Kamalu Diin Posted December 10, 2006 Maamulka Islaamiga ah ee Gobolada Jubbooyinka oo shaaca ka qaaday in ay diyaariyeen Mutadawiciin diyaar u ah ka qeyb qaadashada Jihaadka. Kismaayo, 10-December-06 ( Qaadisiya.com) Maamulka islaamiga ee gobollada Jubooyinka waaxda u qaabilsan diyaarinta mutadawiciinta ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaarisay 900 oo ka mid ah dhalinyaro dooneysa in ay ka qeyb qaataan jihaadka lagu difaacayo diinta,dadka iyo dalka kadib markii cadawga Tikreega uu ku soo duulay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya. Golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ayaa bishii october si rasmi ah ugu dhawaaqay jihaad ka dhan ah ciidamada Tikreega,waxaana mudadaasi kadib la bilaabay olole lagu uruurinayo mutadawiciinta diyaarka u ah difaacida diintooda,dadkooda iyo dalkooda kadib markii nidaamka Tikreega uu duulaan toos ah ku soo qaaday dalka Soomaaliya isagoo doonaya gumeysi cusub in uu ku soo rogo dalka. Sheekh Xasan Yacquub oo u qaabilsan maamulka islaamiga ee gobollada Jubooyinka tawabarka ciidamada ayaa saxaafada u sheegay in gobollada Jubbooyinka ay iska diiwaan geliyeen 900 oo ruux oo dooneysa in ay si mutadawacnimo ah uga qeyb qaataan jihaadka lala galayo ciidamada dalka ku soo duulay ee gumeysi doonka ah. Sheekh Xasan ayaa intaa ku daray in dhalinyaradaasi loo furay tawabaro si ay ugu bar bar dagaalamaan mujaahidiinta maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ee darsiga lama ilaabanka ah u dhigaya ciidamada Tikreega,tusiyana tabartooda waxa ay tahay kadib markii ay isku arkeen dagaalkii doraad ka dhacay deegaanka Safar Nooleys ee duleedka degmada Diinsoor. Olalaha lagu uruurinayo mutadawiciinta naftooda iyo maalkooda ku iibsanaya Janno ayaa si hab sami leh uga socda gobollada dalka Soomaaliya,ayadoo si qarsoodi ah iyo si aan qarsoodi ahaynba uga socota dhammaan 18-ka gobol ee uu ka kooban yahay dalka Soomaaliya maadaama jihaadka uu yahay mid waajib ku ah qof kasto oo muslim ah oo ku dhaqan dalka Soomaaliya oo uu ku soo duulay nidaamka Tikreega. Quote Share this post Link to post Share on other sites