Sign in to follow this  
Biixi

Eritrea iyo Al-Itaxaad oo dagaal ku bilaabi doona Soomaaliya

Recommended Posts

Biixi   

Dayuuradii labaad oo soo caga dhigatay garoonka dayuuradaha Muqdisho(Guux ka dhashay agabka ay siday)

Muqdisho

 

diyaaraddasaakaykasoodagtay.jpg

 

 

 

 

Waxaa saaka 7:45 daqiiqo ka soo degay gegida dayuuradaha ee magaalada Muqdisho oo 14-kii bishan ay ku soo degtay 11 sano kadib dayuuradii ugu horreysay ka-gadaal markii gacan ku haynta magaalada Muqdisho ay si buuxda ula wareegeen midowga maxaakiimta shareecada islaamka, waxaana dayuurada saaka ay soo caga dhigatay qeybta ciidamada cirka ee u dhow xeradii Afisyooni.

 

 

Ciidamada midowga maxkamadaha ayaa muddadii ay dayuuradaasi garoonka ku sugneyd xadiday dhaqdhaqaaqa dadka & baabuurta isticmaalayey waddooyinka ku yaala hareeraha garoonka, waxaana suxufiyiinta loo diiday in ay gudaha u galaan garoonka, iyadoo dadweyna fara badan ay tubnaayeen Ex. dugsigii sare ee 21 Oktoobar, waxaana la arkayey baabuur nooca xamuulka ah oo hoos kaga jiray qeybta dambe ee dayuurada, loona maleynayey in ay wax un ka dejinayeen, iyadoo ilaa hadda aanan si rasmi ah loo ogeyn agabka dayuuradaasi siday, waxeyse hadal heynta dadku tahay in laga dejinayey daawo.

 

--Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Biixi   

Waxa diyaarada saarnaa oo uu ...

 

 

Wasiirkuxigeenka Warfaafinta ee Dawlada KMG ah ee Soomaaliya salaad Cali jeele ayaa maanta Cadeeyey in dawlada Ereteriya ay saanad hub ah ka dejisay Magaalada Muqdisho horayna uga dejisay Garoomada Ciseley iyo balidoogle iyagoo siiyey maxkamadaha Muqdisho wuxuna intaasi raaciyey in hubkaasi ay ku jiraan Miinooyin iyo hubka meelaha fogfog wax ka dila.

 

 

'' horay ayey Diyuuradahani hub ugusoo dejiyeen Garoomada Ceseley iyo balidoogle hadana waxa soo kordhay saakay ayey Diyuuradani ka degtay garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho iyadoo wadatay calanka Dalka erateriya waxaana hubka lagu raray Baabuur waaweyn waxaana rasaas lagu furay dadweynihii usoo daawasho tegay diyaarada iyadoo maleyshiyadana uu watay Abuu mansuur''ayuuyiri Wasiirkuxigeenka warfaafinta.

 

 

Salaad Cali Jeele ayaa sidoo kale cambaareeyey falkaasi oo uu ku tilmaamay mid qatar gelinaya Amaanka Geeska afrika Gaar ahaana Soomaaliya isagoo ka dalbaday Beesha Caalamka gaar ahaana ururada qaramada Midoobey Midowga afrika, Igad ,jaamacada carabta, EU iyo wadamada Caalamka iney fiiro gaar ah ulahaadaan falalka ay dawlada eretariya kula kaceyso Soomaaliya iyo ku xadgudubka Cunaqabateyntii Soomaaliya ee Xaga Hubka.

 

 

Hadalka dawlada Federaalka kasoo yeeray ayaa ka danbeysay kadib markii ay Saakay Magaalada Muqdisho soo gaartay diyuurad

 

weyn oo la sheegay iney hub usido maxaaimta Muqdisho taasoo ay si toos ah Muuqaalkeda udaawanayeen dadweynaha Qaar iyo saxafiyiin inkastoo loo diiday iney Garoonka galaan.

 

 

Cabdilaahi Hilowle

 

 

Idamaale News,Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Ma waxaa maanta la isku jaa'ifeynayaa in cadowga shacabka soomaaliyeed ee dhulkeena ku sugan la iska qabto? Ilaahow dadkaan soo hanuuni aad moodid in ay waalan rabaan. War maxeey tahay waxa ku jaban hadii la iska dhiciyo Amxaaro iyo tigree raba iney maanta na gumeystaan oo diinteena burburiyaan?

 

Mideeda kale, hadii hub uu Islaamka u yimaado oo diinta lagu difaacayo maku farxeysaan mise waad ka naxeysaan? Ma waxaad la jirtaan caddowga Ilaahey ee raba inuu dadka u gumaado kaliyah inaan Muslim nahay? War maxaa caqliga idinkaga dhacay, ilaahey caqliga ha idiin toosiyee?

 

Cajiib, waxaa amxaarka iiga daran munaafaqa igu dhex jira oo cadowga iiga hiilinaya! Way oo way, ilaahow muslimiinta ha hoojin maanta!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this