Sign in to follow this  
RedSea

Somali student wins prices in Khartoum.

Recommended Posts

RedSea   

u_2d_2008-10-23-21-24-26f_sacab.gif

 

Arday reer Somaliland ah oo ku guulaystay tartan lagu qabtay Khartoum

 

 

 

hadhwanaag 2008-10-23 (Hadhwanaagnews) KHARTOUM-Waxa shalay magaalada khartoum ee caasimada wadanka suudaan lagu qabtay xaflad lagu soo khatimayay tartan la qabtay bishii Ramdan ee barakaysnayd .

 

sanad kasta bisha ramadaan waxa ay urur la yidhaa munadama al dacwa alislaamiya gaar ahaan machad loogu talagalay researchka oo aya leedahay munadamadu.

 

hadafka laga leeyahay tartanka noocan oo kale ah ayaa ah mid kor loogu qaadayo aqoonta aynu ka haysano wadamada Africa, ayaa waxa ay munadamadu ugu tala gashaa abaal-gud wanaagsan si ay uga qayba qaataan dhamaan dhalinyarada danaynaysa arrimaha afrika. xafladan shalay ayaa waxay ku bilaabantay furid kulanka fureen madax ka socotay munadamada soo qabanqaabisay tartankan.

 

kadib waxa la yeedhiyay magacyada 11 arday oo ka qayb galy tartanka, iyadoo la sheegay inay 11 kooduba si sax ah uga jawaabeen su'aalaha la weydiiyay ee lagu tartamayay, afar ka mid ah ardaydani waxay ahaayeen arday somali ah oo wax ka barata sudan, laba afarta kamid ahi waxay ka soo jeedeen somaliland.

 

11 kan arday oo lagu kala saaray bakhtiyaa-nasiib loo tuuray, waxaana kaalinta koowaad ku guulaystay Cabdalla Sacad Aw-Muuse oo u dhashay somaliland dhigtana jaamacada International University of Africa, kuliyada science-ka qaybta Geology. waxaanu ku guulaystay qadar lacag ah oodhan kun dollar.

 

halka kaalinta labaad uu ku guulaystay Maxamed Xanafi oo u dhashay Sirilanka, kaalinta sadexaad na uu ku guulaystay Tchani ching oo u dhashay Senegal, kaalinta afraad waxa ku guulaystay Maxamed Cumar oo u shasahy koonurta soomaliya, halka kaalinta shanaad uu ku guulaystay Barkhad Yusuf Cali oo u dhashay Somaliland.

 

dhamaan ardayda reer Somaliland ee ku dhaqan Khartoum waxay hambalyo u dirayaan ardayda reer Somaliland ee ku gulaysatay tartankan.

 

 

maxamed cabdi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...waa yaab mana yara...........................the title says Somali and your topic title says Somaliland...make up your mind please...is he really registered as a student from Somaliland?

 

Besides I am happy about the brother's success but I dont like in siyaasad loo buunbuuniyo qof Ilaahay dedaal la maagay horumarna gaarey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this