Emperor Posted February 1, 2009 Dareenka shacabka Puntland & guusha Sh. Shariif >Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 31-Janaayo-09 Xalay dadweynaha ku nool magaalooyinka waaweyn ee Puntland waxay u aheyd habeen farxadeed, goobaha lagu shaaho iyo makhaayadaha waaweyn ayaa waxay si toos ah ugu daawanayeen coddeynta doorashada Madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya, waxayna dadka intiisa badan ay carabka ku hayeen in uu guuleysan doono Sheekh Shariif Sh. Axmed, hase ahaatee markii wareega labaad ay isku soo hareen Maslax Maxamed Siyaad iyo Sheekh Shariif ayaa in badan ay shaki geliyeen guushii ay markii hore maskaxda ku hayeen, walow markii danbe ay rumowday guushii ay horay u saadaaliyeen. Magaalada Boosaaso oo caadiyan habeenkii markii la gaaro 10:00 fiidnimo qof walba gurigiisa uu tago, ayaa xalay ka duwaneyd, waxaana jirta in xiliyada habeen ciidamo roondo ah iyo k uwa wadooyinka gaadiidka ku joojiya lana hubiyo ujeedada socdaalkooda iyo baaritaan lagu sameeyo ayaan xalay aysan dadka ka baqin roondada ciidamada sameynayey, waxayna dhoobnaayeen goobaha lagu shaaho ee laga daawado Telefishinada afka Soomaaliga ku baxo, waxayna xalay dadkaasi si toos ula socdeen TV-ga RTD ee dalka Jibouti oo si toos ah looga soo tabinayey doorashada ka dhaceysay guriga Umada dalka Jiboui. Sawaxanka iyo buuqa dadkaasi ayaa xaafadaha laga maqlayey, waxayna mar walba ay ku dhawaaqayeen erayo farxadeed marka lagu dhawaaqo codka Shariif Sh. Axmed, halka ay ku xigeen Nuur Cadde iyo Maslax ay yaraayeen tirada dadka taageerayey. Dadka aan u suuragelin in ay soo fariistaan goobaha bananaan ee wadooyinka ku yaal ayaa waxay kala socdeen Idaacaddaha Maxaliga ah ee ka howlgala Boosaaso iyo Garoowe, waxayna dadkaasi ay aad ula dhacsanaayeen qaabka ay u socotay doorashada iyo nidaamka loo soo abaabulay. Saakay qof walba waxaa uu midka kale ugu hambalyeynayey guusha Sheekh Shariif Sh. Axmed oo ay u arkaan in dhibaatada ka jirta Koonfurta Soomaaliya in uu xal u heli karo, inkastoo dadka qaarkiis ay kuu sheegayaan in inta badan kooxaha dagaalka ku jira qaarkood uu Shariifka gacanta ku dhigi karo marka laga reebo Ururka mayalka adag ee Al-Shabaab oo aan waxba qaadaneyn. Arinta taagan ayaa ah maadaama shacabka ay muujiyeen taageero aan hagar laheyn, qaabka uu Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ula macaamili karo Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, oo ka soo horjeedo qaabka uu u qeybiyay xubnaha Isbaheysiga tirada ku soo aaday Puntland, taasoo uu dhaliilay Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole. Marka laga hadlayo Jabhadaha hubeysan ee ka dagaalama Koonfurta dalka Soomaaliya xaqiiqda waa ururo ka farcamay Midowgii Maxkamadihii ee uu hoggaamin jiray Sheekh Shariif, laakiin haatan awooda ay leeyihiin aan la dhayalsan karin, laakiin waxaa hubaal ah in Madaxweynaha uu qaar ka mid ah ururadaasi meel isugu keeni karo. Cali Muxiyaddiin Cali muxiyaddiin@hotmail.com Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted February 1, 2009 Mag. Boosaaso oo laga soo dhaweeyay Sh. Shariif >Bosaso, Somaliya (Calanka.com) 31-Janaayo-09 Magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland ayaa laga soo dhaweeyay doorashada xalay loo doortay madaxweynaha Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed kaasoo mudo laba sanadood ah hogaamin doona dowladda midnimada qaran. Shacabka reer Boosaaso oo badankood xalay si toos ah ula socday doorashada islamarkaana ku dhafray ayaa dareemo kala duwan ka muujiyay doorashada Shariif Sh. Axmed ee xilka m/weyne iyagoo inta badan soo dhaweeynayay. Mid ka mid ah dhalinyaradii xalay ku dhafray daawashada doorashada ayaa sabakadda Calanka.com u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay shakhsiga la dooraty oo uu ku sheegay min u qalma waqti xaadirkan. "Waxaan u arkaan Sheekh Shariif nin umaddan samatabixin kara, sababtoo ah waa nin kalsooni ka haysta Somalida inteeda badan oo da`yar ah, waxaana ilaahay uga baryayaa in uu ku garab galo", ayuu yiri wiilkan da`da yar oo magaciisa kusoo koobay Liibaan. Dhanka kale ma jiraan ilaa iyo iminka waxa dibadbaxyo ah oo laga dhigay deegaanada Puntland oo ku aadan doorashada Sheekh Shariif marka laga reebo in ey dadka si qalbiyan ah ey u taageersan yihiin. Wax war ah oo wali kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan doorashada madaxweynaha cusub ee Somaliya ma jiraan. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda Quote Share this post Link to post Share on other sites