Sign in to follow this  
General Duke

Candidate, Abshir Muse reaches Las Ano as part of his campaign

Recommended Posts

1084abshir%20muuse%20laascaanood.JPG

 

Tar-tarkii Doorashada Madaxtinnimada Puntland Oo Haatan Laga Dareemayo Magaalada Laascaanood.

 

Laascaanood(Radiolascaanod.com)19/12/04:

 

Tartanka Musharaxiinta Jagada Madaxweynaha ee dawlada Goboleedka Puntland ayaa haatan si weny looga dareemayaa magalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana ayamahan ku soo qulqulayey musharixiinta jagada madaxweynaha.

 

 

Abshir Muuse iyo Cali Magan oo ka mid aha musharaxiinata jagada madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa shalay soo gaadhay magaalada Laascaanood , iyaga oo wada xoogaa taakulayn ah oo u siday Cidamada , taakulayntaas oo gaadhaysay Afar Neef oo geel ah ayaa ciidamada Daraawiishtu ku diideen musharaxaasi iyaga oo sheegay in aanay xilligan diyaar u ahayn in ay dhex muquurtaan tartan musharaxinta.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

1085dadweynaha%20abshir%20muuse.JPG

 

Dadweynihii Dhagaysanyey Barnaamijka Musharaxa Abshir

 

Jiida hore ee ciidamadu ku sugan yihin ayaa noqotay goob loo kala dheereeyo oo uu musharax kastaaba kal sooni dheeraad ah ku raadinayo iyada oo musharaxkastaa oo yimaada magaalada Laascaanood markuu soo galab uu u dhaqaaqaya dhinaca jiida hore ee ay ku sugan yihiin mujaahidiinta daraawiishtu.

 

 

 

 

 

 

 

1086musharaxa%20iyo%20ciyaartoyga.JPG

Musharax Abshir Oo Ciyaar Shalay Ka

Dhacday Laascaanood ka Qayb Galay

 

Abshir Muuse ayaa isagu ilaa shalay shirar gooni gooniya la yeelanayey dadweynaha gobolka, shir uu saaka ku qabtay xarunta dawlada Hosse ka dib markii meeshii uu markii hore ku talo galay in uu ku qabto shirka laga xidhay sababo aan lagarnayn awgeed goobtaas oo ahayd hutel Kulan ayaa markii danbe gudoomiyaha degmadu u ogolaaday in uu shirkiisa ku qabto xarunta dawlada Hoose ee magaalada Laascaanood.

 

Wuxuuna Abshir Muuse isaga iyo ku xigeenkiisa oo ah Cali Magan Ka soo jeediyeen barnaamijkooda ay doonayaan in ay kaga qayb galaan tartanka, wuxuuna Abshir walaac ka muujiyey habka ay u dhacayso doorashadu oo uu sheegay in aad mooodid in dadweynahu in ay ku kala gedisan yihiin isaga oo sheegay in goobaha qaarkood aanay maqli karinba doorsho iyada oo lagu jiro xaalada Colaadeed taasna laga yaabo in ay dadka qaarkood ku danaysanayaan waa siduu hadalka u dhigaye.

 

Abshir waxa uu dhalacayn u soo jeediyey maamulka Puntland oo uu sheegay in ay u diideen in uu magaalada Garoowe si xoriyadi ku jirto barnaamijkiisa uga sheego, markii loo diiday xaruntii uu shirka ku qaban lahaan ay xoog ku galeen isaga iyo taageerayaashiisu magaalada Garoowe oo uu ku tilmaamay maamulka gobolka mid aan khibrad lahayn dalkana dhawaan yimi oo aan la socon marxaladihii ay u soo mareen yagleelkii Puntland.

 

Musharaxa Abshir Muuse waxa uu si dadban u tilmaamay in Issimada Qaarkood maamulka Garab siinayaan isla markaana ay jiraan Isiimo badan oo Gobolkani lee yahay qaarkoodna looba sameeyey in ay maamulka u adeegaan, oo aanay taageero haysan.

 

Goobtii uu barnaamijkiisa ku soo bandhigay Abshir ayaa waxa ku sugnaa Mas'uuliyiinta Gobolka Oo uu ugu horeeyey Guddooomiyaha Gobolka Max'med Cawad Baaruud, Guddoomiyaha degmada Maxmed Taleexi ,Garaad Saleebaan Iyo Dadweyne aad u tiro badan.

 

Ayaamaha soo socda ayaa waxa iyagana la filaya ain ay yimaadaan Gobolka Musharaxin kale.

 

Radiolascaanod.com

 

Laascaanood Puntland J.F.Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this