Sign in to follow this  
General Duke

TFG support growing in Mogadishu..

Recommended Posts

Taageerada Dowladda Federaalka oo si xowli leh uga socota magaalada Muqdisho

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 23/01/07

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 300 xubnood oo isugu jiray Culumaa’udiin, Aqoonyahan, Saraakiil, Haween, Dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa socday muddo dhowr saacadood ah, waxaana looga hadlayay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsaneyd taageerida Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hadda gacanta ku heysa dalka oo dhan.

Kulankan oo ahaa kii ugu ballaarnaa ee lagu taageerayo Dowladda kana dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Ganacsade lagu magacaabo Xaaji Xuseen Cigaal, waxaana sidoo kale lagu soo dhoweynayay magacaabista Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Cadde.

Xubnaha ka qeyb galay kulankaasi oo hadal ka jeediyay halkaasi ayaa sheegay inay aad u soo dhoweynayaan Dowladda Federaalka KMG ah, iyagoo sheegay inay barber taagan yihiin isla markaana la shaqeynayaan Dowladda, hase yeeshee waxaa layaab leh in kulankaasi uu si weyn uga dhex muuqday Sheekha Muudey Gacal oo ka mid ah haraadigii Maxkamadaha una qaabilsanaa soo ururinta lacagta Jaaliyadaha Soomaalida ku nool dalalka Yurub, wuxuuna xilligaasi u ololeyn jiray inay Maxkamadaha ka dhigaan Guddoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho, iyadoo shaki badan uu ka jiro sida lagu aamini karo dardar cusub ee uu haatan la soo baxay kuna muujinayo inuu ku taageersan yahay Dowladda Federaalka.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Ganacsatada gobolka Banaadir iyo wasiirka ganacsiga dowladda federaalka oo kulan ay ku yeesheen Muqdisho ka soo saaray go'aano muhiim ah

kulankii%20ganacstada%20gobolka.JPG

wasiirka%20ganacsiga.JPG

Kulan maanta ka dhacay xarunta midowga ganacsatada gobolka Banaadir ee ku yaala xaafada Xamar Jadiid degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa isugu yimid xubnaha gudiga midowga ganacsatada gobolka Banaadir iyo wasiirka ganacsiga dowladda federaalka xildhibaan Prof. C/llaahi Axmed Afrax iyagoo ka wada arrinsaday arrimo ku saabsan ganacsiga gobolka iyo sidii loo dhisi lahaa rugtii ganacsiga Soomaaliya oo uu sheegay wasiirka ganacsigu in qaban qabaadeeda lagu jiro 3 bilood kadibna la filayo in lagu dhawaaqo.

Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xiran yihiin isla markaana soconayay 3 saacadood in ku dhow, iyadoo gabo gabadii kulankaasina afhayeen u hadlay midowga ganacsatada uu sheegay in shirkoodu uu ku soo gabo gaboobay is afgarad, wuxuuna dhinaca kale, tilmaamay in ay wada shaqeyn doonaan dowladda iyo ganacsatada gobolka.

Sidoo kale, wasiirka ganacsiga dowladda Prof. C/llaahi Axmed Afrax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta kulan kula qaato magalada caasimadda ah ee Soomaaliya ganacsatada gobolka wuxuuna xusay in kulankooda ay ka soo baxeen qodobo ay ka mid ahaayeen inay wada shaqeeyan ganacsatada iyo dowladda federaalka KMG Soomaaliya.

“Kulankeena waxaan uga hadalnay arrimo badan oo la xiriira xiriirka ganacsatada iyo dowladda sida loo wanaajin karo ayna iskula shaqeyn karaan, gaar ahaana waxaan magacownay gudi qaban qaabiya shirweyne kaasoo lagu dooaran doono Rugtii ganacsiga Soomaaliya, bisha 3-aad-na waxaa la geli doonaa dhismaha rugtaasi” ayuu yiri wasiirka oo intaasi ku daray in uu ku hanweynyahay in dib loo dhiso 16 sano kadib Rugtii ganacsiga Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, mar wax laga weydiiyay wasiirka ganacsiga qaabka ay ula macaamili doonaan ganacstada oo iyadu 16-kii sano ee la soo dhaafay xor u aheyd inay shacabka u keento wax kasta ha xumaadan ama ha samaadaane isla markana Sicirka maciishadaha kala duwan iyaga u goyn jiray dadka, ayaa sheegay in aysan jiri doonin cid la xukumay oo laga fara gelin doono Sicirka ay wax ku gataan, balse laga Koontorooli doono tayayada iyo caafimaadka dalabaadka ay keenayaan.

kulan lagu taagerayo magacaabista maayarka magaalda muqdisho isla markaana dowladda federaalka looga mahad celinayey oo lagu qabtay hoteel global.

Kulan aad u bllaran oo ay ka qeyb galeen siyaasiyiin, waxgarad, aoonyahanoo, ganacsato, saraakiil iyo haween oo dhammaan ku abtirsada beesha........ayaa ka dhacay hoteelka Global ee magalada muqdisho.

Kulankaan ballaaran ayaa ahaa mid uu qabanqaabadiisu lahaa ganacsadah weyn Xaaji Xuseen Cigaal ayaa waxaa ugu horeyn looga hadlay laba qodob oo ay ka mid ahaayeen taageeridda dowladda federaalka kmg soomaaliya iyo sida ay raaliga ugu yihiin maayarka cusub ee dhawaan loo magacaabay magaalada Muqdisho ee ah Md. Maxamuud Xasan Cali Gabooe{ Cadde gaabow}.

Kulankaa ayaa waxaa ka halday Xaaji Xuseen Cigaal oo ahaa qaban qaabiyaha kulankaa ayaa ugu horeyn ugu mahdceliyey ka soo qeybgalyaasha ka soo xaadiray kulankaa , wuxuun buuxda u cadeeye in beesha mataan cabdulle ay tahay beel nabadeed isla markasina ay tahay mid taageersan dowladda federaalka kmg soomaaliya ," anaga marnaba kama soo hor jeedno dowladda oo waxaan nahay dad doonaya inay helaan nabad iyo dowlad " ayuu xaaji xuseen Cigaal oo sheegay in beesha mataan cabdulle ay tahay beesha ah gogosha bulshweynta soomaaliyeed oo idil.

Sidoo kale s waxaa halkaa ka halday siyaasiga weyn Xaaji Xasan Buulle Cali Xaaji {Qaroofoow} oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay siagoo in ka badan 35 sano ku maqnaa dalka dibadiisa, wuxuun si buuxda uga shanqariyey inuu isgu diyaar u yahay ilaa ay ka dhamaanayso hantidiisu iyo weliba uu sheegay in uu u hurayo naftiisa sidii ay dowladda federaalk kmg soomaliya ay u noqn laheyd mid taaba gasha oo shaqeysa.

" Jisaar Janno Ma Galo iska dhicin mooyee, gogosha soomaali weyn waa , madaxweynaha iyo ra'iisalwasaarah waa og yihiin , isodoo kale wasiirka arrimaha gudah isna waa ka warqabaa in ay beesha mataan tahay gogosa soomaali weyn " ayuu yiri Xaaji qaroofoow oo sheegay in loo baahan yahay in la is cafiyo maadaa la soo maray 16 sano oo naar ah.

Xaji Qaroofoows waxaa uu sheegay in gogoshaan ay dhigeen uu jecel yahay in ay gaarto soomaali weyn oo idil iyadoo tartiib tartiib beelaha kale sida muddulood, hiraab , ****** ilaa soomaaliweyn sidaa lagu gaarsiinayo.

" Madaxweynaha waxaa jira dad u tageen oo damceen in ay deegaankeena sheegtaan balse waa ka diidyey taas isagoo xusay in...... uu deegaankaa u yaqaan" ayuu yiri Xaaji Qaroofoow oo sheegay in isag iyo rag kale oo aqoonyahno ah ay dalka looga yeeray in ay yimaadaan kana qeyb qaataan dib u heshiisiinta soomaaliya , isagoo sheegay in ay dhawan soo socdaan rag fara badan oo waxgarad soomaaliyeed ah si ay dowladda ugala qeyb qaataan u saldhigideeda loona heshiisiin lahaa beelaha soomaaliyeed guud haan.

Ugu danbeyntii waxaa halkaa ka hadlay siyaasiga rug cadaaga ah Md. Sheekh Muudeey Gacal ayaa sheegay in loo baahan yahay in......... in ay noqto mid lagu daydo oo ay beelaha kale ka maseyraan si ay iyagana beelaha kale u taageetraan dowladda federaalka soomaaliya.

" hub iyo dowlad meel ma wada galaan, sidaa darted waxan diyaar u nahay inaan hubkeena iyoi maleeshiyaadkeena an ku wareejino dowladda federaalka Soomaaliya , saraakiisheenana diyaar ayey u yihiin wixii hub ah iyo tikniko ah inay ku wareejiyaan dowladda iyadoo xerada hiil weyne ay haatan ku jiraan hub iyo ciidamo " ayuu yiri Md. Sheekh Muddey Gacal oo sheegay inuu jecel yahay in soomaaliya oo dhan ay timaado magaalada muqdisho maadaam ay tahay casimadda dalka hase yeeshee aysan qaadan doonin in dhibaato lala yimaado magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadashay Marwo. Ceyni Abuukar Gacal oo codka haweenka beesha mataan C/lle ku hadleysay magaca aqoonyahanada beeshaasi iyo kan ururada u dooda xaquuqda aadanaha ayaa sheegtay in loo baahan in la taageero dowlada federaalka K.M.G ah ee Somalia si looga baxo dhibaato ay dadka soomaaliyeed muddo dheer ku soo jireen.

olol news desk

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this