General Duke Posted July 28, 2007 Somalia: France to provide logistics, funds to boost peace efforts Addis Ababa (Ethiopia) French Foreign Affairs Minister, Bernard Kouchner, Friday said his country will provide financial and technical support to boost peace-building efforts already undertaken by the AU and Somalia government, APA learnt here. Speaking after a meeting with the French envoy, the Somali Prime Minister, ALi Mohammed Gedi said: “we discussed how France can help technically and financially in the ongoing peace-building”. He then seized the opportunity to appeal for similar assistance to the international community “to help us to stabilize Somalia,’ saying “the problem of Somalia is not local…it is an international problem.” Gedi again accused Eritrea of “fuelling terrorism in Somalia by supplying arms and Jihadists..it is not a secret and an allegation, it is well known and has been proved by the UN experts this week,” he said. France is currently supporting the Burundi peacekeeping forces to deploy in Somalia. Burundi pledged to send some 1,000 peacekeeping forces to the trouble-ridden country in the horn of Africa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 28, 2007 Addis Ababa: Raysal wasaaraha DF & Wasiirka Arimaha dibada Faransiiska oo wada hadalo yeeshay. 28. juli 2007 Addis Ababa(AllPuntland)- Raysal wasaaraha dawlada Soomaaliya Prof: Cali Maxamed Geedi Iyo Wasiirka Arimaha dibada Faransiiska Bernard Kouchner ayaa waxa ay kulan gaaban ku yeesheen Magaalada Addi sababa. Raysal wasaaraha dawlada Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa wuxuu usheegay Wasiirka arimaha dibada Faransiiska in xaalada dalka Soomaaliya tahay xiligan mid dagan oo aysan ka jirin wax dhibaato. Cali Maxamed Geedi ayaa wuxuu sheegay in shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed uu si wanaagsan uga socdo Magaalada Muqdisho ,isagoo raysal wasaaruhu sheegay in kulankaasi ay ka qeybgalayaan beelaha Soomaaliyeed kuwaas oo yiri waxa ay ka tashanayaan aayaha Soomaaliya. Prof: Geedi ayaa wuxuu beesha Caalamka sheegay in qaar ka mid aysan fulin balanqaadkii ku aadanaa in ay dhaqaale ku taageerayaan shirweynaha dibu heshiisiinta Soomaaliya ,ayadoo uu ugu baaqay beesha Caalamka in ay fuliso balanqaadkii ay qaaday. Wasiirka arimaha dibada Faransiiska ayaa wuxuu ku amaanay dawlada Soomaaliya qabashada shirweynaha beelaha Soomaaliyeed lays kugu keenayo kaas oo ku tilmaamay wasiirka arimaha dibada in uu yahay mid wadada uxaaraya nabadii iyo kala danbeyntii Soomaaliya oo soo laabata. Wasiirka ayaa qiray in loo baahan yahay ciidamo caalami ah oo kaalmeeya dawlada Soomaaliya ,si buu yiri dawlada Faderaalka ee Soomaaliya ay unoqoto mid leh Awood Milateri leh iskana difaacda kooxaha ka soo horjeeda. Mr.Kouchner ayaa ku booriyey dawlada Soomaaliya in ay wado dadaalada nabada ee ay ku dooneyso in ay Soomaaliya ka soo celiso dagaalo ahli ah oo ay ku jirtay 17 sanno. Wakaalada wararka Itoobiya ayaa sheegtay in wasiirka arimaha dibada Faransiisku baaq caalami ah ujeediyay qaramada Midowbay oo uu kaga dalbanayo in ay ciidamo caalami ah u dirto dalka Soomaaliya. Shirkan dhexmaray raysal wasaaraha dawlada Soomaaliya Prof: Cali Maxamed Geedi iyo wasiirka arimaha dibada Faransiiska Bernard Kouchner ayaa wuxuu ku soo dhamaaday jawi wanaagsan. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 28, 2007 Geedi oo la kulmey Bernard 28 Jul 28, 2007 - 8:21:34 AM Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka KMG ah ee Somaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya wasiirka arrimaha dibada ee dowladda Faransiiska Bernard Kouchner, kulankaasi oo looga wada hadlay arrimaha xasaasiga ah ee dalka Somaliya iyo sidii dowladda Faransiiska gacan ugu geysan laheyd taageerada ay siineyso Soomaaliya. Cali Maxamed Geeddi ayaa kulankaasi ka dib saxaafadda u sheegay in labada dal ay ka wada hadleen xiriirkooda iyo sidii dowladda Faransiiska ugu qeyb qaadan laheyd nabadgelyo ku soo dabaalida dalka Soomaaliya gaar ahaan dib u dhiska dalka, wuxuna Geeddi amaan ballaaran u soo jeediyay doorka ciidamada Ugandha iyo Itoobiya ay ka ciyaareen nabadgelyo ku soo dabaalida dalka Soomaaliya. Geeddi ayaa u sheegay wasiirka arrimaha dibada Faransiiska in xaalada nabadgelyo ee dalka ay iminka wanaagsan tahay isla markaana beelaha Soomaaliyeed ay xiligan ka tashanayaan aayaha mustaqbalka iyo dib u heshiisiinta iyadoo la filayo in natiijo wanaagsan ay ka soo baxdo buu yiri Geeddi. Bernard Kouchner Wasiirka arrimaha dibada Faransiiska ayaa ku amaanay dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya qaabka ay u wajahday dib u heshiisiinta oo uu ku tilmaamay in taasi ay macnaheedu tahay nabad ka dhalata Soomaaliya. Bernard Kouchner ayaa kulankasi kadib shegay in caalamka uu faragelin karo arrimaha Somaliya si wax looga qabto xaladaha ka tagan wuxuna ugu baaqay QM in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamo nabad ilaalin ugu dirto dalka Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibada ayaa sidoo kale sheegay in dowladiisa ay tageero u fidineyso ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalka Burundi, wuxuuna Bernard Kouchner uu qiray in dowladda Faransiiska ay door muhiim ah ay ka qaadaneyso sidii Qaramada Midoobay ay wax ugu qaban laheyd arrimaha Soomaaliya si loo soo afjaro colaadaha ka taagan Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa magalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay Guddoomiyaha ururka Midowga Africa Alpha Omar Konari iyadoo labada mas’uul ay isla soo qaadeen arrimaha shirka dib u heshiisiinta iyo natiijada laga filan karo. Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 28, 2007 Ra'isul wasaare Geeddi oo kulan la qaatay wasiirka dibada dalka faransiiska iyo madax Midowga Africa. Mogadishu, 28 July 2007 (HornAfrik Media) Ra'isul wasaaraha dowlada KMG ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo maalintii shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa halkaasi kulamo kula qaatay madaxa Midowga Africa Alpha Omar konerry iyo wasiirka arimaha dibada dalka Faransiiska Mr Geedi ayaa mas'uuliyiintaasi kala hadlay sidii dowlada KMG ah ee Soomalaiya gacan looga siin lahaa xalinta dalka iyo ka mira dhalinta dadaalada nabadda ee ay dowladdu wado. Mr Geedi ayaa ku war giliyay mas'uuliyiintaasi in dowladiisa ay ku guuleystay qabshada shirka dib u heshiisiinta qaran islamarkaana ay ku rajo weyn tahay in natiijo la taaban karo ka soo baxdo . Waxa uu intaa raaciyay Geedi in inta badan belaha Soomaaliya ay ka soo qeyb galeen shirka dib u heshiisiinta balse ay jiran dhinacyo haray oo uu sheegay in ay sugayaan. “Weli waan soo dhaweeyneeynaa cid Alaale iyo cidii ka soo qeyb galeysa laakiin kuma jiraan shaqsiyaadka ku jira liiska argagixisada caalamka”ayuu intaa raaciyay Geeddi . Mr Geedi waxa kale uu sheegay in amaanka Muqdisho uusan ahayn sida loo buun buuninayo balse amaanka uu soo wanaagsanaanayo,iyadoo taasina ay suura galiyeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada KMG ah ee Soomaaliya kusugan. Wasiirka arimaha dibadda dalka Faransiiska ayaa isna sheegay in xaaladda Soomaaliya ay u baahantahay fara gilin deg deg ah. Waxa uuna wasiirkaani cadeeyay in qalad ay tahay in la iska inadha tiro xaaladda Soomaaliya oo uu sheegay fara galinteeda ay ka sahlan tahay tan Daarfoor . Wasiirka arimaha dibada dalka faransiiska waxa uu balan ku qaaday in dowladiisa ay xoojineyso ciidamada dalka Burundi ee dhawaan soo gaaraya dalka Soomaaliya . Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 28, 2007 Ra'iisal wasaaraha DFKM oo kulamo la yeeshay wasiirka arrimaha dibada Faransiiska iyo Alpha Oumar Konari Last Updated::2007-07-28 14:41:33 Adis Ababa:-Ra'iisal wasaaraha DFKM Cali Maxamed Geedi ayaa magaalada Adis Ababa kula kulmay wasiirka arrimaha dibada faransiiska Bernard Kushner iyo guddoomiyaha ururka midowga Africa Alpha Oumar Konari isagoo kala hadlay arrimaha Soomaaliya iyo sidii ay gacan uga siin lahaayeen xukuumadiisa nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya. Geedi ayaa shalay booqasho shaqo ku tagay magaalada Adis Ababa halkaasi oo kulamo kula yeelanayo madaxda Africa iyo kuwa Ethiopia si uu uga codsado in dawladdiisa gacan laga siiyo xasilinta dalka Soomaaliya. Shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Adis Ababa ayuu Ra'iisal wasaare Geedi ku sheegay in kulamadii uu la qaatay wasiirka arrimaha dibada faransiiska iyo Alpha Oumar Konari ay ahaayeen kulamo wax ku ool ah isagoo tilmaamay in uu ka codsaday dawlada Faransiiska iyo midowga Africa in ay laba jibaaraan kaalmada ay siiyaan DFKM. Cali Maxamed Geedi ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa'id kaga hadlay shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo uu sheegay in uu u furan yahay cid kasto oo ka soo horjeeda DFKM marka laga reebo shaqsiyaadka ku jira liiska waxa loogu yeero argagixisada Sida Sheekh Xasan Daahir. Wasiirka arrimaha dibada Faransiiska ayaa sheegtay in dawladiisa ay taageersan tahay in QM ay la wareegto ciidamada nabad ilaalinta ee ka hawl galaya dalka Soomaaliya inkastoo uusan sheegin in dalkiisa ciidamo u soo dirayo dalka Soomaaliya iyo in kale. HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 28, 2007 France's Kouchner calls for urgent UN force in Somalia Aweys Osman Yusuf Mogadishu 28, July.07 ( Sh.M.Network)- French Foreign Minister Bernard Kouchner said Friday the United Nations should urgently send a peace force to Somalia, where he suggested such a deployment would be easier than in Sudan's Darfur. French Foreign Minister Bernard Kouchner and Somalia Pm, Ali Mohamed Ghedi "The urgency is great," Kouchner told AFP after meeting Somali Prime Minister Ali Mohamed Gedi in the Ethiopian capital Addis Ababa. "In Somalia, we could intervene and retrieve the situation a little." Kouchner said it would be easier for the UN to act in Somalia than in Darfur -- the western region of Sudan where civil war has raged since 2003 -- because there would be no restrictions on where the UN troops came from. Khartoum has said that only African peacekeeping troops can be deployed by the UN if it intervenes in Sudan. Violence has been escalating in Mogadishu, where Islamist insurgents are launching attacks almost daily on the government, which is supported by Ethiopian troops and African Union peacekeepers. Uganda has deployed at least 1,500 troops in Mogadishu, a vanguard of around 8,000 troops the African Union is struggling to assemble to help Somalia's weak government. A bloody power struggle has enveloped Somalia since dictator Mohamed Siad Barre was ousted in 1991. The UN Security Council last month gave a cool response to a call from Gedi for the immediate deployment of a UN peace force in his strife-torn country. (AFP) Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 29, 2007 France oo ku baaqay in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro dalka Soomaaliya Addis-abab (WNT)Dawlada France ayaa ku baaqday in qaramada midoobay u diraan ciidamo nabada ilaalin ah dalka Soomaaliya si ay uga qayb qaataan , nabad iyo xasilin soo dabaalidadalka Soomaaliya. Wasiirka arimaha dibada dalka France Bernard Kouchner oo la hadalyey wakaalada wararka AFP ayaa u sheegay sida ay muhiim u tahay in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro dalka Soomaaliya iyo gobolka Dafour ee dalka Suudaan. Bernard Kouchner ayaa kulan kula yeeshay magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia R/wasaaraha dawlada FS Cali Max’ed Geedi waxaanu sheegay caalamka oo fara gelin ku sameeya xaalada hadda ay Soomaaliya ku sugan tahay inuu wax ka badali karo. Wasiirka arimaha dibada ee dalka France ayaa iyaga sheegay sida uu u taageersan yahay ciidamada ka socda dalka Brundi oo lagu wado dhowaan gaaraan dalka Soomaaliya,kuwaasi oo mudo bil ah dib ugu dhacay xilligii loogu tala galay,waxaa uu carabka ku adkeeyey sida dawladiisu ay u danaynayso in arinta Soomaaliya QM ay wax ka qabtaan. Dhankiisana R/wasaare Geedi ayaa oo axaafada la hadalay ayaa ammaan ujeediyey doorka ay ka ciyaareen ciidamada Ethiopia iyo ku Uganda xaalada Soomaaliya. Bihii aan ka soo gudubnay ayey golaha ammaanka ee QM midoobay si aan diiranayn uga jawaaben baaq uu ujeediyey R/wasaaraha dawlada FS oo ku aadanaa in ciidamo nabad ilaalineed loo diro dalka Soomaaliya. Xarunta wararka Waayaha.net editor@waayaha.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 29, 2007 Dawlada France oo ogolaatay inay bixiso kharashka ku baxaya ciidamada dalka Brundi Addis-ababa (WNT)-Wararka imaanaya magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegaya in dawlada France ay balan qaaday kharashka ku baxaya ciidamada Brundi ee lagu wado inay yimaadaan dalka Soomaaliya. Dawlada France ayaa balan qaaday in bixin doonto kharashka ku baxaya ciidamo nabad illaalin ah oo ka imaanaya dalka Brundi oo lagu waday inay horay u yimadaan dalka Soomaaliya dhawr jeerna dib dhac uu yimid. Ciidamadan oo hadda muddo bil ah dib u dhacay ayaa lagu wadaa inay soo gaaraan koonfurta Soomaaliya bartamaha bisha August,kuwaasi oo warar hoose ay sheegayaan inay saldhig ka dhigan doonaan gobolada Jubbooyinka. Arintaan ayaa ku soo began tahay xilli uu wasiirka arimaha gudaha dalka France uu ka sharqamiyey in QM ay taageeraan sidii Soomaaliya nabad loo soo dabaali lahaa,looguna dirin lahaa ciidamo ka socda golaha ammaanka. Xarunta wararka Waayaha.net editor@waayaha.net Quote Share this post Link to post Share on other sites