ANWAR Posted June 29, 2007 Ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa howlgallo burcad si feyn ah ka sameeyay degaanka Xaramka , Lugooshow , Kuunyo Baroow ee gobalada Jubooyinka halkaasi oo kooxaha hubeysan dhibaatooyin ugu geeysan jireen dadka rakaabka ah . Howlgalaani ayaa siweyn waxaa u soo dhaweeyay odayaasha , wax garadka jubooyinka iyo darawalada gaadiidka oo ku tilmaamay talaabo loo baahnaa isla markaana yareeneysa dhibaatooyinka loogu geeysto daka . Ciidamada dowlada ayaa qadaay inta badan isbarooyinkii yiilay wadooyinkaasi kuwaasi oo dadka lagu dhibaatey jiray . Odayaasha dhaqanka oo uu kamid yahay Suldaan Daahir kana mid ah odaya dhaqameedyada degmada Jilib ayaa si diirran u soo dhoweeyey tallaabada ciidamada ammaanka oo sheegay in ay tahay arrin in la dhiirri geliyo mudan. Sidoo kale, darawallada gaadiidka u kala safra Muqdisho iyo Kismaayo ayaa ku diirsaday tallaabada ay qaadeen ciidamada ammaanku. Waxaana la ogeyn mudda ay socanayaan howlgadaladaani bur cad sifeynta ah oo soo baxay xilli dadka iyo gadiidka ay dhibaatooyin xoogan ku qabeen . HornAfrik, Mogadishu good news Quote Share this post Link to post Share on other sites