Sign in to follow this  
General Duke

News: AU message + Warning to warlords

Recommended Posts

Midowga Africa oo jawaab ka bixiyay baaq iyo canbaareyn uga timid wasiirrada hubeysan ee Muqdisho

 

Addis Ababa:- Midowga Africa ayaa qoraal uuu kasoo saaray xaruntiisa magalada Adis ababa waxaa uu ku sheegay inxafiiska uu ugafuray magaalada Jowhar si uu horay ugusii dhaqaajiyo nabadeynta dalka Sooaaliya.

 

Qoralka midopwga Africa waxaaa sidoo kale lagu sheegay in furitaanka xafiiska midowga Africa ee Soomaliya ay qeyb ka tahay dadaallada uu midowgu ku taageerayo isku adygan ugu danbeeya ee dowladda federalka ku mel gaarka ah ee soomaaliya lagusoo dhisay oo la doonayo xukuummada nabadeed in looga hirgeliyo dalkan ay sharci la’aantu l;a degtay.

 

Midowga Africa oo sidoo kalana doonaya in ciidamo nabadgeliyada suga uu usoo diro dalka Soomaaliya ayaa xafiis waxaa dhawaan u ka furtay magaalada jowhar oo dowladda ku meel gaarka ahina ay xarun ka dhigatay tan iyo inta ammaanka magaalada caasimmadda ah uu kasoo wanaagsanaanayo.

 

“....Hindisaha lagu furay xafiiskani waxaa uu la socdaa baahida loo qabo in la meeleeyo qaabab wanaagsan iyo macaahid midowga Africa uu ku xiriirin karo taageerada uu siinayo dalka Soomaaliya...â€ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xarunta midowga Africa ee magaalada Adisababa.

 

Hadalka kasoo baxay midowga Africa waxaa uu si aad ah uga hor imaanayaa qoralkii shalay wasiirrada hubeysani ay gabagabadii kulan maalmo u socday kasoo saaareen.

 

Midowga Africa war murtiyeedkiisankuma aanu sheegin inta ay dhammaaneyso tirada shaqaalaha uga howlgalaya xafiiska magaalada Jowhar iyo waliba howsha gaar ahaaneed oo ay qaabilsananayaan.

 

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa bishii Ocrober ee sanadkii 2004-tii waxaaa lagusoo dhisay wadahadaladii nabadeynta ee ka dhacay dalka Kenya ,waxaana tani ay tahayisku dayga 14-aad ee ladoonayop nabad iyo kala danbyen in lagulasoo dabbaalo dalka Soomaaliya oo fowdo iyo degenaasha la’aan ay qabqbalayaasha dagaalku hormuud ka ahayeen dhexda kaga jiraytan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee uu hoggaaminayay general maxamed Siyaad barre 1991-kii.

 

Laakin nasiib darro tan iyo markii ay dalka u soo guurtay sanadkan horraantiisii dowladdu waxaa ay ahayd mid kala qeybsan oo xubnaha qaar ay degenyihiin magaalada jowhar ,halka ku wa kalana ay fariisinka dhigten magaalada Muqdisho,tasina waxa arajo xumo ay ku abuurtay shacabka Soomalida oo dadkii ay wax qabasho kasu gayeenay noqdeen kuwo dagaal xagga fikirka ahi uu ka dhex aloosmay.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ,Ra’isulwasaare prof geeddi iyo xubno kale waxaa ay degeen magaalada Jowhar oo muqdisho ilaa iyo 90 kilo mitir ujirta waxaana ay leeyihiin Muqdisho waa meel aan nabadgeliyo lahayn oo aan mu habbooneyn in xilligan dowladdu ay timaado.

 

Laakinqabqbalayaasha dagaalka ee fadhigoodu yahay Muqdisho oo Osman Cato uu ku jiro sida qoraalku uu u dhiganyahay iyo kuwo kale oo golayaasha dowladda ka tirsan ayaa fariisin ka dhigtay Muqdisho,iyagoo madaxweynaha iyo ra’isulwasarahana ku eedeynaya in ay ku gull darreysteen meel marinta heshiiskii la gaaray 2004-tii.

 

Midowga Africa hatan waxaa uu beesha caalmka ka dal;banayaa in la qaado xannibaada dhinaca hubka ee saran dalka Soomaliya si uu suuragal uga dhigo hadafkiisa ah in ciidammonabada ilaaiya uu usoo diro dalka Soomaliya

 

Cismaan Xasan Cali (fantastic)

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaad cali Jeelle “Bilaha Soo socda kuwa fowdada wada oo uu qanyare

 

ugu hrreeyo bulshada waa ay ka dhex bixidoonaan inta kalana gacmaha ayay ios qabsandoonaanâ€

 

{Jawhar} Wasiir ku xigeenka war faafinta Salaad cali Jeele aya sheegay in khilafka dowladda kadhex jira ay wadaanrag aan sidaa usii badneyn oo ugu horreeyo wasiirka ammaanka qaranka Maxamed Qanyare Afrax.

 

“Bilaha Soo socda kuwa fowdada wada oo uu qanyare ugu hrreeyo bulshada waa ay ka dhex bixidoonaan inta kalana gacmaha ayay ios qabsandoonaanâ€ayuu yiri wasiir ku xigeenka war faafinta Salaad Cali Jeelle oo intaana sii raaciyay “waxaanu ku guuleysanay in fidnada Qanyare ka shaqeynayo aaney dadka ku dhex milmin oo hadda ay wali ku egtahay in saxaafada uun uu ka sheegoâ€

 

“Colaadda uu carrabka ku dhifanayo oo mar walba kasoo burqaneysa haddi uu heli lahaa cid uu kulasoo galgsho mar hore ayuu dadka dhibaato ugeysan laha ,lakininagu waanu ku guuleysanay hadafkiisu in aanu meel; mar noqon†ayuu mar kale yiori wasiir ku xigeenka war faafinta Soomaliya Salaad cali Jeelle oo war fidiyeennada kula hyadlayay magaalada Jowhar ee Xarunta ku mel gaarka ah ee Soomaaliya oo intaa ku daray “marka ugu danbeysa wuxuu sheego ayuu weynaya oo waxaaba ay noqoneysaa dalka in uu isaga cararoâ€

 

Waxa Sidoo kale Salaad cali Jeelle uu ka dhawaajiyay in madaxweynaha dowladda federalka Soomaliya C/llaahi yuusuf Axmed ay dhab ka yiohiin hadalladii uu ka jeediyay munaasabaddii lagu xusayay m,alinta nabadda aduunka ee ka dhacday magaalda Jowhar ,xilligaasoo uu sheegay in nabadda badigoobkeeda uu albaab kasta u garaacayo.

 

Wasiir ku xigeenku waxaa kaloo uu sheegay in maalmaha in soo aadan uu magaalada Muqdisho soo gaari doono ra’isulw asaaraha dalka Soomaaliya Prof cali Maxame dgeedi oo uu ka dhawaajiyay in iminkaba qabanqaabada soo dhaweyntiisa Muqdisho ay wadaan ra’isulwasaare ku xigenka Soomaliya ee dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda Inj Caydiid iyop xubno kale oo ay ka midyihiin : iyo masuuliyiin kale oo ka mida xubnaha labada gole ee Muqdsho ku sugan ooo uu ka tilmaamay Inj Caddow ,Xersi Aaden Roble,Maxamed jaamaca Furux,Xuseen carraale ,Nuur wabar ,guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo masuuliyiin kale .

 

Marka laga reebo gudoomiyaha gobalka iyo ra’isulwasare ku xigeenka ayaa masuuliyiintan kale waxaa dhammaantoodba ay kla tirsanayen xubnaha Shariif xasan uu hoggamiyo,lakin iminka us wareegsaday dhanka magaalada Jowhar fikir ahanmarka la eego.

 

cabdi maalik muxuyaddin (Xafiiska WidhWidh Online ee Muqdisho)

Webmaster@widhwidh.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this