Sign in to follow this  
General Duke

Navies to tackle Somali pirates

Recommended Posts

Navies to tackle Somali pirates

 

The vote means nations will be able to send warships to tackle pirates

The UN Security Council has unanimously voted to allow countries to send warships into Somalia's territorial waters to tackle pirates.

 

The resolution permits countries that have the agreement of Somalia's interim government to use any means to repress acts of piracy for the next six months.

 

Twenty-six ships have been attacked by pirates in the waters in the past year.

 

The vote came as the UN launched peace talks with factions involved in Somalia's conflict.

 

The Islamist opposition said face-to-face talks would not happen at the meeting in neighbouring Djibouti until the government set a timetable for the withdrawal of Ethiopian troops.

 

Rife piracy

 

Somalia's coastal waters are near shipping routes connecting the Red Sea and the Indian Ocean, and the country's government is unable to police its own coastline.

 

Consequently, piracy is rife off Somalia's 1,800 mile-long coast, says the BBC UN correspondent Laura Trevelyan.

 

The resolution was drafted by France, the US and Panama.

 

Our correspondent says France originally wanted to expand the motion to allow piracy to be tackled in other areas, such as West Africa.

 

China, Vietnam and Libya said they voted for the measure because it only applies to Somalia, and does not affect the sovereignty of other countries.

 

But diplomats say the Security Council action is significant because it is using the force of international law to allow navies to chase pirates and armed robbers.

 

Security Council envoys are holding separate meetings in Djibouti with the Somali government and the opposition at a luxury hotel on the shores of the Red Sea.

 

I am willing to do whatever it takes to promote peace and stability in Somalia

 

President Abdullahi Yusuf

 

The talks, which are being held in Djibouti because Somalia is deemed too dangerous, are part of a UN plan to broker the first official direct talks between the Somali rivals.

 

Somalia has not had a functioning national government since 1991.

 

An Islamist insurgency there has been mounting almost daily attacks on the weak government, which is backed by the United States, because Washington believes the Islamists are associated with al-Qaeda.

 

The UN says almost two million Somalis desperately need assistance.

 

A small contingent of African Union troops is in Mogadishu but has done little to quell the violence.

 

The talks are being boycotted by the hard-line al-Shabab militia, blamed for many of the attacks on government troops and their Ethiopian supporters.

 

They refuse to hold talks until the Ethiopian troops leave the country.

 

President Abdullahi Yusuf says there would be a security vacuum if the Ethiopians withdrew before being replaced by UN peacekeepers.

 

"I am willing to do whatever it takes to promote peace and stability in Somalia," he said.

 

The UN mission will also visit Sudan and the Democratic Republic of Congo, where millions of people have been displaced by fighting in the east of the country.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Amaanka oo ansixiyey hawlgal Military oo laga fuliyo xeebaha Somalia

 

 

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qalinka ku duugay qaraar rasmi ah oo fasaxaya in xeebaha Soomaaliya laga fuliyo halwgalo ciidan oo lagula dagaamaypo kooxaha burcad badeeda iyo waliba falalka burcadnimada hubaysan.

 

Fadhi gaar ah oo ay albaabadu u xirnaayeen oo ay yeesheen xubnaha golaha Amaanka ayaa waxay 15-ka xubnood ee golaha amaanka ee Golaha Qaramada Midoobay si buuxda isugu raaceen qaraar ku aadan in Maraakiibta iyo diyaaradaha dagaalka shisheeye ay hawlgal ka fuliyaan xeebaha Soomaaliya, iyadoo hawlgalkasi oo socon doono mudo lix bilood oo ka bilaamanaysa 2-da June 2008.

 

Qaraarka Golaha Amaanka oo tirsigiisu yahay 1816 ayaa waxaa 15-ka xubnood si buuxda ugu codeeyeen in hawlgalkaasi uu noqdaa mid araxda lagaga jabiyo kooxaha burcad badeeda ka dilaacdey xeebaha Soomaaliya ee weerarada joogtada ah ku haya gaadiidka badda ee maraya xeebaha Soomaaliya.

 

Qaraarkan uu asnixiyey golaha Amaanka ayaa waxaa markiisii hore soo jeediyey wadamada Faransiiska iyo Mareykanka, waxaase markii hore ka muuqdey isfaham waa iyo kala duwanaansho xaga fikirka ah oo ka dhex muuqatey xubnaha golaha amaanka kuwaasi oo isku mabda’a aan ka aheyn qaabka uu noqonayo hawlgalkaasi.

 

Dawlada Faransiiska ayaa iyadu waxay qabtey in qaraarka xitaa lagu xuso oo ay ka dhex muuqato in hawlgalada lagula dagaalamaya kooxaha burcad badeeda laga fulin karo dhulka beriga, hadii loo baahdo.

 

Laakin aragtidaasi mid ka duwan ayaa waxaa qabtey xukuumada Ingiriiska oo ka mid ah Golaha Amaanka waxaana ay sheegtey in hawlgalkaasi uu noqdaa mid ku eg xeebaha Soomaaliya oo laga fuliyo xeebaha isla markaana aan hawlgalkaasi loo adeegsan ujeedooyin kale.

 

Si kastaba ha ahaatee golaha Amaanka ee Qaramada Muidoobay ayaa wuxuu go’aankiisa ku ansixiyey in hawlgalkaasi uu baacsado kooxaha burcad badeeda, waxaana loogu baaqay dalalka maraakiibtooda iyo diyaaradahooda dagaalka hawlgalka ka fuliyaan xeebaha Soomaaliya inay kaashadaan hay’ada IMO, dawlada KMG ah ee Soomaaliya iyo waliba dawladaha Gobolka.

 

SBC International News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Amaanka oo ansixiyay qaraar ku saabsan badda Somaliya

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 03-Juun-08

 

 

Golaha Ammaanka ee QM, ayaa xalay ansixiyey Mashruuc Qaraar oo u fasaxayo Maraakiibta dagaalka ee shisheeyahaya inay geli karaan Baddaha dalka Somalia, si ay ula dagalamaan Kooxaha burcad-baddeedda khatarta ku haysa Maraakiibta ku socdaasha Baddaha Somalia.

 

15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM, ayaa si wadajir ah ugu codeeyey Qaraar tirsigiisu yahay 1816, kaasi oo u oggolaanayo Dowladaha shisheeyaha inay ku geli karaan xuduud-baddeedka dalka Somalia, si ay uga hortagaan, ula dagaalamaan, una soo qabtaan Burcad-baddeeda khatarta ku haysa Maraakiibta shisheeyaha ee isticmaasha Baddaha Somalia.

 

Hindisahaasi oo ay Dowladaha Faransiiska iyo Maraykaanka soo gudbiyeen, ayaa waxa uu awood u siinayaa inay Dowladaha shisheeyaha muddo lix bilood ah kala shaqeeyaan DFKMGS sidii looga hortegi lahaa Burcad-baddeeddaasi, isla markaana ay Maraakiibtaasi u gelbin lahaayeen Maraakiibta Shixnadaha Samafalka u wada Ummadda Soomaaliyeed.

 

Qaraarkaasi, ayaa waxa uu qeyb ka yahay Codsiyo ay DFKMGS iyo Xoghayaha Guud ee QM, Ban Kii Moon ku codsadeen in taageero laga geysto sidii looga hortegi lahaa Burcad-baddeedaasi.

 

Golaha Ammaanka ee QM, waxa uu ugu baaqay Dowladaha ay Maraakiibta dagaalka iyo Diyaaradaha ka jooga meel ka baxsan Xeebaha dalka Somalia inay u feejignaadaan falalka burcad-baddeedka, iyo inay DFKMGS iyo Hay'adaha Caalamiga siiba Hay'adda Baddaha Caalamka ee IMO kala shaqeeyaan sidii loo ugaarsan lahaa Burcadda ka qowleysata Baddaha dalka Somalia.

 

Qaraarka, waxaa kaloo lagu xusay inuu Golaha Ammaanka ee QM walaac xooggan ka muujinayo cabsida falalka Burcadnimadda iyo dhaca hubeysan ee lagu soo qaadayo Maraakiibta iyo khatarta la gelinayo sidii Kaalmooyinka Samafalka loo gaarsiin lahaa dalka Somalia iyo Maraakiibta Ganacsiga ee Caalamka.

 

Dhinaca kale, Madaxweynaha DFKMGS, C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM kula kulmay dalka Jabuuti, ayaa sheegay in arrimaha Burcad-badddeed tahay muhiimadda ay DFKMGS siinayo si wax looga qabto iyadoo Beesha Caalamka gacan wada-shaqeyn laga helayo.

 

Madaxweynuhu, waxa uu ku booriyey QM inay soo dedejiyaan ciiddamaddii wax ka qaban lahaa burcad-baddeeddaasi.

 

 

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this