Sign in to follow this  
Jacpher

Riyaale oo xilka loo kordhiyay

Recommended Posts

Jacpher   

Riyaale oo xilka loo kordhiyay

10 Apr 10, 2008 - 8:43:58 AM

 

Fadhi maanta isugu yimaadeen golaha guurtida ee Somaliland, ayaa lagu go'aamiyay in xilalka loo kordhiyo Madaxweynaha Somaliland Dahir Riyaale Kaahin iyo ku-xigenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin.

 

Kulankii maanta dhacay oo ay ka qayb galeen 65-mudane oo ka mid ah 82 uu ka kooban yahay golaha guurtida ee Somaliland, ayaa lagu qaaday cod iyadoo 61-mudane ay isku raaceen in xilka loo kordhiyo Riyaale iyo ku xigeenkiisa, halka ay diideen 2-xildhibaan, 1-xildhibaanna uu iska aamusay, Guddomiyuhuna maba uusan codeyn.

 

Madaxweyne Riyaale iyo ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa xilkii loo soo doortay ee 5-ta sanadood ah wuxuu ugu egyahay bartamaha bisha soo socota ee May, iyadoo xilka loogu kordhiyay muddo hal sano ah.

 

Arrintaan ayaa waxaa dorraad kasoo saaray digniin madaxda xisbiyada mucaaradka ee Somaliland, iyagoo sheegay inaysan aqbali doonin xil kordhin loo sameeyo Riyaale iyo maamulkiisa, haddii ay dhacdana ay sababi karto xasillooni-darro aan si fudud loo dhameyn karin.

 

Fadhiga maanta oo uu shir-gudoominayay ku simaha guddoomiyaha golaha guurtida ee Somaliland Sheekh Axmed Sheekh Nuur Hurre ayaa waxay sidoo kale ansixiyeen in golayaasha deegaanka ee Degmooyinka Somaliland ay sii hayaan xilalkooda oo kaga ekaa bisha June ee sannadkaan, inta laga gaarayo 6-da October oo ay guurtidu u qorsheeyeen inay dhacdo doorashooyinka golayaasha deegaanka SL.

 

Xarunta uu shirku ka dhacay oo aad loo adkeeyay amaankeeda, kaddib markiii qarax weyn u shalay ka dhacay qol ka mid ah; ayaa waxay xubnaha shiray sheegeen inay xil kordhintaan u cuskadeen sharciga Somaliland u yaalla oo dhigaya in doorshooyinku ay kala dambeeyaan 6-bilood, maadaama golaha deegaanku ay dhacayaan October sannadkaan.

 

Qoraal ay wadajir u soo saareen xibiyada mucaaradka ah ee KULMIYE iyo UCID una gudbiyeen guddiga guurtida SL ayaa waxay sheegeen in doorashooyinka soo horreeya ee dhacaya 6-da October laga dhigo tan Madaxtooyada, dibna loo dhigo tan golayasha deegaanka.

 

Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa waxay sidoo kale sheegeen in marka la gaaro 6-da May ee sannadkaan la dhiso Dowlad wadaag ah oo ay si wadajir ah u wada maamulaan iyaga iyo xisbiga talada haya, haddii kale aysan aqoonsan doonin xil kordhinta maanta la sameeyay.

 

Garowe Online,Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Didn't Siilaanyo, the leader of the opposition political party Kulmiye, warn that he would boycott the extension of Riyaale's term?

 

Was the convention party fruitless?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Lol, the Alkeydha Kaar is working oout, it has been the political card of Riyoole so why not try it...

 

Riyaale is really enjoying the milking of the cow until the last drop, the taste is too sweet for the former Spy commander... He won't let it out that easy...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this