Kamaavi Posted January 9, 2010 Murran weyn iyo qalalaase siyaasadeed ayaa hareeyey baarlamaanka DKMG ah iyadoo la’isku heysto xil ka qaadista afayeenka Sheekh Aadan Madoobe Murankani oo dad badani arkaan in waxa la’isku heysto ay yihiin “sagaaro biyeey cabtaa iyo ma cabto” ayaa waxa uu ka aloosan qodob ka mid ah xeer hoosaadka baarlamaanka oo cid kasta sida ay doonto u fasiran karto. Xildhibaano aad u badan ayaa ku baaqaya xil ka qaadis lagu sameeyo gudoomiyaha iyagoo ku eedeeyey xil gudasho la’aan, waxayna cuskanayaan qodob axdigooda ka mid ah, xildhibaano kale ayaa iyagu si weyn uga soo horjeeda arrinkaasi. Murankani oo hadda soo ifbaxay ayaa lagu soo waramayaa in uu ragaadiyey howlihii golahani aanan sharciyada heysan , isla markaasina aanan heysan kalsoonida shacabka. Wararka la helayo ayaa sheegaya in dhowr jeeroo dhawaan uu qabsoomi waayay kullanka baarlamaanka ay ugu wacneyd murankani, iyadoo xildhibaano badan ay iska diideen in ay soo xaadiraan haddii Aadan Madoobe aanan meesha laga dirin. Dhanka kale xildhibaanada DKMG ah waxaa heysata mushaar la’aan muddo billo ah, waxaana usii dheer amaan darro, iyadoo kala bar ay dalka dibada uga maqanyihiin. Sh. Aadan Madoobe oo ka haray dowladii Cabdullaahi Yuusuf ee kursiga laga hoos bixiyey ayay haatan u muuqataa in gumucu uu haatan isagii ku fooraro, dhawaan waxaa shaki weyn dhaliyey ku xigeenadiisa oo si joogto ah saxaafada hadalo u siinayay, mid ka mid ah dad aan arrimahan wax ka weeydiiney ayaa qaba in ugu yaraan midkood gudoomiye ku xigeenada uu kasoo horjeedo Aadan madoobe, doonayana in xil ka qaadis lagu sameeyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 9, 2010 wa arin anu aad u so dhaweyneyno Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted January 10, 2010 Sidaan maqlay this is not muran weyn but this Baydhabaawi guy(another xildhibaan from the same postcode as Adam Madobe) who iska dhaadhiciyey inuu jagada Aadan Madoobe la wareego ugu yaraan markii wakhtigiisu dhammaado. Then Sheekadii mooshin baan wadaa ee xilligii A/Y ayuu soo celinayaa. Soomaalidu waa inay ka gudubtaa kursigaan annagaa leh hebelna anigaa kaga habboon oo ka kacsanaya illeen ciddaa qayb u heshaye. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted January 10, 2010 ^Waa niman mushaar la’aan ah, amaan darro u dheertahay, kala barna dalka dibada uga maqan. Meeja waxay ku hayaan ayaa iska yar. Originally posted by Xaji_Xunjuf: wa arin anu aad u so dhaweyneyno Sabab yaa x.xunjuf? Quote Share this post Link to post Share on other sites