Jacaylbaro Posted June 9, 2009 Hay’adda Bisha Cas ee Gobolka Sool ayaa maanta waxa ay qalab u qaybisay dadka danyarta ah ee magaalada Lascaanood kuwaas oo ay u qaybisay qalab kala duwan oo ah kuwa ay dadku isticmaalaan ahna daruuri aan laga maarmin hoos yaalana guryaha. Qalabkan ayaa waxa uu isgu jiraa Bustayaal,weel,qalab ka wax lagu karsado (Burjiko), qadiifado,maro kaneeco,jirkaamo iyo qalab aad u fara badan oo aan halkan lagu soo koobi karin kaas oo loo qaybiyay halkii qaysba inuu qaato qalabkaasi dadkaasi oo aha dad danyar ah oo ku noolaa magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Ka hor inta aysan bilaabmin qaybinta qalabkan ayaa waxaa halkaasi xaflada furitaanka qalab qaybinta dadka danyarta ah waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Laascaanood Canbaashe Aw Daahir isagoo halkaasi si wayn ugaga mahad celiyay hay’ada Bisha Cas ee Gobolka Sool iyo hay’adda DRC oo qalabkan Bisha Cask u wareejisay. Sidoo kale Gudoomiyaha Komishinka qaranka ee Xuquuqul Insaanka Axmed Yuusuf Xuseen ayaa waxa uu halkaasi kasoo jeediyay hadalo kooban isagoo sheegay in alaabtan loo qaybinayo oo kali ah dadka danyarta ah ee kunool magaalada Laascaanood kuwaas oo u baahan qalab ay isticmaalaan oo aysan awoodin inay soo iibsadaan. Madaxa hay’adda Bisha Cas ee Gobolka Sool Daakir Maxamed Warsame ayaa waxa uu xusay in alaabtan ay qaybinayso hay’adda Bisha Cas maanta ay tahay mid loogu talo galay dadka danyarta ah in la gaadhsiiyo sidoo kalena lasiinayo dadkii ay horay hay’adda Bisha Cas ay u diiwaan gelisay kuwaas oo goobtan la taagan yahay ku qaadan doona kadhka ay qalabka ku qaadan doonaan. Isku soo wada duuboo dugsigii hoose dhexe ee Boodhanka ee magaalada Lascaanood ayaa saaka waxaa isugu yimi dadwayne aad u fara badan kuwaas oo ahaa dadkii danyarta ahaa ee magaalada ayna hay’adda Bisha Cas u qaybinaysay qalab kala duwan oo ah kuwo ay dadku isticmaalaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 9, 2009 Bisha cas is doing a good job in gobolka sool.... Quote Share this post Link to post Share on other sites