Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Sheikh dalxiis travels to New york

Recommended Posts

Muqdisho:Sheekh Shariif oo anbabaxay New Yourk.

21. september 2010

 

APL

 

 

FIKRAD iyo FALANQAYN KA DHIIBO WARKAAN, KU QOR FORM-KA DHAMAADKA WARKAAN YAAL

 

Muqdisho:(Allpuntland)-Iyadoo oo uu todobaadkan Furmayo Kulanka Golaha loo dhanyahay ee Qarmada Midoobey islamarkaasna ay madaxda Aduunku ku qulqulayaan magaalada New Yourk ee xarunta Qaramada Midoobey ayaa Madaxweynaha Dawlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu kamid noqday madaxda dunida ee halkaas kusii qulqulaysa islamarkaasna kulanka ka qeybgalaysa.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay safarka ku weheliyaan Wasiiro katirsan Xukuumadiisa ayaa galabta si toos ah uga duulay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,waxaana ay u anbabaxeen dhanka magaalada New Yourk,iyagoo ka qeybgalaya Kulanka madaxda Caalamka.

 

Xafiiski Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faafiyey in madaxweyne Shariif ay tiro Wasiiradiisa kamid ah maanta raaceen,islamarkaasna ay kuwo kale kasii hormareen uuna kulanka ka jeedin doono Khudbad kusaabsan xaalka Soomaaliya,waxaana uu safarka Madaxweynuhu yimid xili uu maanta soo afjarmay Khilaafkii bilaha soo jiitamayey ee u dhexeeya Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaarihiisii hore.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Shariif oo dalka ka dhoofay ka dib markii uu is casilay Sharmarke soona afjarmay Khilaafkii u dhaxeeyey

posted by: kulan

 

Madaxweynaah dowladda FKM mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminaayo Ayaa galabta ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay ku sii jeedaan Xarunta QM Ee new yourk oo uu ka dhacaayo Kulan waynaha Ay sanadkiiba mar yeeshaan hoggaamiyaasha caalamka.

 

Madaxweynaha waxaa ku weheliya safarkiisa Xubno Ka tirsan Golaha Wasiirada Oo uu ku jiro Wasiirka Bay’ada Dowlada KMG Mudane Burci Maxamed Xamza, Wasiirka Iskaashiga Caalamiga iyo qorsheynta Mudane Musdaf Shekh Cali dhuxulow, Sidoo kale waxaa uga sii horreeya Xarunta QM R/wasaare ku xigeenka Ahna wasiirka Kaluumeysiga iyo khayraadka Badda Mudane C/raxmaan Xaaji Aadan IBBI, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane yuusuf Xasan (Dheeg) Iyo wasiirka Maaliyadda Mudane Xusen Cabdi Xallane.

 

Madaxweynaah ayaa waxaa la filayaa in uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedin doono Xarunra QM wuxuuna diiradda ku saari doonaa Xaaladaha Kala duwan ee hadda ka jira Somaliya, Sido kale Madaxweynuhu waxa uu kulamo la yeelan doonaa Madaxweynayaal Iyo wafuud heer caalami ah,Inta uu joogo Madaxweynuhu wuxuu la kulmi doonaa Jaaliyadaha Somaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka.

 

Socdaalka Madaxweynaha ee dalka Maraykanka ayaa imaanaya saacado kooban kadib markii maanta uu iscasilay Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid oo mudooyinkaan khilaaf xoogan u dhexeeyey.

 

Axmed Kulan

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this