beelaadyo is uruursaday ay weerar ku soo qaadeen, balse Ciidankii Ilaalada xuduuda ay si adag iskaga caabiyeen iyagoo dib u riixay maleeshiyaadkii dagaalka soo qaaday. Wuxuu kaloo wariyuhu noo sheegay in Ciidamada Sida Gaarka ah U Tababaran ee Liyuu Boolisku oo aan markii hore joogin aagga uu dagaalku ka dhacay ay haatan u baqooleen dhanka Buuhoodle. Wuxuu wariyuhu sheegay in Booliska Ilaalinta Xuduuda Degaanka oo aan lahayn tababarka Liyuu Booliska, balse ku dayday mooraalka iyo guulaha ay keeneen Ciidanka Liyuu Booliska ay xirfad wanaag ka muujiyeen inay caabiyaan shaqaaqada ay ku soo qaadeen dadka ka soo duulay dhanka Buuhoodle. Wararku waxay intaa ku darayaan in caawa fiidkii ay ciidmada Sida Gaarka ah u Tababaran ee Liyuu Boolisku ay u baxeen dhanka Buuhoodle. Ciidankaa baxay ayaa la sheegayaa inay ka kooban yihiin saddex regiment oo ay kala hogaaminayaan Shaalaqe Ciid oo fadhigiisu yahay Gobolka Wardheer & Shaalaqe Deeq oo saldhigiisu yahay Gobolka Qoraxeey. Waxaa wararku ay intaa ku darayaaan in Ciidamada Liyuu Booliska ee haatan ay gaadheen meeshii qulqulatatadu ka dhacday iyagoo gacanta ku haya xaalada agagaarkaas, si ay amniga & xasiloonida u ilaaliyaan. CakaaraNews Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted May 22, 2010 Sacad, Liyuu Booliska & Booliska Caadiga ah sow Ethiopian maaha?, maxaa Buuhoodle keenay? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted May 22, 2010 Spinning 101. Now they are accusing Buhoodle people of bring in "qalabka burcad badeedka". I did not know Buhoodle people were fishermen. Taas aawadeed ayaa ciidamada booliska ee ilaalinayay xuduuda ay baadhitaanka gaadiidkaas u adkeeyeen, kadib markii qaar fara badan oo gaadiidka adeegsada marinkaa hore loogu qabtay iyagoo soo galinaya hub sharci darro ah, iyo qalab ka mid ah qalabka maraakiibta oo laga soo furtay maraakiibta madax furashada loogu haysto gobolka Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted May 22, 2010 Lol.. Sacad what happened to your hiber cyber yesterday.. What happened all that we did this we did that.. now you starting killing women and unarmed people for retribution.. I told you yesterday, you and your likes will disappear from the sol when reality hits you.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted May 22, 2010 Maaddeey , the liyuu police are mainly somalis especially A&T folks. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted May 22, 2010 A_Khadar, that is a lie somaliland doesn't kill unarmed people, it was properly armed militias of SSC that were killed but knowing your websites you always like to spin stories. Quote Share this post Link to post Share on other sites