Sign in to follow this  
Haatu

The fall of the Khawaarij

Recommended Posts

Haatu   

WAR DEG DEG AH: Ciidamo gaaraya 3000, oo gawaarida dagaalka wata oo ka soo dhaqaajiyey Beledweyne kuna soo fool leh Buulo-burde.

 

(17-08-2009)Maqribni madii galabta ayaa waxaa magaalada Beledweyne ka soo ruqaansaday ciidamo taabacsan dowladda oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa dhowr kun, oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sida la sheegay ay ciidamadaani ku soo fool leeyihiin degaano ka tirsan gobolka Hiiraan, gaarahaan degmada Buuloburde oo ay gacanta ku hayaan Xoogagga Alshabab.

 

Ciidamo farabadan oo Soomaali ah oo maanta gelinkii hore ka yimid Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya soona gaarey Beledweyne, ayaa qeyb ka ah ciidamadaan duullaanka ku soo ah Degmada Buulobure.

 

Dhaq-dhaqaaqa ciidan ee ka bilowday gobolka Hiiraan ayaa qeyb ka ah duullaan saf ballaadhan ah oo ciidamo taabacsan dowladda KMG iyo ciidamo kale oo ka tirsan Xoogagga Ahlusuna waljamaaca ay mar qudha ku soo qaadayaan degaanada Gedo, Bay, Bakool, iyo qeybo kamida Hiiraan oo ay gacanta ku hayaan Xoogagga Islaamiyiinta ah ee sida weyn uga soo horjeeda dowladda KMG.

 

Ciidamadaan ka soo kicitimay Beledweyne oo wata gaadiidka dagaalka iyo tiro kamida madaafiicda goobta, ayaa waxay ku soo kala bexeen laba waddoo oo aan la shaacin degaanada ay maraan, waxaase warar hoose oo aanu gobolka Hiiraan ka helnay ay noo xaqiijiyeen inay ku soo wajahan yihiin degmada Buulobure oo saldhig weyn u ah Xoogagga Alshabab.

 

Sidoo kale dhaqdhaqaayo iyo abaabul dagaal ayaa wuxuu ka socdaa degaano ka tirsan gobolka Bakool, waxaana wararka halkaasi laga helayo sheegayaan in xaalada degmooyin ka tirsan gobolka Bakool ay caawa aad u kacsan yihiin.

 

Xoogagga Islaamiyiinta ayaa iyaguna dhankooda ku jira diyaar garow balladhan oo ay kaga hortegayaan dullaanka ay ku soo hayaan Huwanta Ahlusuna iyo Maleeshiyadka dowladda taabacsan.

 

Qorshayaashaan dagaal ayaa waxaa qeybtiisii hore ay saakay la bilaabatay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo oo ay gacan ku heynteeda la wareegeen ciidamo taabacsan Ahlusuna Waljamaaca.

 

Lasoco Dalkanews.com wixii ku soo kordha.

 

Dalkanews.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Ciidamo la sheegay iney ka amar qaatan Ahlusuna Waljamaaca oo qarka u saaran iney la wareegaan degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

 

(17-08-2009)Warar goodhow naga soo gaarey gobolka gedo ayaa sheegaya in ciidamadii huwanta ahaa ee ka tirsanaa Ahlusuna iyo Maamuladii hore ee gobolka gedo oo saakay qabsaday degmada Beledxaawo, ay wadaan abaabulo kale oo ay ugu sii siqayaan degaano horleh oo ka tirsan gobolka Gedo.

 

Sarkaal u hadlay kooxaha saakay qabsaday Baladxaawo oo sheegtay inuu yahay afhayeenka ciidamada dowladda ee Beledxaawo, ayaa wuxuu ka dhawaajiyey in ay gaardis ku tegi doonaan degmooyinka Garbahaarey, Luuq, Buurdhuubo, Baardheere, iyo Kismaayo.

 

Dhanka kale Ciidamo badan oo ku qalabeysan Gawaari dagaal iyo saanad Millitary oo la sheegay in ay ka amar qaataan ururka Ahlusuna Waljamaaca, ayaa galabta soo degey meel dhowr KM u jirta degmada Luuq oo ay haatan maamulaan ciidamo aan tira badneyn oo ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta ah.

 

Cabsi xooggan ayaa soo food saartay dadka ku dhaqan degmada Luuq oo ku aadan dagaallo laga cabsi qabo iney saacadaha soo socda halkaasi ka qarxaan.

 

Lama oga in Kooxaha Islaamiyiinta ah ee ku sugan degmada Luuq ay dagaal kaga hortegi doonaan Maleeshiyaadka Ahlusuna ee weerarka ku soo ah, iyo haddi ay u baneyn doonaan sidii ay hore ugu baneeyeen degmada Beledxaawo oo aan wax dagaal ahi ka dhicin.

 

Dalkanews.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Had iyo jeer ayaa lagu yiri "walaalayaalow, aan wada heshiino. Aanu dadkeena badbaadino." Sida aad la wada socitiin wey naga diideen. Hadda waxa aanu ka aheyn qori caaridiis ma lagula wada hadlaayo. As simple as that. As the President said "ma la hadleyno ciddii aanan aqoonsanin calanka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed". Halaaga ayaga iyo xulufadooda ku soo socda ayaga ayaa isku keenay. Si ummadda afkaartooda qaloocsan laga ciribtiro, waa in kulligood laga wala dhigaa wax la diley iyo wax xirey. Mid la badbaadiya uunasan jirin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this