Abwaan Posted February 13, 2005 Muqdisho: Kulan Looga Hadlayay Qabanqaabada Banaan Bax Lagaga soo Horjeeo Ciidamo Shisheeye Oo Maanta Ka Dhacay Hotel Saxafi II Muqdisho (AllPuntland)- Kulankan oo looga hadlayay sidii loo qaban qabin lahaa banaan bax balaaran oo dunida loogu muujinayo sida loogaga xun yahay in dalka ay yimmaadaan ciidamo shisheeye gaar ahaan kuwa ka socda wadanka Itoobiya ayaa maanta galinkii hore waxuu ka dhacay Hoteelka Saxafi II ee magaalada Muqdisho. Xubnihii kulankan kasoo qeyb galay oo isugu jirray Ganacsato, Culumaa'udiin, Urrurada Bulshada Rayidka, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxey iska dhex magacaabeen Guddiyo afar ah oo ka shaqeyn doona abaabulka Banaan baxaasi oo la qorsheeyay inuu dhaco maalinta bari ah. Banaan baxaasi la sheegay in uu dhacayo berritoole ayaa waxa ka horeeyay mid kale oo dhacay maalintii jimcaha aheyd iyadoo iyadoo isu soo baxasina ay culumadii ka hadashay ay sheegeen in ay la jihaadayaan hadii ay dalku yimaadaan Ciidamo shisheeye. Abshir Cali Gabre AllPuntland I haven't seen any line of the above article mentioning warlords and their malitia. Therefore it is very obvious that most of Mogadishu citizens if not all of them strongly oppose foreign forces, specially the ethiopians. Quote Share this post Link to post Share on other sites