Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Waayaha Cusub band peace tour in Puntland.

Recommended Posts

Maahan Markii ugu horaysay ee arimo amaan xumo ay ka Dhacaan Gobolka mudug qaybihiisa kala duwan, Taas Oo ay xaliyaan Masuulyiin iyo Wax garad iyo nabadoono, hasse ahaatee Waa markii ugu horaysay Oo ay ka qayb Galaan arimo nabadayn ah Fanaaniin Gaar haan Faniinta Waayaha Cusub, Waana markii ugu horaysay ay Soo Gaaran Puntland dhalintaani Waxayna Faniintaani hadda ka Wadaan Gobolka mudug arimo nabadyn iyo Baraarujin lagu xoojinayo Nabada laguna dhira galinyo Bulshada ineey ku mintidaan Nabadgalyada Gayigooda, waxeeyna socdaal dheer kusoo mari doonana Guud ahaan Deekanka Puntland.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Good, during the Puntland Election the finest and best singers of Repulic of Djibouti with Abwaan Sangub did something similiar.

 

I welcome this trip by the Waayaha Cusub band, which I know are huge with the dhalinta of not only Puntland and rest of Somalia but huge urban dwellings in East Africa such as Kenya and Ethiopian, the youth living there.

 

We need more of such initiatives.

 

Kudos, Duke.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhalinta Waayaha cusub Oo Maanta Xaruunta PDRC loogu qabtay xaflad balaadhan >>>>>

 

abdirahmaan Mohamed koronto allidamaale.com-(xaf iiska-Somalia-Garoow e) Talaado 21 Jul 2009

 

Garoowe-(Allidamaale ):-xaruunta PDRC ee Garoowe ayaa Maanta Waxaa ka dhacday xaflad balaadhan Taas laga hadlayey Nabada iyo Muhiimada ay leedahay Waxaa ka soo qayb Galay Masuulyiin Wax Garad aqoon yahaniin abwaano dhalin yaro iyo Guud ahaan bulshada Noocyadeeda kala duwan Xaflada ayaa ah mid ay soo qaban qabiyeen idaacada daljir iyo Fanaaniinta Waayaha cusub.

howlka Wayn ee PDRC ee Garoowe ayaa Waxaa ku sugnaa Masuulyiin ay ka mid yihiin ahayeen Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo Masuulyiin kale Oo aad fara badan ku Wasoo ka kala socday Golayaasha kala duwan ee Dowlada Puntland Sidda Golaha barlamaanka Golaha Wasiirada iyo nabadoonadda Putland.

 

Ugu horayntii ayaa Halkaasi Waxaa hadla ka soo jeediyey Gudoomiyaha Fanaaniinta Waayaha cusub Shiine Waxaana uu halkaasi ku sheegay hadalo u ku dhiiri gelinayey in ay Dadku Nabada ku Sii adkaadaan kuna Dadlaan horumarinta Teeda Waxaana uu mahad Caliyey Masuliyinta iyo Shacab Waynaha Reer Puntland ee Uu sheegay in ay yihiin Dad aad u jecel Nabada iyo horumarinta Waxaana Shiine ugu baaqay Dadweynaha Somaliyeed ee Wadanka intiisa kale ku nool in ay ku daydadaan Walalahooda Reer Puntland.

 

Waxaa kaloo halkaasi hadal kooban ka soo jeediyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire "ugu horayntii Waxaan halkaan ugu hanbalyey nayaa Dadka reer Puntland nabadoona Masuulyiinta Wax garadka iyo aqoonyahiinta dhalin yarada hooyinka iyo saxaafada iyo Fanaaninta Waayaha cusub ee Maanta nala jooga Puntland Waana noo farxad maanta in ay nala jooga Walahayo Waayaha cusub Oo ah dhlain yaro nabada ka shaqaysa Oo Fanaaniin ah" Siddas Waxaa yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna Sii hayaha xilka Madaxweynaha Puntland Gen. Cabdi Samad Cali shire.

 

M/ku xigeeka ayaa sheegay sidoo kale dadka reer Puntland ugu baaqay in ay sidaas ku sii wadaan Sinada dadalaan horumarinta nabaada iyo ka shaqaynta Wac gelinta dadka somaliyeed ee dhibaatada haysata.

 

lama soo koobi karo Dadkii halkaasi ka hadlay Waxana khudbado kasoo jeediyey Masuulyiin fara badan Tan kale Waxa halkaasi Wacdaro ka dhigay Fanaaninta Waayaha cusub Waxayna halkaasi ku soo bandhigeen heeso aad u fara badan Oo ka qosliyey Dadkii halkaasi ku Noola majaajilooyina ku Soo bandhigay Waxayna heesaha aad ka dheehan kartay qiimaha Nabada ay leedahay Oo ay Fanaanitaasi halkaasi ku Soo bandhigeen Sidoo kale idaacada daljir Oo idaacada barnamijkaan Wadda xiriirka Waayaha cusubna keentay Puntland ayaa iyana aya halkaasi ka dhex muuqatay Masuulyin fara badan Oo ka Tirsan.

 

Mahaan Markii ugu horaysay Oo xaflad noocaan Oo kale ah Oo ay So qaban qabiyeen Waayaha cusub iyo daljir ay ka dhacdo Puntland Waxaan Mid Tan mid ah Maalmihii aynu Soo dhaafnay ka Dhacday Galkacayo ee xaruunta Gobolka Mudug Halaasi Oo ay ku Soo bandhigeen heeso macaan Oo nabada khuseeya Run ahaaniina Wax ka bedeli kara Nabada Wadanka somaliya Waayah Cusub ayaa Sii Wadaya Nabadayntaan Waxayna sii mari doonan bosasso ee xaruutna Gobolka bari halkaasi Oo ay idaacada daljir barnaamijkaasi la Sii Waddi doono Fanaaniinta ayaa ugu Dambaynta halkaasi ka Duuli doono dibna ugu laaban doona xaruuntoodi ay markii hore ka yimadeen ee nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this