Sign in to follow this  
Liqaye

BAAFIN SIYAASDADEED: Halkee ku Dambeeyeen Xuseen Ceydiid iyo Siyaasiyiintii Asmara ?

Recommended Posts

Liqaye   

69500a3e7693881cb40a2b3e0eeff059.jpg

 

SANAAGPOST - Inj. Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid, wuxuu mar ahaa hogaamiyaha siyaasadeed ee ugu weyn Koofurta Soomaaliya kadib dhimashadii geerida aabihii, wuxuuna la wareegay degaan balaaran, hanti iyo ciidan markaasi awood badan lahaa.

 

Wuxuu mar kale ahaa hoggaamiyaha ugu da’a yare ee qabqableyaashii dagaalka, isagoo shirkii Carte ee madaxweynaha loogu soo doortay arrimaha uu uga baaqday ay ugu weyneyd isagoo markaa aan 40 sano gaarin una tartami karin jagada madaxweynaha.

 

Mar kale waxaa Xuseen Ceydiid lagu sifeyn karaa siyaasi aan deganeyn laakiin waxaa la xusuustaa intii uu socday shirkii Kenya inuu ka dhawaajiyay halista islaamiyiinta Soomaaliya ka soo socota.

 

Ina Ceydiid waxaa la yaab lahayd inuu ka hor yimid musharaxnimadii adeerkii C/llaahi Axmed Caddow kuna tilmaamay nin ka haray xukuumadii Siyaad Barre oo xitaa haddii uu doorashada ku soo baxo aanu ogolaan doonin inuu fariisto madaxtooyada Villa Somalia oo marka taageerayaashiisu gacanta ku hayeen halka uu C/llaahi Yuusuf ku tilmaamay halgame loo furayo madaxtooyada.

 

Waa nin aan inta badan mowqif cad laga qorin ee warkiisu u dhaxeyo run iyo been, waana halkii uu C/llaahi Yuusuf ka yiri: waa nin aan caadi ahayn, markii uu shaaca ka qaaday in Itoobiya iyo Soomaaliya la isku darayo hal baasaboorna ay yeelanayaan xilligaan oo ra’iisal wasaare xigeen iyo wasiirka gudaha uu ka ahaa xukuumadii Cali Geedi.

 

Mar kale ayuu Xuseen Ceydiid is bedelay wuxuuna qabtay Ereteria isagoo ku biiray baarlamaankii xorta ahaa waxna ka dhisay Isbaheysigii dib u xoreynta ee Asmara, laakiin waxaa la yaab lahayd inuu Xuseen Ceydiid ku garab noqday Sheekh Xasan Daahir oo aanay isku qaab iyo wado ahayn.

 

Kala jabkii Isbaheysiga wuxuu Xuseen Ceydiid dadka kaga yaabiyay isagoo Sheekh Shariif ku tilmaamay nin ku kacay qiyaamo qaran, waxaana intaas u raacday doorashadii Shariifka kadib inuu gaabsaday isaga iyo raggii kale ee ku mowqifka ahaa sida;

 

1. Sakariye Xaaji Maxamuud

 

2. Gen. Jaamac Maxamed Qaalib

 

3. Jaamac Cali Jaamac

 

4. iyo Shariif Saalax Maxamed

 

Xubnahan waxay ka hareen nidaamkii ay garanayeen ee cilmaaniga ahaa sababo aaan si cad loo garaneyn balse duruufo ku xeeran yihiin, waxayna daba safteen Sheekh Xasan Daahir oo isna halkoodii uga dhaqaajiyay una wareegay hogaaminta Xisbigii saaxiibadii u aasaaseen ee Xisbul Islaam.

 

Xuseen Ceydiid iyo xubnahan kale waxay awoodi waayeen inay sii wadaan howshii uu Xasan Daahir uga baxay ee Isbaheysiga Asmara haba ugu wacnaato dowladda Ereteriya oon dooneyn, wayna ku dhici waayeen inay Xisbul Islaam la galaan Sheekhii ay taageereen ileyn kooxaha diiniga ah sal kuma lahayne, horena waxay uga hareen saaxiibadoodii kale ee Shariifka raacay, sidaas ayay duufaan siyaasdeed ku qaaday oo muuqood daaye maqalkood loo waayay.

 

Haddii aad akhristayaalow wax inagu dhaantaan Xuseen Ceydiid iyo raggan aanu baafineyno meel ku sheega.

 

Sanaagpost News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this