Sign in to follow this  
Saalax

SSC realise Pirate Chief was talking about them- they post it in their website

Recommended Posts

Saalax   

Seems i was right. :D

 

 

Faroole "Waxaan Uga Digaynaa Raysal Wasaaraha Kooxaha Puntland Wax U Dhimaya" (SSC)

Written by jidbaale

Saturday, 16 October 2010 08:16

 

Madaxweynaha maamul Goboleedka Waqooyi bari C/Raxmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa markii ugu horeysey ka hadlay Ra’iisal wasaarha cusub ee Soomaaliya.

 

 

 

Faroole oo waraysi uu siiyey BBCda lagu waydiiyey sida uu u arko magacaabista Maxamed C/Laahi Maxamed ayaa sheegay in uusan aqoon ninkaas laakiin uu ilaacadaha ka dhagaystay, Faroole oo hadalkiisa ay ka muuqanaysey cabsi badan iyo cabasho ayaa Ra’iisal wasaraha ka codsaday in uusan taageerin waxaa uu ugu yeedhay kooxo shido wada oo xafiisyada qaar laga taageero.wuxuuna yidhi" waxaanu uga dhigaynaa raysal wasaaraha oo ah nin cusub in uu gacan siiyo kooxaha Puntland wax u dhimaya, waxaa kale oo aanu u sheegeynaa in uu kooxahaas iska fogeeyo oo aysan isticmaalin, Arintan oo uu ula jeeday Hogaanka SSC isla markaana uu lee yahay waxaa laga taageeraa xafiiska Madaxweynaha ee uu Agaasimaha ka yahay Dr:C/Kariim Xassan jaamac, ayuu sheegay in ay arintaas ka qabaan wel wel iyo walbahaar.

 

halkan ka dhagayso

 

Wuxuu sheegay in Ra’iisal wasaraha uu ka filaayo, cadaalad iyo in uu raaco sad bursigii maamulkiisa uu u saxiixey Cumar C/Rashiid, Faroole wuxu sidoo kale ka cawday in aan laga tashan magacaabista ra’iilsal wasaraha. Shalay subax ayey ahayd markii wasiiru dawlaha xidhiidhka caalamiga ah uu sheegay in aan Beesha Puntland xaq u lahayn in ay qabato wasiirka koowaad.

 

Wuxuuna sheegay in laga dhacay booskaas beeshiisa, oo uu ula jeeday *********. hadalka Faroole oo u muuqday samir taag waayey ayaa nuxurkiisu ahaa, Ra’iisal wasaraha waan soo dhaweynaynaa laakiin waan in uu uusan sameyn wax aanan raali ka ahayn.

 

 

Faroole "Waxaan Uga Digaynaa Raysal Wasaaraha Kooxaha Puntland Wax u Dhimaya" (SSC)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this