Sign in to follow this  
Cowke

Galmudug: 15 dead as Fresh Fighting Begins

Recommended Posts

Cowke   

October 3, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (0)

 

 

Horseed Media

 

Gaalkacyo

 

Dad kor udhaafaya 15ruux ayaa kudhintay tiro kale oo intaas kabadanna waa ay kudhaawacmeen dagaal beeleedyo deegaano katirsan koonfurta gobolka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya ayadoona dagaaladaasi xiisadahoodu ay weli halkaasi ka oogan yihiin.

 

Dagaalkani ayaa u dhaxeeya Beelaha deleted iyo deleted oo kuwada abtirsada beesha deleted ayaa daba socda dagaalo kale oo horey uga dhacay deegaano hoostaga maamulka Galmudug ee koonfurta gobolkaasi kuwaasi oo salka kuhaya lahaanshaha Ceelbiyood iyo dhul deegaameedyo isla markaana dhexmarayey maleeshiyo beeleedyo kuwada abtirsada beelahan.

 

Warar ay Horseed Media kaheshay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in isbitaalka koonfurta Gaalkacyo ee ay maamusho hay,ada MSF in lasoo gaarsiiyey tiro dhaawacyo ah oo iyagu kusoo dhaawacmay dagaal beeleedyadaasi isla markaana ah dhinac kamid ah dhinacyada ay dirirtu udhaxeyso kuwaasi oo dhaawacooda lagu dabiibayo Isbitaalkaasi ayadoo sidoo kalena warar iyana aynu kahelnay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ay kuwarameen in tiro dhaawacyo ah magaaladaasi lakeenay oo qaarkood lagu dawiiwayo goobo caafimaad oo halkaas kuyaala halka qaar kalena loo gudbiyey Isbitaalka Istarliin ee degmada Guriceel.

 

 

Waxaa durba soobaxaya baaqyo isdaba joog ah oo durba ay dirayaan waxgarad labada dhinac ah iyo odayaal kale kuwaasi oo kusugan magaalada Muqdisho oo iyagu codsanaya in colaadan si deg deg ah loojoojiyo waloow aanay jirin ilaa iyo hada cid soo kala dhexgashay oo kamid ah beelahan wax garadkooda oo kubaxay deegaanada ay colaaduhu kajiraan kuwaasi oo iyagu ah deegaano ay degenyihiin reer miyi oo duleedka kagabeegan degmada Gelinsoor.

 

Xaalada dhulalka miyiga ah ee uu dagaalku kadhacay Xalay ilaa iyo habeen hore ayaa lasheegayaa inay weli kacsantahay oo labada dhinacna ay isku hub uruursanayaan.

 

Dagaalada udhaxeeya maleeshiyooyinka labadan Beelood ayaa ah kuwo deegaanadaasi kusoo laalaabtay waayahan waxaana horey ujirtay in gogol nabadeed oo aad ubalaaran ladhex dhigay beelahan kol hore waloow hada gogoshaasi ay umuuqato mid aanan miro dhalin waxaana dagaalada dhexmara dhinacyadan kuwoodii ugu waxyeelada badnaa ay dhexmareen mudo haatan laga joogo Seddaxsano.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this