Sign in to follow this  
Jacaylbaro

QARAN Politicians Charged

Recommended Posts

Masuuliyiintii Urur Siyaasadeedka Qaran Oo lagu Xukumay Xadhig iyo in aanay ka Qeyb-gelin Masraxyada Siyaasada Dalka

 

 

Hargeysa (Qaran)- Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa maanta min Sadex Sanadood Iyo Sagaal bilood oo Xadhig ah ku xukuntay Masuuliyiinta Urur Siyaasadeedka Qaran isla markaana go’aamisay in aanay ka qeyb-geli Karin doorashooyinka Iyo Masraxyada Siyaasada Somaliland muddo shan sano ah.

 

Maxkamada Gobolka Hargeysa,ayaa dacwada masuuliyiinta Urur siyaasadeedka sharciyadiisa lagu muransan yahay ee Qaran ku qaaday dugsiga Tababarka Ciidamada Booliska ee Mandheera,oo ku yaala duleedka Jeelka ay labaataneeyo Maalmood ay ku jiraan Gudoomiyihii Ururkaas Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo labadiisii ku Xigeen Maxamed Xaashi Cilmi Iyo Jamaal Caydiid Ibraahim.

 

Fadhigii maanta ee maxkamada gobolku ay ku dhegaysanaysay dacwada Siyaasiyiintaas,waxa maalintii labaad ka maqnaa qareenadoodii,waxana Gudoomiyaha ururka Qaran Maxamed Cabdi Gaboose uu dhawr jeer ku dhawaaqayay erayo uu ku daadifaynayo Maxkamada oo uu sheegay in aanay awood u lahayn inay ka garnaqdo Dacwado dastuuri ah.

 

Fadhgii Maxkamada oo furantay 8:45, subaxnimo waxa ay socotay ilaa 12:20,waxa maxkamada dhegaysatay Xeer ilaaliyaha Gobolka Yuusuf Cabdi Kaahin oo fadhigan ku soo bandhigay wax uu ku tilmaamay marag-furada dacwada uu siyaasiyiintaas ku soo oogay.

 

Xeer ilaalinta Gobolku waxa uu soo bandhigay cajalado muuqaal ah oo ku saabsan Xafiiskii Ururka Qaran ka furtay Degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa Bishii July,oo uu ku dooday in ay sameeyeen dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo aan sharci ahayn.

 

Sidoo kale waxa uu cajaladahaasi ay xambaarsanaayeen shirar Jaraa’id oo ay qabteen Gudoomiyaha Ururka Qaran Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo Gudoomiye ku xigeenkiisa Kowaad Maxamed Xaashi Cilmi oo naqdiyaya Hogaaminta Madaxweyne Rayaale.

 

Garsoore Siciid Yuusuf Cabdi,ayaa ku dhawaaqay in Sadexdaas Siyaasi lagu xukumay midkiiba sadex sanadood iyo Sagaal Bilood oo xadhig ah iyo in aanay ka qeyb-geli Karin doorashooyinka iyo masraxyada siyaasada shanta sanadood ee fooda inagu soo haya.

 

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa xukunkaas ku tilmaamay mid cadaalad daro ah oo ay ka dambayaan wajiyo Siyaasi ahi,waxa kale oo uu sheegay in xukunkani yahay mid lagu raaligelinayo Madaxweynaha Somaliland.

 

Siyaasiyiintan mucaaridka ah ayaa xabsiga loo taxaabay 28-kii Bishii July ee la soo dhaafay ka dib markii Maxkamada gobolku ay xalaalaysay xadhigooda,waxana Xukunkani dhacay iyadoo Qareenadoodii qaadaceen ka qeyb-galka dacwada oo ay ku doodeen in aanay Maxkamada Gobolku awood u lahayn xukunaasi, hase ahaatee waxa ay saxaafda u sheegeen in ay xaaladooda caafimaad ay wanaagsantahay isla markaasna ay ciidamda boolisku ula dhaqmaan si naxriis leh oo wanaagsan taasi oo ay sheegeen dhamaantood in ay ku amaanayaan dhamaan ilaalada xabsiga oo ay sheegeen in ay yihiin dad aqoon u leh shaqdooda, hase ahaatee uu xukunkani yahay mid xaq daro ah oo aan sharciga waafaqsanyn, Dr Gaboose ayaa sheegay in xunkunkani yahay uun mid lagaga reebaayo in ay ka qayb galaan loolanka doorashooyinka, taasi oo uu sheegay in ay hore u sii ogaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2007-08-19 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa maanta ku riday Xukun Xadhig ah, Hogaamiyaashii Urur Siyaasadeedka Qaranka,oo in muddo ahba ku xidhan Xabsiga Mandheera.

 

Dacwadan ka dhanka ah Madaxda Ururkaasi ee kala ah Gudoomiyihii Ururka Qaran Dr. Maxamed Cabdi Gaboose,iyo labadiisii Ku-xigeen Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid oo ka dhacday Dugsiga Tababarka Mandheera, markii dhageysigeedi socday muddo Afar Sacadooda ah.

 

Ayuu Xaakimkii Maxkamada Gobolka Hargeysa Md.Siciid Yuusuf Cabdi ku dhawaaqay in Madaxdu ku xukuntay hogaamiyayaasha Ururkaasi midkiiba Sadex Sanadood iyo Sagaal bilood oo xadhiga, isla markaana sadexdoodaba la xayiray muddo 5 Sanadood ah inay ka qeyb-galaan Doorashooyin Somaliland ah.

 

Jewigii Maxkamadda ee dacwada ka dhanka ah hogaanka sare ee ururka qaran ayaa ku dhamatay mid degen,isla markaana kamay soo qeyb-gelin dhageysiga dacwada dad aad u tiro badan,dhagaysiga dacwada oo ahayd wareegi labaad,waxaa sidoo kale aan ka soo Xaadirin Qareenadii difaacayey Masuuliyiintaasi.iyo Qoysaskoodi.

 

Doodii Kululeyd ee Dhex martay Dr. Gaboose iyo Xeer-ilaaliyaha Qaranka.

 

Markii ay Soo galeen hoolka ay dacwadu ka dhacaysay Sadexdii Hogaan ee Urur Siyaasadeedka Qaran ayaa waxay dib uga noqdeen goobtii loo qoondeeyey inay dacwadu ka dhacdo Xaakimka dacwadani qaadayey ayaa ka dalbaday inay bileysku dib u soo celiyaan,kadibna dood Xamaasadaysan oo Kuluul ayaa ku dhex martay Gudoomiyaha Ururkaasi Dr. Gaboose oo isdifaacayey iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka.

 

Dr. Gaboose waxa uu ku doodayey in uu Ururkoodu yahay Sharci, isla markaana aanay Xisbi ahayn, Dastuurka iyo Xeerarka dalkuna ay u banaynayaan, Kulamadii ay qabteena aanay ahayn olole Siyaasadeed ee ay ahaayeen is-abaabul unug Siyaasadeed si marka ay is-diwaangeliyaan ay uga qeybgalaan doorashooyinka.

 

Eedayntii: Xeer-Ilaaliyaha waxa uu ku doodayey isla markaana uu ku eedeyey Masuuliyiintaasi inay kulamo Sharci-daro ah iyo Urur Sharci-daro ahba ay sameysteen,oo khal-khal iyo fowdo ay geliyeen Magaalada, “isla markaana Markii ay Wasaarada Arrimaha Guduhu idiinku digtay inaad joojisaan waad diideen oo idinka ayaa sharcigii gacantiina ku qaaday” ayuu Xeer-ilaaliyuhu ku tiraabay

 

Waxa kale oo ay isku difaaceen Masuuliyiintaasi inay Maxkamadani tahay mid Siyaasadeed oo looga danleeyahay in lagaga reebo Doorashooyinka soo socda ee Somaliland

 

Marka hadaba laga yimaado doodii dhex martay Xeer-ilaaliyaha iyo Dr: Gaboose aayaad moodaysay in masuuliyiita Ururka Qaran ay u muuqdeen qaar iyagu is difaacaya maadama ay ka maqnaayeen Qareenadi difaaci lahaa, dhanka kale shacbiga ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaanu ka muuqanin dareen kacsanaan ahi, lamana dareemayn hadal hayn badan iyo doodo ka socda goobaha la isugu yimaado oo si wayn loogu kala qaybsamo marka laga reebo dad ehelkooda ah iyo xubno taageersan siyaasada ururka qaran, waxa kaliya ee ay dadku su’aal ka keenen, markii ay maqleen warka xukunka Masuuliyiinta Qaran, mudada shanta sano ee laga xayiray doorashooyinka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this