RedSea Posted November 29, 2006 News: Wasiirka Dib U Dejiinta Oo Tababar Furay Seminaarkan oo ay ka soo qayb galeen 30 xubnood oo ka kala socday warbaahinta kala duwan ee dalka iyo xubno kale oo iyana ka socday Hay’adaha Dowlada. Iyo saraakiisha NGO yada wadaniga ah. waxa furitaankii shirkasi ka hadalay Wasiirka Dibu Dejinta Abshir Axmed Xasan ugu horayan Wasiirka oo ka hadlay furitaankii aqoon is weydaarsigan ka waramay arimaha dadka qaxootiga ah iyo siyaanaha ay ku timaada qaxootinimadu. waxaanu sheegay wasiirku macnaha qaxotinimadu in ay tahay marka uu qofku ka qaxo dalkiisa sababo kala duwan awgood. Wasiirku waxa uu sheegay in ay saxaafadu tahay ta kaliya ee dadka ka dhaadhicin karta waxa dalka ka jira ee la doonayo in wax laga qabto amaba u baahan in dadka lagu wacyigeliyo si loo gaadho horumarka arimaha bulshada. waxaa kale oo uu wasirku sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay maanta dalka Somaliland inay ka jirto Saxaafad madaxbanaan oo sida ay doonto u hadasha iyada oo aanay cidina ka horjoogsan u madaxbanaanida arimahooda. Isaga oo wasiirku arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “maanta waxaa aad ugu faraxsanahay in ay Somaliland ka jirto Saxaafad madax banana oo sida ay doonaan wax u qora iyada oo aanay cidina u diidin waxa ay doonayaan in ay qoraan” full report Quote Share this post Link to post Share on other sites