Sign in to follow this  
Cowke

Bendar Ziyada: Puntland Officials Visit Bari And Sanaag Road. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Wado Isku Xirta degmooyin ka tirsan gobolada Bari iyo Sanaag oo Dhismo Lagu Wado(Sawiro)

 

May 30, 2010

 

Masuuliyin ka socota Dowladda Puntland,Isimo iyo maamulka degmada Bandar Siyaada ayaa maanta kormeer ku sameeyey wado iminka dhismo ku socda taas oo isku xiri doonta magaalada Bosaaso iyo degmooyin ka tirsan gobolada Bari iyo Sanaag.

 

Wefdi u hogaaminaayay Wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka Badda Puntland Siciid Maxamed Raage,Isimo ay ka mid ahaayeen Suldaan Bashiir Muuse iyo Suldaan Ciise Xassan iyo Gudoomiyaha degaanka Bandar Siyaada ayaa halkaas kormeer ku sameeyey,waxaana xariga ka jaray si rasmi ah Wasiirka dekaddaha Puntland.

 

Gudoomiyaha degmada Bandar Siyaada Rashiid Xabiib Jaamac oo wareysi siiyey Horseed Media ayaa sheegay in wadadaan ay tahay mid muhiim ah isla markaana dhowaan la dhamaystiri doono oo dhismo ay ku socoto,wuxuuna mahadcelin ujeediyey dhamaan dadkii gacan ka geystay.

 

Mudane Rashiid Xabiib ayaa hadalkiisa ku daray in maamulkiisa uu iminka dhismo ku wado xarumo muhiim ah oo ku yaalla degaanka Bandar Siyaada sida guriga degmada iyo Saldhiga Booliska,ayadoo ay sidoo kale ka marnayn adeegyada Bulshada.

 

Wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka Badda Puntland ayaa soo dhoweeyey talaabada ay ku dhaqaaqeen Jaaliyada Bandar Siyaada kuna tilmaamay mid loo baahanyahay isagoo sidoo kale mahadcelin u jeediyey Hay’adda Horn relief oo iyadu si weyn uga qayb qaadata dhismaha wadadaan.

 

Siciid Maxamed Raage ayaa xusay in Dowladda Puntland ay diyaar u tahay in ay arintaan ka qayb qaadato iyadoo uu ku dhiirageliyey shacabka Bandar Siyaada in ay halkaas kasii wadaan howshaan.

 

Wadadaan ayaa isku xirta magaalada Bosaaso iyo degmooyinka Bandar Siyaada,Ceelaayo iyo Laasqoray oo ka kala tirsan gobolada Bari iyo Sanaag.

 

Horseed Media

 

DSC02713.jpg

 

DSC02700.jpg

 

DSC02718.jpg

 

DSC02711.jpg

 

DSC02702.jpg

 

DSC02710.jpg

 

DSC02716.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Is that a river, lake or sea? Coz if that is a river then shouldn't they build instead?

 

Nevertheless great to see locals shaping their futures.

Share this post


Link to post
Share on other sites

this is good news jidkaan dhib badan baa lagu qabay jaanka qaw waxaan xasuustaa 2006 mar aan dib ugu soo noqonay boosaaso oo aan biyo dartiisa u mari waynay

hatu waa biyaha bada oo soo gala gudaha marna dib u noqda qorshuhu markii hore bridge buu ahaa laakiin qiimo badan iyo good enginers boo loo baaahday

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Ilka-Dahablee, haa qorshuhu bridge bay ahayd lakinse hada laami ayeyba halkas dhigeen waa yaab. Anytime their can be strong winds or strong rain it will flood out that road.

 

But your totally correct the job was supposed to be a bridge, I don't know maybe some financial/technical issues occurred and this is the best they could.

 

Ps: Here is what the original deal was when it was first proposed. http://www.somaliaonline.com/ubb/ultimatebb.php?/topic/9/22030

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

We shall never wait donor's promises or outside help. Local initiatives, money and labour is the way forward. In other words, iskaa wax u qabso empowers our people to be forward thinkers and independent.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this