General Duke Posted July 21, 2007 Muqdisho: SAFIIRKA ITOOBIYA: “Ciidamadeenu waxay diyaar u yihiin inay dib ugu laabtaan Addis Ababa mar alla markii la helo Milateri & Boolis Soomaaliyeed oo xoogan” 20. July 2007 Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Fiseha Shawel Muqdisho (AllPuntland)- Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Fiseha Shawel oo u waramayey Shabakadda AllPuntland iyo Wargeyska Codka Banaadir ayaa waxa uu ka hadlay waxqabadka Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay Muqdisho, isagoo sheegay in howsha ay safaaradu qabato ay isugu jiraan arrimaha difaaca dowladda Federaalka, gacansiinta Booliska iyo isku xirka xiriirka siyaasadeed ee labada dowladood. Safiirku waxa uu sheegay in safaaradiisu ay sidoo kale qabato adeegyada Viso bixinta, isagoo sheegay in dadka doonaya inay ka dhoofaan Hargeysa, Muqdisho, Jabuuti iyo Nairobi ay garoomada ku gaarsiiyaan Viisooyin, isagoo intaa ku daray in adeegaasi uu yahay mid kooban sababo jira awgood. Amb. Fiseha Shawel ayaa mar la weydiiyay howlgalka ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya inta uu qaadanayo ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiya ay diyaar u yihiin inay dib ugu laabtaan Addis Ababa mar alla markii la helo ciidamo Boolis iyo Milateri isugu jira oo xoogan isla marka-ana ay leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya uu yahay mid muhiim u ah xasilooni ku soo dabaalida dalka Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale Safiirku uu xaqiijiyay in Milateriga Itoobiya ay kuwa Soomaalida siiyaan tababarada, halka sidoo kalena ciidamada AMISOM ee Uganda ay iyaguna qeyb ka qaataan tababarida ciidamada Dowladda Soomaaliya. Mar uu ka hadlayay hab dhaqanka ciidamada Itoobiyaanka iyo xiriirka kala dhaxeeya bulshada, ayaa waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda aan la shaacin wax dhibaato ah oo ay ciidamadu u geysteen dadka rayidka ah, isagoo intaa ku daray in ciidamada Itoobiya ay dadka Shaaha iyo Kafeega la cabaan isla markaana ay soo jiiteen shacabka Muqdisho saaxibna ay ka dhigteen. Mar wax laga weydiiyay sida uu u arko falalka qaraxyada iyo weerarada mararka qaar ka dhaca magaalada Muqdisho ayuu sheegay in waxaasi ay caadi iska yihiin kana dhacaan wadamada caalamka sida Ciraaq, Ameerika, London iyo Muqdishaba. “Xaaladda nabadgelyo ee Soomaaliya waa hubaal in wax weyn ay iska bedeleen, maxaa yeelay dowlad curdin ah ayaa iminka ka shaqeyneysa caasimada dalka, iyadoo wakhti gaabanna ay dowladdu wax weyn ay ku qabatay” ayuu yiri Amb. Shawel. “Ra’iisal Wasaaraheyga waxa uu kal hore u sheegay Odayaasha ****** in ciidamadu ay iska baxayaan mar alla markii la xasiliyo dalka” ayuu mar kale Amb. Fiseha oo intaasi ku daray in haddii iminka ay huleelaan ay dhici doonto dhibaato baaxad leh oo waxyeeleysa dadaalkii loo soo galay nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya. “Waxaanu nahay bulsho ku nool hal gobol, Soomaaliya oo nabad ah, macnaheedu waa Itoobiya oo nabad ah, ujeedada aan ka leenahay dalka Soomaaliya waxay tahay oo kaliya inaan nabad ku wada noolaano oo noqono dad wadaaga saaxibtinimo, derisnimo” ayuu yiri. Safiirka dalka Itoobiya Ambassador Fiseha Shawel oo wareysigaasi maanta xafiiskiisa kula yeelanay ayaa intaa ku daray in dhismaha Safaaradda iyo goobta ay ku taalo aysan suurtagal ahayn xilligan inay qabtaan adeegyo badan oo dadka dan u ah, hase yeeshee waxa uu hoosta ka xariiqay in in ka yar laba bilood oo uu hayay xilka safiirnimada inuu qabtay wax weyn isla markaana si toos ah ay isugu xiran yihiin Safaaradda Soomaaliya ku leedahay Addis Ababa iyo tan isaga uu ka howlgalo ee Muqdisho. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites