Saalax Posted December 10, 2009 Somaliland oo ka qayb gashay shir caalami ah oo lagu qabtay Xarunta Bosnien-Hercegovina ee Sarajevo Sarajevo(saraarnews.com)-shir caalami ah oo sanadkiiba mar la qabto ayna qabanqaabiso SILC oo dalalka aduunka ka caawisa arimaha dimoqraadiyada xarunteeduna tahay wadanka Sweden ayaa lagu qabtay xarunta wadankaasi Bosnien-Hercegovina ee Sarajevo. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen, Somaliland, sweden, cuba, bosnia, ukrain , serbia, maldova,russia iyo singapore. Dalalkaas badankooda ayaa la sheegaa inay Dimoqraadiyadu cidhiidhi tahay marka laga reebo wadanka Sweden. President of theLiberal Democratic Party of Bosnia. Ahlan Mohamed Jama Kulmiye Party Shirkaas oo ay SILC uga wakiil ahayd Rhoda Elmi oo ah gabadh dhalinyaro oo aqoonyahanad ah aadna ugu ololaysa qadiyada somaliland, waxaa lagu soo qaaday xaaladaha dimoqraadiyada Somaliland , halkaas oo warbixin faahfaahsan ay ka jeedisay Ilhaan Mohamed Jama oo ahayd gabadhii dhowaan xisbiga Mucaaradka ahi ee Kulmiye u soo xulay inay ka mid qoqoto gudiga doorashooyinka qaranka laakiin uu iska hortaagay Madaxweyne riyaale kaahin. intii ay halkaa ku sugnayd Bosnien-Hercegovina waxay Kulamo la yeelatay masuuliyiin kala duwan oo ay ka tirsan wadankaas ayna ka mid yihiin Madaxda xisbiga Liberalka ee wadankaas iyo masuuliyiin kale oo caalamka ka socday. Ilhaan Mohamed Jama ayaa Booqasho imika ku joogta wadanka Norwey halkaas oo ay kulamo kula yeelanaysay jaaliyada reer somaliland ee halkaas ku dhaqan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wadankaas. Bulshada caalamka ayaa si weyn ugu dheg taagaya doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan wadanka somaliland, oo ah tijaabadii ugu danbeysay ee somaliland bulshada caalamku ku xidheen, waxaana in badan laga digay dhibaatada ka dhalan karta dib u dhac danbe oo xukuumada Riyaale kaahin ku samayso doorashooyinkaas. waxaanu dhowaan idiin soo gudbin doonaa waraysi maqal ah faahfaahsan oo aanu arimahaas kala yeelanay ilhaan Mohamed Jama From Left, Rasim Kadic The first President of theLiberal Democratic Party of Bosnia, Rhoda Jama Elmi SILC, Lamija Tanovic President of theLiberal Democratic Party of Bosnia. Ahlan Mohamed Jama Kulmiye Party and Nerzuk Curak Saraarnews Quote Share this post Link to post Share on other sites